Samatar Bahnaan Secondary School

Samatar Bahnaan Secondary School

Share

Halkani waa dagalka suggantigaa ee Dugsiga sare Samatar Baxnaan Buuhoodle. Kusoo dhowoow.

Photos from Samatar Bahnaan Secondary School's post 10/01/2026

Sabti: 10/1/2026

Waxa ardayda dugsiga sare ee Samatar Baxnaan usoo dhammaaday Imtixaanka Kalka kowaad (term-one) ee sannad dugsiyeedka 2025-2026.

Maamulka iyo macalimiinta dugsigu waxay guul iyo natiijo ay ku farxaan u rajaynayaan dhammaan ardayda dugsiga.

Photos from Samatar Bahnaan Secondary School's post 04/01/2026

Xafladda Xidhitaanka Koobka Kubadda Cagta Dugsiga Sare Samatar Baxnaan βš½πŸŽ‰
Maamulka iyo macalimiinta dugsiga Samatar Baxnaan Secondary School waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan fasalka F2B oo ku guulaystay Koobka Kubadda Cagta Dugsiga Ee sanad dugsiyeedka 2025-2026 πŸŽ–οΈπŸ†
Ciyaarta k**a dambaysta ah waxay dhacday 19 December 2025, halka xafladda xidhitaankuna ay qabsoontay 3 January 2026.
Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan ardayda, macallimiinta iyo marti sharaftii ka qayb gashay xafladdan quruxda badan.
Guushu waa mid ay wada leeyihiin dhammaan bahda dugsigu.

Photos from Samatar Bahnaan Secondary School's post 08/12/2025

πŸ†Tartanka Kubadda CagtaπŸ†

Tartanka kubadda cagta ee Dugsiga Sare Ee Samatar Baxnaan ayaa galabta si habsami leh uga bilaabmay garoonka Caalami Ee magaalada Buuhoodle, 08-12-2025
Munaasabadda furitaanka tartanka waxaa ka soo qayb galay macallimiinta, iyo ardayda tartamayaasha .

Ciyaartii furitaanka ayaa dhexmartay labada kooxood Ee matalaya F4A VS F2A waxayna kuso dhamaatay bar bar dhac 1-1.

Waxaana loogu magac daray cup kan Gudoomiyihii h**e waxbarashada Gobolka Cayn Cabdikariim maxamed cilmi (cabdiwayne) Allah ha unaxariistee.

Ugu dambayn waxaanu Allah swt ka rajaynaynaa inuu si nabad galiyo leh noogu dhameeyo tartankan.

Alla Mahad Leh

09/11/2025

Samatar Baxnaan Secondary School – Buuhoodle

Waxaa si habsami leh ugu socda Maalinki 2aad ardayda Fasalka 12aad (F4) Ee dugsiga sare Samatar Baxnaan imtixaankii bilaha.
Maanta oo ay taariikhdu ahayd 9/11/2025 waxa sidoo kale si rasmi ah u soo dhammaaday imtixaankii billaha Ee ay galeen ardayda fasallada Form One, Form Two, iyo Form Three.

Maamulka iyo macalimiinta Dugsigu waxay u rajeynayaan guul iyo horumar dhammaan ardayda ka qayb gashay imtixaanka.

29/10/2025
04/07/2025

Maamulka, macallimiinta, ardayda, iyo dhammaan bahda Dugsiga Sare ee Samatar Bahnaan Secondary School – Buuhoodle waxay farxadda la qaybsanayaan ardayda sannad-dugsiyeedka 2024–2025 kabaxay dugsiga.

Dhammaan ardayda waxaan u rajaynaynaa natiijooyin ay ku farxaan, kuna gaaraan guul iyo horumar wanaagsan .

πŸ“šπŸ“–

19/06/2025

Hambalyo

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan ardayda reer SSC-Khaatumo iyo ardayda dugsiga sare ee Samatar Bahnaan Secondary School ee Buuhoodle, oo maanta dhammeystay imtixaankii fasalka 12-aad.

Waxaan ardayda oo dhan u rajaynaynaa natiijo qurux badan iyo guul.

Sidoo kale, waxaan kula dardaarmaynaa ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa reer SSC-Khaatumo, in ay waxbarashadooda sii wataan ilaa heerka ugu sarreeya.

Natiijo qurux badan iyo mustaqbal ifaya ayaan idiin rajaynaynaa.

14/06/2025

Bahda Dugsiga Sare ee Samatar Bahnaan Secondary School Buuhoodle. waxay hambalyo, bogaadin iyo duco u dirayaan dhammaan ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan ardayda Reer SSC-Khaatumo. Natiijo aad ku faraxdaan baan idiin rajaynaynaa dhammaantiin.

04/06/2025

Qayb ka mid ah ardayda sannadkan ka baxaysa Dugsiga Sare ee Samatar Bahnaan Secondary School, Buuhoodle.

30/04/2025

Halkani waa Dugsiga Sare ee Samatar Bahnaan Secondary School Buuhoodle. Waxaa barnaamij Baro nooca dhiiggaaga ah ka fuliyey Maxadka Xirfadlayaasha Caafimaadka Buuhoodle. Waxaa halkaa si fiican ugu soo dhaweeyey maamulka, macallimiinta, ardayda, iyo dhammaan hawlwadeenada dugsiga, iyaga oo ku dhiirrigeliyey hawsha fiican ee ay hayaan kuna boogadiyey.

29/03/2025

CIID WANAAGSAN

Dhammaan umadda Muslimiinta ah iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, waxaan idiin leenahay Ciid Wanaagsan.

Maamulka, macallimiinta, iyo ardayda Samatar Bahnaan Secondary School waxay idin la wadaagayaan farxadda maalintan barakeysan ee Ciidul Fitr.

Alle ayaa mahad leh oo inagu dhammeeyey bishii barakeysnayd ee Ramadaan nabad, caafimaad, iyo cibaado suuban. Waxaan Alle ka rajaynaynaa inuu naga aqbalo acmaashii wanaagsanayd ee aan samaynay.

Ciid Mubaarak!

Photos from Samatar Bahnaan Secondary School's post 12/01/2025

Wafdi kasocda Wasaarada waxbarashada SSC-Khaatumo oo kala ah xafiisyada intixaanaadka,shahaadooyibka iyo emiska oo hawlo shaqo ujooga magaallada buuhoodle ee xarunta gobolka cayn ayaa booqasho iyo karmeer shaqo kuyimi dugsiga sare ee Samatar Bahnaan Secondary School buuhoodle. Oo uu kasocdo imtixaankii mid termka. Masuuliyiintan ayaa uguur galay xaalada waxbarasho ee dugsiga sida xogta ardayda inay tahay mid xaraysan ,manhajkii in siduu ahaa looracay,wacyi galin iyo hubinta imtixaanka dugsigu kaqaadayo ardayda inuu yahay kii ku haboonaa.

Want your school to be the top-listed School/college in Buuhoodle?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address


Buuhoodle