06/11/2023
Waxay ahayd madal ay soo qaban qaabiyeen, Ururka Ardayda jaamacadda Daaha International University (DIUB).
Waa Tababar ku Saabsanaa, Fagaare-ka-hadalka ama(public Speaking) oo Socday muddo laba habeen ah.
Waxaa Soojeedinayey Ustaad C/kariin Maxye
Mahadsanid Ustaad.
Sidoo kale Ururku waxuu Halkaas Shahaadooyin ku Guddoon siiyey Dhalinyaradii Tababarkaas qaadatay.
waxaan u mahadcelinayaa Ururka Ardayda iyo kasoo qaybgalayaashii ka faaiideystay mawduucaas.
F.G Barnaamijkan waxuu kamid noqonayaa, Shaqooyinka ugu waaweyn ee ay qabteen Ururka Ardayda Jaamacadu.
26/09/2022
Habeen wanaagsan jaalayaal, Shalay subaxnimadii Axada taariikhduna ku astaysnayd 25/09/2022 ayaa Ururka ardeyda jaamacadda Daaha International university waxa uu, booqasho ku tegay schoolka imaamu nawaawi buuhoodle
Iyadoo Ururku, uu todobaadyadan goobaha waxbarashada ee deegaanka, ka waday wacyigelin dhanka waxbarashada ah.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa maamulka iyo macaliminta schoolka ee imaamu nawaawi oo,uu, Ugu horeeyo maamule maxamed
Sidoo kale waxaan, u mahadcelinaynaa guddoomiye ku xigeenka ururka ardeyda jaamacada Daaha Mr abdirashiid oo Ardeyda kala hadlay,mawduuc muhiim ah
Alla mahad leh.
21/09/2022
Habeen wanaagsan.
Saaka oo ay taatiikhdu ku astaysnayd, 21/09/2022 ayaa Ururka ardeyda jaamacadda Daaha International university waxa uu, booqasho ku tegay schoolka samatar Baxnaan
Iyadoo Ururku, uu todobaadyadan goobaha waxbarashada ee deegaanka, ka waday wacyigelin dhanka waxbarashada ah.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa maamulka iyo macaliminta schoolka sare ee Samatar Baxnaan oo,uu, Ugu horeeyo maamule Kayse
Sidoo kale waxaan, u mahadcelinaynaa Ustaad C/kariin maxye xaaji xasan oo ka socda jaamacadda Daaha ardeydana kala hadlay, mawduuc muhiim ah.
Alla mahad leh.
13/09/2022
Mahad balaadhan ilaahay baa iska leh.
Maalinimadii isniinta tariikhduna ku astaysnayd, 12/9/2022 ururka ardeyda jaamacadda caalamiga ah ee Daaha waxa ay soo booqdeen schoolka Aqoonkaab, iyaga oo sidoo kale ardeyda kusoo baraarujiyey kuna dhiirigeliyey, mawduucyo ku saabsan kor uqaadista waxbarashada.
Ururku waxa uu ku gudo jiraa wacyigelin ay ku maridoonaan, dhammaan goobaha waxbarashada ee magaalada.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa, maamulaha schoolka aqoonkaab Ustaad cabdinaasir cabbaase geelle,
Iyo guddoomiyaha Ururka handhis Drs suhuur abdulahi jama
Oo si diirran nogusoo dhaweeyay goobta schoolka.
29/05/2022
Habeenkii jimcaha waxaa ka qabsoomay xarunta Jaamacadda barnaamij ciwaankiisu ahaa "Oral Health Awareness" kaas oo uu soo jeedinayay Dr. Sharmaarke Siciid Faarax. Mawduuca waxaa si fiican uga faa'iidaystay ardayda kala duwan ee jaamacadda dhigata.
Waxaa mawduucan soo qaban qaabiyey Ururka Ardeyda jaamacada Daaha
26/05/2022
Caawa oo jimce ah waxaa xarunta jaamacadda daaha ee buuhoodle inoogu casuuman Dr sharmaake siciid faarax oo inoo soo jeedin doona mawduuc muhima oo ah "Oral health awareness".
Mawduucan ah wacyigan caafimaad ah waxaa la ogaysiinayaa bulshada ku dhaqan buuhoodle inay ka faa'idaystaan, maadaama ay ka helayaan talooyin caafimaad oo deegaanka waxtar u leh.
Ballanteenu waa caawa iyo xarunta jaamacadda daaha, faraca buuhoodle.
23/05/2022
Habeenimadii xalay kuna astaysnayd 22/05/20222 waxaa hoolka Jaamacada Daha University faraceeda buuhoodle ka qabsoontay xaflad lagu maamuusayey kulliyadaha jaamacada oo uu dhex maray barnaamij bandhig aqooneed ah
Barnaamijkan oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Ardeyda jamacada
Sidoo kale waxaa qabsoomay mawduuc cinwaankiisu ahaa وسائل الثبات في طريق طلب العلم
Oo uu soo jeedinayey Bare sare sh. Caaqil C/raxmaan mursal X. Cumar
Madasha waxaa kasoo qaybgalay kulliyadaha jaamacada,maamulka macalimiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada
Waxaan hambalyo udiraynaa kulliyada shareecada qaybta Daraasaadka oo guushii bandhig aqooneedka qaaday
Sidoo kale waxaan umahadcelinaynaa ustaadka mawduuca soo jeediyey iyo maamulka jaamacada macalimiinta iyo kasoo qaybgalayaasha
22/05/2022
Asc mudanayaal iyo marwooyin.
Ardeyda ururka Jaamacada Daha University faraceeda buuhoodle ayaa waxay soo qaban qaabiyeen Barnaamij Bandhig aqooneed ah oo dhex maray dhammaan kulliyadaha kala duwan ee jaamacada.
Wuxuuna bilaabmay 21/05/2022 barnaamijkan oo caawa soo geba gebaysmaya ayaa waxaa mawduuc inoogu casuuman shiikh Caaqil C/raxmaan mursal xaji cumar.
Sidoo kale madasha waxaa maamuus loogu samayn doonaa kulliyadaha ka qayb galay bandhigaas madasha ay ka qabsoomayso xafladu waa Hoolka jaamacada Daaha iyo caawa insha allah kasoo qaybgal wanaagsan bulsho weynta.
.
12/03/2021
Ururka ardayda jaamacadda daaha faraceeda buuhoodle ayaa soo qabanqaabiyay siminaar loo qabtay kulliyadaha kala duwan ee ay jaamacaddu ka koobantahay, cinwaanka siminaarkuna wuxuu ahaa waa kuma aqoonyahan.
Siminaarka waxaa soo jeediyay ustaad cabdikariim maxye xaaji xasan oo si mug iyo miisaan leh uga hadlay ruuxa lagu tilmaami karo aqoonyahan, iyo waxa uu kaga soocanyahay bulshada inteeda kale.
Ugudambayntii ururka ardayda jaamacaddu waxa uu doorkiisa shariifka ah ka qaadanyaa kobaca waxbarasho ee deegaanka iyo sidii loo soo saarilahaa aqoonyahan diini iyo maadiba u dhisan, bulshadana wax u faa'ideeya.
Way mahadsanyihiin dhalinyarada waxbarata ee soo camirtay goobta.
.
30/10/2020
Waxaa xalay xarunta jaamacadda daaha faraceeda buuhoodle ka qabsoontay doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka ururka ardayda jaamacadda daaha faraceeda buuhoodle, madashan oo ay soo Bileen marti sharaf ka kala socday xarumaha caafimaadka ee gobolka iyo mas'uuliyiinta jaamacadda ayaa waxay u qabsoontay si maqaamkeedu sarreeyo.
Doorashada guddoomiyaha oo ay ku tartamayeen saddex musharax ayaa ugudambayntii waxaa ku guulaysatay ikraan dhuux x-cabdi, halka guddoomiye ku-xigeenka oo isna saddex musharax ku kala calaf qaadeen waxaa guushu dhankiisa u hiilisay maxamed iid xasan.
Ugudambayntii mas'uuliyiinta cusub waxaan u rajaynaynaa in ilaahay xilkooda ku asturo, kana dhigo kuwa shaqadooda sidii ay ahayd u guta, raad muuqdana hadhaw ka taga.
.
.
.
29/10/2020
Maalin wanaagsan saaxiibbayaal.
Maanta waxaan idinla wadaagi-doonaa musharixii saddexaad ee u taagan jagada guddoomiye ee jaamacadda daaha faraceeda buuhoodle. Musharaxan oo ah cabdinuur maxamuud axmed.
Ururka ardayda jaamacadda daaha faraceeda buuhoodle oo sannad dugsiyeedkiiba mar doorta guddoomiyaha ururka ayaa sannadkan waxaa xilkan u taagan saddex musharax oo lagu soo xushay aqoon, karti, wax-qabad iyo inay shaqooyinkii socday horay u wadi karaan.
.
28/10/2020
Kulanti wanaagsan saaxiibbayaal, sidii aan shalay idinla wadaagnay waxaan idiin soo soo gudbinaynaa musharixiinta u taagan in ay noqdaan guddoomiyaha ururka ardayda jaamacadda daaha.
Maanta waxaan idinla wadaagi-doonnaa musharixii labaad ee u taagan jagadan oo ah ikraan dhuux x-cabdi.
Ugu dambayntii ururka ardayda waxaa caado u ah inuu sannadkiiba mar isbedel ka dhaco hogaanka sare ee ururka; si ay shaqadu horay ugu socoto, waxqabad muuqdana looga tago.
.