KA FAAIDAYSI WANAAGSAN
Buuhoodle College Of Health Science
Buhodle College of Health Science waa Mac-hadka ugu sareeya dhanka Aqoonta Caafimaadka ee Gobalka Ca
24/03/2026
waxaa la ogeysiinayaa dhammaan dadka danaynaya barashada harqaanka in la idiin furay Iskuul lagu baran doono Harqaanka (Dawaarka)
diiwaangelinta ardayda way socotaa yaan lagaa buuxin.
inta aad dhiganayso waxaa lagu bari doonaa :
1- Barashada Qalabka iyo Mashiinka
- Noocyada Harqaanka
- Dayactirka
2. Cabbir qaadashada
- cabbiro qofka
(garabka, dhexda, dhererka iyo gacmaha)
3. Naqshadaynta iyo Goynta Dharka
- Naqshadda Qaabka dharka
- Goynta sida masaqka loogu jaro dharka,sida loo sii calaamadsado goynta ka hor
4. Noocyada Tolmada
- Tolmada Toosan
- Tolmada Qaloocsan iyo sida loo sameeyo
- Tomada sag saaga
19/03/2026
Ciid Mubaarak, Kullu Caam Wa Antum Bikhayr.
🌙 Hambalyada 11dul Fidriga
Maamulka Buhoodle college of health science (BCHS) wuxuu hambalyo diiran oo ku aaddan munaasabadda Ciidul Fidriga u dirayaa
dhammaan hawl-wadeenada, macallimiinta, ardayda, waalidiinta, iyo guud ahaan umadda Islaamka.
Waxaan Ilaahay ka baryaynaa inuu naga aqbalo cibaadadii iyo acmaashii suubbanayd ee aan soo gudanay.
Waxaan alle ka rajaynaynaa in munaasibaddan ciidda ay inoogu dhammaato
caafimaad qab iyo nabad gelyo .
11dan 11deedana inagu gaarsiiyo nabad,caafimaad,barwaaqo iyo horumar .
تَقَبَّلَ اللَّهُ مِنَّا وَمِنْكُمْ صَالِحَ الأَعْمَالِ
BUHOODLE COLLEGE OF HEALTH SCIENCE
B.C.H.S
04/08/2025
31/07/2025
Koleejka Culuumta Caafimaadka Iyo Sayniska Waxa Uu Idiin Diyaariyay Fursad Waxbarasho Oo Bilaash Ah Kuliyadaha
1. Midwife
2. Nutrition
Ardayda La Qaadanayo Waa 25 Arday .
Diiwaan Gelinta Waxay Ka Socotaa Xafiiska Koleejka
call : 063-4864003
WhatsApp :0634556928
22/02/2024
SAHAL HOSPITAL BUHOODLE
Waxaa la Ogaysiinayaa dhamaan bulshada ku nool buhoodle iyo nawaaxigeedaba in
Cusbitaalka Sahal Buhoodle Uu Ka Hawl Galay Dr Daauud Cabdilaahi Cismaan Oo Ah
Dhakhtar Ku Takhasusay Cudurada Guud & Daaweyntooda , Diktoor Daauud Oo Ah
Diktoor Ka Soo Shaqeeyay Wadamada Itoobiya Iyo Koonfurta Suudaan .
XANUUNADA UU WAX KA QABANAYA
1. BAADHIDA IYO DAAWEYNTA CUDURADA GUUD
2. XANUUNADA UUR KU JIRTA IYO DHEEFSHIIDKA KU DHACA
3. Daaweynta cudurada ku dhaca neef mareenka
4. Daaweynta iyo baadhida cudurada ku dhaca qanjirada
5. Qawadka / haaraha iyo finanka wajiga
6. Daaweynta dhamaan xanuunada ku dhaca afka , ciridka iyo ilkaha
7. Daweynta dhiciska iyo qubashada ilmaha
8. Daaweynta iyo baadhida cudurada caruurta
9. Daaweynta dhiikarka, macaanka -lafa xanuunka iyo wadno xanuunka
10. GUDNIINKA WIILASHA OO LAGU GUDAYO MASHIIN CASRI AH
11. DHALMADA OO BILAASH kuu ah LAGUUNA SHAQAYNAYO 24 KA SAACBA
12. Waxaa diyaar kuu ah qaybta emergancyga ama xaaladaha deg dega oo 24 ka saacba diyaar kuu ah
13. WAXAA SIDOO KALE DIYAAR KUU AH KUMBUYUUTARKA UURKU JIRTA
SAHAL HOSPITAL WAXA UU MUDO LABA BILOOD AH BILAASH KAAGA DHIGAY ADEEGYADAN
1. Dhamaan Baadhista (Shaybaadhada Oo Dhan )Sida
✓ Baadhida Kaneecada Ama Malaariyada
✓ Baadhida Tayfoodhka
✓ Baadhida Infekshinada Kala Duwan Sida Kuwa Dhiiga Iyo Kaadidda
✓ Baadhida Gooryaanada
✓ Baadhida Gaasteriga
✓ Baadhida Lafa Xanuunka
✓ Iyo Dhamaan Noocayada Xanuunada
2. Gudniinka Wiilasha Oo Lagu Gudayo Mashiin Casriya
3. Kumbuyuutarka Uurku Jirta
Adeegyadan Uu Kuu Sameeyay Cusbitaalka Sahal Waxaa Iska Bixinaysaa Kaarka Dhakhtarka
Oo Kaliya , Hadaba Ka Faaiidayso Fursadaan Qaaliga Ah Ee Lagu Siiyay
Cusbitaalka Waxa U Uku Yaalaa Wadadda Laamiga Ama Ka Soo Horjeedka Shirkada Soltelco
Ama Hotel Herer Waxaa Qorax Ka Soo Bax Ka Xiga Saldhiga Booliska .
Wixii Faahfaahin Ah Kala Xiriir : 063-4556928 / 063-8033170 / 067-2002207
Whatsapp : 063-4556928 Ama Booqo Face Book Page Cusbitaalka Sahal Hospital Buhoodle
OGAYSIIS OGAYSIIS OGAYSIIS
19/10/2023
Ogaysiis # Ogaysii # Ogaysiis
koleejka caafimaadka Ee BCHS waxa uu bilabayaa pharmacology course ( barashada daawooyinka )koorsadaan waxay socon doontaa mudo 3 bilood ah
marka koorsadu dhamaato waxaa lagu siin doonaa shahaadada tababarkaa ( Certificate Training)
✍ isdiwan galinta ama Qorista Ardayda waxay ka socotaa koleejka oo ku yaala xaafada xaaji hiirad waxa uu xaga danbe ka xigaa masjidka cabdiraxmaan bin cawf ama masjidka uu masuulka ka yahay shiikh jaamac dheere
hadaba h**e u gaar inta aan lagaa buuxin fursadaan qaaliga ah
wixii faah faahina ah : 063-8033170 / 063-4975921
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the school
Telephone
Website
Address
Togdheer
Buuhoodle
252
13/10/2023