University of Burao- Student Affairs office

University of Burao- Student Affairs office

Share

To be a leading hub of student support and development at the University of Burao.

The Student Affairs Office is dedicated to enriching the overall student experience by:

Student Support Services – Providing accessible resources for academic, personal, and social success, including academic advising, accessibility services, orientation, and modern learning infrastructure. Student Engagement – Fostering an inclusive campus life through student clubs, cultural events, community s

30/03/2026
Photos from University of Burao- Student Affairs office's post 19/02/2026

Xafiiska Arimaha Ardayda iyo Maamulka kulliyadda ICT’ga ee jaamacadda Burco oo abaalmariyay arday ka tirsan kulliyadda ICTga kuwaas oo ku guulaystay Tartanka Hal-abuurka ee kulliyadda!

17/02/2026

Ramadaan kariim!

12/02/2026

Fariin caafimaad!

06/02/2026

Wargelin Muhiim Ah
---------------------------------------------------

Kulliyadda Injineerinka iyo Tiknoolajiyada ee Jaamacadda Burco waxay ku wargelinaysaa dhammaan ardayda iyo bulshada reer Burco in ay kulliyaddu qaban doonto muxaadaro aqooneed ciwaankeedu yahay "Sahaminta Furasadaha Waxbarasho iyo Deeqaha Waxbarasho ee Dalka Taiwan" (Exploring Study Opportunities and Scholarships in Taiwan).

Mawduucani waa mid aad u muhiim ah, gaar ahaan bulshada iyo Kulliyaddaba. Muxaadaraddan waxaa soo jeedin doona Enjineer ku takhasusay aqoonta Injineeriyada, waxa sida oo kale uu Enjineerku ardayda la wadaagi doonaa aqoonta iyo fursadaha kala duwan ee Injineerinka casriga ah.

Muxaadaraddan waxaa ka faa'iidaysan doona dhammaan bulshada reer Burco iyo ardayda kulliyadda Enjineerinka.

Muxaadaraddan Waxa Soo Jeedin Doona:

khadar Farah Ibrahim PhD (C)IN ICEM -NYCU MSc in ICEM -NYCU

Faahfaahinta Munaasibadda

Goobta: Campuska Dhismaha Oomaar ee Jaamacadda Burco
Taariikhda: 05 February 2026
Wakhtiga: 4:00 PM galabnimo

21/01/2026

Jaamacadda Burco, gaar ahaan Xafiiska Arrimaha Ardayda (XAA), waxay ku wargelinaysaa dhammaan ardaydii ka qalinjebisay tan iyo 2010, gaar ahaan Undergraduate iyo Postgraduate (laga soo bilaabo 2019’kii), in la hirgeliyey siyaasad cusub oo lagu xoojinayo iskaashiga iyo xiriirka jaamacadda iyo ardaydii h**e uga qalin-jebiyay.
Siyaasaddan ayaa horseedi doonta aasaaska Golaha Ardayda Ka Qalinjebisay Jaamacadda Burco kaas oo door ka qaadan doona horumarinta, tayayenta iyo joogtaynta jaamacadda. Maaddaama ardaydii h**e ay yihiin daneeyayaasha ugu muhiimsan jaamacadda.
Si loo hirgeliyo qorshahan iyo yoolkan, fadlan iska diiwaangeli adigoo isticmaalaya link-ga ama lifaaqa hoos ku xusan si aad uga mid noqoto golahan.

https://docs.google.com/forms/d/e/1FAIpQLSfZ-WlPG242Q6cLurLoE9AUT8uEmUz3VT5zcxI6ds4o4GonSA/viewform?usp=header

University of Burao, through the Student Affairs Office (SAO), informs all alumni since 2010, particularly Undergraduate and Postgraduate graduates (from 2019 onwards), that a new policy has been introduced to strengthen collaboration between the university and its alumni.
This initiative includes the establishment of the University of Burao Alumni Association, which will support the university’s development and sustainability. As alumni are the university’s most important stakeholders, their participation is essential.
Please register using the link or attachment below to become a member.
Contact for more information via: [email protected]

https://docs.google.com/forms/d/e/1FAIpQLSfZ-WlPG242Q6cLurLoE9AUT8uEmUz3VT5zcxI6ds4o4GonSA/viewform?usp=header

Photos from University of Burao- Student Affairs office's post 21/11/2025

Barnaamijka Cawayska Kulliyadda Shareecada Ee jaamacadda University of Burao

21/11/2025

Waxay jaamacadda Burco gaar ahaan Xafiiska Arimaha Ardayda (XAA) ugu bushaaraynaysa dhammaan ardayda wax ka barata jaammacadda gaar ahaan kuwa Undergraduate’ka ku jira isla jeerkaasna leh hibo sugaameed in Xafiiska Arimaha Ardaydu (XAA) u furay tartan Sugaaneed loogu Magac Daray Abwaan Hadraawi (AHUN) kaas oo ay qayb-geli karaan ardayda jaamacadda dhigata wiilal iyo gabdho ba.
Mawduuca laga gabyidoona sannadkan;waxa uu noqonaya Isbeddelka Cimilada sida, saamaynta isbeddelka cimilada ee abaaraha iyo wax-soosaarka sida beeraha, dadka iyo dhaqaalada, Nolosha iyo Deegaanka.
Hadda ba, haddii aad tahay hal-abuur curinkara suugaanta sida gabayga ama maansada; degdeg uga qaygal fursaddan dahabiga ee Tartan suugaaneedka Hadraawi.

Tartankani waxa uu qayb ka yahay dhiirrigelinta hal-abuurka ardayda iyo wacyigelinta ku saabsan isbeddelka cimilada iyo saameyntiisa bulshada iyo deegaanka.
Faahfaahinta rasmiga ah, shuruuddaha, iyo habraaca diiwaangelinta waxa laga helaya Xafiisyada kulliyaddaha iyo XAA.
Mahadsanidiin.
Xafiiska Arrimaha Ardayda (XAA)
Dr Bashir Adem
Jaamacadda Burco

21/11/2025

a remarkable day!

Want your school to be the top-listed School/college in Burco?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Sha'ab Road St
Burco
252

Opening Hours

Monday 08:00 - 21:00
Tuesday 08:00 - 20:00
Wednesday 08:00 - 20:00
Thursday 08:00 - 12:00
Saturday 08:00 - 20:00
Sunday 08:00 - 20:00