Xilwareejintii maanta maamulkii h**e ee Degmada faca wayne Warcimraan iyo soo dhowaynta maamulka cusub.
War Cimraan Tv
Halgarad Hubsiimo iyo Horusocod
13/02/2025
Kulan adag oo galabta dhexmaray degmada warcimraan iyo Nasiye ayaa guushu ku raacday Degmada warcimraan 4:2 degmada warcimraan ayaan laga badin labadii sano ee udanbeeyey ciyaaraha saaxiibtinimo.
15/12/2024
Degmada faca wayn ee Warcimraan ayaa hambalyo iyo bogaadin udiraysa wasiirka cusub ee Gobolada iyo horumatinta magaalooyinka Xasan macalin. waxay u rajaynaysaa degmadu wasiirka inuu Allah ku asturo xilkaas oo ufudaydsho.
Degmada faca wayn ee warcimraan ayaa Hambalyo iyo bogaadin usoo dirtay madaxwaynaha cusub ee la doortay Cabdiraxmaan maxamed cabdilaahi,
Sidoo kale iyadoo ugu ducaysay in ilaahay xilkaas ufudaydiyo iyo hadalo kale oo dardaaran ah.
19/11/2024
Degmada faca wayn ee warcimraan waxay uhambalyaynaysaa Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo noqday madax waynihii 6aad ee jamhuuriyada somaliland ee shanta sane soo socota.
Degmada oo si wayn utaageertay madaxwaynaha wakhtigii murashax nimadiisu waxay ilaahay uga baryaysaa in uu xilkaas ku asturo, ummadana uu gaadhsiiyo cadaalad deeqda iyo horumar barwaaqo.
Degmada warcimraan 96% waxaa hogaaminaya codka madax waynaha murashaxa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro)
13/11/2024
Degmada faca wayn ee warcimraan ayey cod dhiibashadu si nabad ah ugu soo gaba gabawday iyadoo degmadu ka midaysantahay isbedel doonka.
Degmada faca wayn ee Warcimraan ayaa isusoo bax balaadhan oo dabaal deg usamaysay Xisbiga WADANI oo kujira maalinkiisii udanbeeyey ee ololaha,degmada ayaa isla markaana muujisay taageerada muga leh ee ay uhayso Xisbiga WADANI iyo sida ay codka ugula tahay diyaar.
Degmada faca wayn ee warcimraan oo roobab lagu diirsaday ka da'een xalay ilaa saaka.
Wafti balaadhan oo xisbiga Wadani ka socda ayaa gaadhay Degmada balaadhan ee warcimraan halkaaas oo hogaanka degmada,waxgaradka,odayaasha, aqoonyahan,dhalinyarada iyo haweenkuba ay cududooda iyo codkoodaba ku shubeen xisbiga isbadal doonka ee wadani.
Halkan ka aqriso tuuloyinka ay xukunto degmada warcibraan kuwaaso ku tiirsan dawlad ahaan caafimad ahan iyo waxbarasho ahanba .
1. Shanshacade
2. Dandan
3. Shaaxid
4. Gaadlayaal
5. Ateeno
6. Yaser
7. Beeli eeday
8. Balanbaal
9. Qudhac safar
10. Xaydh ducato
11. Dabaqabad
12. Heere
23/05/2024
Xulka Degmada warcimraan ayaa maanta dhigooda Dhoqorshay kula ciyaaray ciyaar saaxiibtinimo gurigooda waxaanay kusoo dhamaatay ciyaartu bar-baro hal iyo hal ah,
Warcimraan 1:1 Dhoqorshay.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Website
Address
Burco