Faarax khadaad

Faarax khadaad

Share

This page for Farah khatat many information is there

30/06/2022

Ilxaadka Qormada 2 aad.

Dunidan maanta la joogo ilxaadku si xooga ayuu ufaafi, si aynu uga dig-toonaanno waa in aynu ogaanna waxyaabaha caawinaya koritaanka aragtiyaha ilxaadka.

1- ilxaadku waxa uu ku gabadda cilmiga Science-ka, science kuna waxa uu aaminsanyahay inay cilmi tahay oo kaliya waxyaabaha tijaabo lamariyay inta aan tijaabo la marin waa aragti (theory).
Sidoo kale, waxa la raacay manaahijta wax-barashada badankood theory ga ilxaadka- ka si toosa iyo si dad ban ba,
Tusaale : cilmiga biology-ga waxa barashadiisa laga bilaabi Fayras iyo (wasakh ) bacteria (virus/ bacteria) kadibna xammaaratto, kadibna bad iyo barri-yoolayda, ka bacdi naaslay ugu danbayn binu-aadamka ayaa laguu dhigi——
Waxa laguugu dhigay si dad ban in dadku ka yimi daanyeer markiisii h**ena kasoo bilaabmay wasakh ( bacteria) kaddibna silsiladda uu maray.
Sidoo kale marar badan waxa lagu odhan insaanka caaqilka ahi ( homo spiens) waxa uu jiray 2millions iyo waxa lamida, taas oo ka dhigan in marar ka qaarkood aad aaminto ama lagu qariyay in binu Adamku soo maray xilli uu ahaa xayawaan bilaa caqli ah.
Tusaalaha 2aad, cilmiga physics marka la dhiganayo waxa lagaaga bilaabi qaacidada ah “ tamarta waa laga bedala waji oo loo bedela waji kale, balse lama baabi’in karo “(Energy can be changed from one form to another, but it cannot be created or destroyed)” xeer ka 1aad ee qulqul kulayl ka (first law of thermodynamics).
Maxa caqiida ahaan ka qaldan xeerkan, ? Xeerkani waxa uu ka yimi xeer ay akhriyi jireen falaasifadii h**e ee giriigu oo ahaa in maadada uunku waa assali (الأزلي ). Oo xitta firiqa islaamka qaar ku tageen sida jahamiyo iyo muctasilo.

Taasina waxa ay ka hor iman ayaadaha quraanka ee ah in kown ka la dhamayn ama uu baabi’i, ilaahay baa yidhi (وكل من عليها فان).
Ugu dambayn xeer kan waa fashilmay marka saynisyahankii Albert Einstein oo soo saaray in maaddo loo bedeli karo tamar oo tamar la abuuri karo (Energy = MC2), waa in macalimiintu baraarujiyaan xeerka, oo lagu daraa tamar si sahlan looma abuuri karo, loomana baabi’in karo.
Tusaalaha 3 aad, marka maadada quqaraafiga la dhiganaayo waxa lagaga bila juquraafiga waxa loo qaybiya ama saynis-kaba laba nooc, oo kala ah
Juqaraafiga dadka iyo juquraafiga dabiicadda (laqabsiga) ( natural geography and human geography)
Waxa qaldan ee ilxaadka u adeegaya ayaa ah, xeer h**e oo ah “ ilaahay marka h**e waa abuuray abuurka curiyayaasha dabeecada ka bacdi mar danbe ma soo dhex galin ee dabeecadu iyada ayaa ah ta qaabaysa abuurtana shay kasta” kolka lagu leeyahay juquraafiga dabeecadda waxa lagu maldahay xeerka ah ilaah wax saamayna kuma laha dabeecada, waana sababta ka danbaysa in suufiyadu ay diidaan sifaadka ilaahay ee ikhtiyaariga ah صفات الله الإحتيارية.

Arinta isaga oo shiikh islaam ibnu taymiya ka jawaabaya ayuu yidhi sidan
" وهذا قول أكثر المعتزلة والأشعرية وغيرهم: يقرون بالصانع المحدِث ، من غير تجدد سبب حادث، ولهذا قامت عليهم الشناعات في هذا الموضع، وقال لهم الناس: هذا ينقض الأصل الذي أثبتم به الصانع، وهو أن الممكن لا يترجح أحد طرفيه على الآخر إلا بمرجح، فإذا كانت الأوقات متماثلة، والفاعل على حال واحدة، لم يتجدد فيه شيء أزلاً وأبداً، ثم اختص أحد الأوقات بالحدوث فيه، كان ذلك ترجيحاً بلا مرجح
" انتهى من "درء التعارض" (8/107) .

.. qormada xikta maadooyinka hadhay ayaynu tilmaami sida ay uga adeegi fikradaha ilxaadka.

1/6/022
Eng Faarax khadaad.

01/05/2022

.
Khudbadda h**e.
“ waalayaal waxa aan ku jirna 10 kii danbe iskastoo oo khilaaf ku jiro habeenka laga bilaabay tahajudka.

Walayaal 10 kan waa 10 habeen oo fadli badan , khilaaf ayaa ku jira ma habeennada ayuu ufadli badanyihiin, mise maalinta iyo habeenkaba fadli ayay leeyihiin.

Waxyaabaha ay fadliga wayn ku yeesheen waxa kamida in uu laylatul qadri ku jiro habeenadiisa, waa laysku khilaafay habeenka uu ku jiro layla-tul qadrigu (21, 23,24, 27, 29 iyo dhamaanba).

Habeenkaas waxa soo degay quraan ka , waa laysku khilaafay qaabka uu quraanku uso degay qolo ayaa leh samada hoose ayaa la keenay, qaar kale ayaa leh nabi maxamed ayaa lagu so dejiyay.

Camalada ugu wanaagsan ee la qabto habeenadaas waa laysku khilaafay qaar ayaa leh waa akhrinta quraanka, qaar kale ayaa leh waa salaad iwl.

Khudbadda danbe -2.
Sakkada jidhka, walaalayaal waxa inugu waajibay Sakko, waa laysku khilaafay xiliga ay waa jibayso ......
Qadar ka sakeddaasi waa 1 galaan, qadarka galaankaas waa laysku khilaafay .....,
Nooca raashinku waa in uu noqda quutul qaalib, khilaaf yar ayaa jira waa laga dhigi kara wax aan quutul qaalib ahayn, sidoo kale lacag ma lagu bixin karaa haa iyo maya ayaa laysku khilaafay.

(Ku dardarid khudbad jimce oo aan dhagaystay shalay, dhalinyaro marka aad dadka caamada wax usheegaysaan lama so raro khilaafyada waliba khilaafka aan cuntamin in la sheego

وليس كل خلاف جاء معتبرا *** إلا خلافا له حظ من النظر
Qofka aad sidaa uwacdidi diintaba waa ka shakiye.)
Mahadsanidiin.
W/Q : Faarax khadaad

Photos from Faarax khadaad's post 02/01/2022

Aqoonta aad hooyada ku heshay adoo aan garaad lahayn.
Dalka china inan yar ayay koox caruurta ka shaqaysataa ayaa xaday isaga oo aad uyar, 33 sano ka bacdi ayuu hooyadii ku helay khariirad uu gacantiisa ku sawiray oo uu xasuustiisi kaashaday.
Aqoontu waa taas adigoo hooyada waayay 33 sano ka hor aad X iyo Y kuso saarto.
Waxa iyana layaab lahayd dawladda heshay xogtii 33 sano ka hor saldhigyada aagaas inanka yari sawiray habartii soo gudbisay inay inan wayday, oo police ku intay dib uraaceen soo heleen iyagoon baafin.( waxaasa dawlada) saldhiga noo dhowna sanadba nin cusub ayaa ku galigalimaysta oo waraaqaha OP gana afka iska mariya marka uu waayo (Soft tissue).
Eng Faarax khadaad

11/10/2021

Candul -Qadiir khaan(عبد القدير خان).
Ilaahay ha unaxariistee waxa maanta dhintay 10/10/2021 saynasyahankii muslimiinta, aabihii nuclear ka muslimka .

Waxa uu ku takhakhusay qayba ka mida physics ka
Oo qusaysa isbedelada duleed( physical) iyo isbedelada gudeed (chemical) ee walxaha birleyda ah oo la dhaho (metallurgical engineering).

Waxa uu wax ku bartay jaamacadaha dalalka bakistan (shahaadad BSc- solid of state physics),
Germany ( machad - Material science ) Netherlands (shahaado 2 aad oo ah material technology oo Master degree udhiganta), belgium (shahaadada PHD oo uu ku qaatay -metallurgical engineering).

Waxa uu ka mid noqday shaybaadh lagu huru mariyo cilmi baadhista qusaysa cilmiga science ka Iyo nuclear ka oo loo yaqaan (Physics Dynamics Research Laboratory) afka danmark loo so koobo FDO, oo la shaqeeya urur kale oo la dhaho (URENCO GROUP) taas oo ka shaqaysa sida loo hurumarin laha warshadaha nuclear ka iyo sida hablabaad loogu kala sooci lahaa uranium-235 (235U) iyo uranium-238 (238U).

Kabacdi 1974 markii ay kooxdiisi ku guulaysteen nuclear India ayaa uu warqad hoose udiray dawladiisi Pakistan oo ku yidhi” dawladayda Pakistan ma jiro karto hadaanay nuclear aanay samaysan..)
10 cisho ka bacdi ayaa madaxwaynihiisi uyeedhay, waxa aanu ka dalbaday in uu iskaga yimaado dalalka reer galbeedka oo madax uu ka noqdo machad cilmi baadhis oo uu usameeyo nuclear dalkiisa.
cabdul qadiir khan waa aqbalay waana soo noqday waxa aanu sameeyay nuclear ki Pakistan oo marqudha caalamku ku baraarugay iyada oo aanay dawladaha dunidu badankoodu haysan marka laga tago 3-4 dawladood.
Markii uu ka baqay in la shirqoolo waxa uu wax baray boqolaal arday cilmigan, waxa laga xusi kara saaxiibkii (maxamed al Faaruuq).

Waxa uu ka qayb qaatay ama maskaxdeeda lahaa nuclearka dalalka
Kuuriyada waqooyi, Iran, liibiya iyo Ciraaq waxa uu isku dayay siiriya iyo dalal badan oo kale.

Waxa ay reer galbeedku dacwad ka gudbiyeen marar badan iyaga oo ku tilmaamay inuu jaajuus ahaa dalalkooda siraha ka xada.

Sida ninkaas waa inaad noqota halyay u halgama marka 1aad islaamka kabacdi naftiisa iyo dalkiisa.
Waa inay kugu jirta hammi aad ku aaminto inaad reer Galbeedka ka fiicanatahay adigu.

Eng Faarax khadaad.
10/10/2021.

03/06/2020

xaqiiqada dhabtaa ayaa tan ah?

ninkan african-ka ah, waxa la dhahaa MO IBRAHIM waa maalqabeen udhashay dalka SUDAN, waxa uu udooda in loo helo siyaasiyiin wanaagsan dalalka Africa.

arin cajiiba ayuu ka hadlay, oo dalalka african ah haysata.
in yar aan idiin macneeyo si aad bal ufahantaan waxaynu ka qaylin haddaynu dhalinyarada wax baratay aynu nahay.

Mo Ibrahim " waxa aan u hadlayaa si saaxibtinimo ah, cidna uma jeedo, waxa aan ka hadlayaa arimo guud, bal aynu eegno da'deenna, bal ka bilow dhinacaa uu fadhiyo madaxweyne ( obasanjo), waxaynu nahay dad in badan soo shaqeeyay, waa in aynu nafteenna ka shaqaynaa, qaaradani waa qaaraddi dhalinyarada, waa qaaradda kaliya ee 50% da'doodu ka yartahay 20 jir, eeg dadkeenan goobta jooga waa wada 63 jir, 64 jir weeye badankoodu,
waxaynu nahay qaaradda kaliya ee madaxwaynayaashoodu iyaga oo 90 ah mar labaada (new terms) dib isu soo sharaxaan, kadibna iyaga oo gaadhicuryaan lagu reexiyo (wheelchair), ay gacanta uruxa si doorashada ay ugalaan, tani waa layaab, waa sax inaad igu qososhaan waayo maxaa yeelay caalamkoo dhan iya inugu qoslayaa!,
eeg caalamka hareereheenna bal eeg USA dhaqaaleheedu waa 15, 16 trillion dollar, inagu dhamaan africa dalalkeedu way ka yartahay dhaqaalahoodu hal (1) trillion dolar. kuwanni waa 15, 16 trillion dollar dhaqaalohoodu, ........... (soo koobid) .....
waxa uu ugu danbaysiiyay, waxaynu nahay qaaradda 90 jirku hugaamiyo, xagee ayay inuu wadaan, waxay inoo wadaan qabriga soo maaha".

waan soo koobay, xooga ayaan ka tagey, waa dhibka inna haysta qof daalay oo ay ahayd in sariirta la dhigo ayaynu dalkoo dhan udhiiban, wadamada reer galbeedka qofku markuu 70 jir gaadhu waxa lagu xareeya xanaanada dadka waawayn.
W/Q Eng Faarax khadaad.
3/6/2020

11/02/2020

!

04/06/2018

+ riyo.
Waxay ahayd maalinimadi axadda, goortii lay balamiyay, inaan casuumad casho kasoo qayb galo.
Goobta cassuumadu, waa Hotel ee magaalada .
Kolkii aan afuray, oo affuradina aan yaraystay, maxa yeelay caloosha waa la casuumay, oo in aan cassuumadda Ka buuxshaan rabaa.

baan soo qaaday wadadi hotel nasteexo, ani iyo asxaab kale oo iyagana, cassuumada lagu marti qaaday.

Madal ash qaraara baannu fooda soo darnay salaamo iyo gacan qaad kadib fadhiisanay, foogii iyo saxan kina is darnay.

Kolkii cabaar aan hudhay kalluun layso dhigay, baa inan aannu asxaabnahay, Sheeko ii saaray, anoo xagiisa eegaya baan malqacaddi afka galiyay,

Laf dhuuban oo dheer baa wadada hunguriga raacday.

Kolkii aan saxday hadalna iga soo bixi waayay, hafladi laga kaa kac, Anna meeshii Ku dhacay, biyo, iyo qadaadkoo layga looteeyaa, wax ba tari wayday.

Reer kii iyo ehelki loo qayli, pharmacy lay dhig, ehelkina ii wada yimi, pharmaysigi Ku yaroo kalkaaliye ah baa haystoo, markii uu maarayn waayay waraaqo wax Ku qor qor si uu Dr tahay ir badna igu mud, waxa is badala lawaa.

Ehelki yaab, yadoo la go aan saday in bal xagaas iyo layla cararo, ayaa goobtii soo xaadirtay islaan ayeeyo iigu beegan oo warkaygu gaadhay xilligu waa saqdi dhexe.
Islaantii ayeeyo "maxaad Ku taliseen haddi lafti laga soo saari Kari waayay" bay ehelki kale, su aashay.
" Waxaanu dooni in waa bariga hergeisa loo qaado" bay Ku jawaabeen.

Islaantii ayeeyo oo daraatto rusheeyo utagtay, baa tidhi "alla Horta aynu rusheeyo lasii marno wadaadku waxaanu dawayn ma jirtee"
Ehelki " ee Naga tag laf la liqay muxuu Ka garan, ma Jin baa haya inanka"
Ayeeyo" waxa laga yaaba in Cid miskiina soo eegtaye, wadaadku waa awliyo koleyba Ku qasaari maynee, waa intuusuu casharkisu soo ridaaye inoo Geeya waa bilaashe 5$ oo kaliye oo anaaba bixine.

Warkii ayeeyo la qaaday NAA bal aynu iska sii marno.
Ani waan maqlayaa sheekada rusheeyana, waan Ka xanaaqi jiray.
Hasa yeeshee ayaan darro waynaa maba awoodo hadal.

Markii, waagi bar yay laygee nin kii rusheeye, xilligaas oo ahayd sallaadi subax haddana waxa jooga goobta dad 1000 qof Ku dhow.

Ani iyo ehelkiba la jooji maxa yeelay dadka xilligaas xad dhaaf ah, islaanta ayeeyo oo wadaadka aad cabsanayd (aaminsanay).
Oo askartana in badan is Arkeen, baa Ka codsatay in qofkaa liita loo sii daayo, isku day badan laga aqbal.

Wadaad kii lay gee, boqolaal islaamoodna lay dhax fadhiisi, cadho waynaa.

Markiba sagoon isoo gaadhin baa uu kusoo qayliyay # sixir sixir sixir Jin Jin
Kadibna baaldi biyaa wash oo hadana wash, waan qoyay oo wis wisay oo Hun qaaco iqabatay mar qudhaan is idhi bood intaanad dadka Ku hor hunqaacin, boodadaan booday baan sariirti aan Ku hurday Ka booday, oo gidaarka madaxa Ka jaray dhakhar baa igu dhacay mar qudhaan Ku war hely oo indhaha Kala qaaday, anoo riyooday oo Nagar igu yaal.
Sow waan riyooday. Hhhhhh
Nin kaan soo jeedka Ku dii bay hurdo iigu geeyeen. Alla cadho waynaa?!!!!
Rusheeye + riyooday
©By eng faarax khadaad.

24/05/2018

هذه ليست مجلة ناشيونال جيوجرافيك أو Animal Planet

بل هذا كتاب عجائب المخلوقات وغرائب الموجودات للعالم المسلم أبوعبدالله بن زكريا بن محمد القزويني 605 - 682 هجرياً

ويتناول في الكتاب وصف السماء وما فيها من كواكب وأبراج وحركاتها وما ينتج عن ذلك من فصول السنة ، وتكلم عن الأرض وتضاريسها ، والهواء وما فيه من رياح وأنواعها ، والماء والبحار ، والجزر ، وأحيائها وتكلم عن النبات والحيوان التى تسكن اليابس ورتبهم أبجدياً

وألف القزويني الكثير من الكتب في مجالات الجغرافيا والتاريخ الطبيعي وله نظريات في علم الرصد الجوى، كما شغف بالنبات والحيوان والطبيعة والفلك والجيولوجيا.

المكتوب .....
يجوز باب جحره ولا يتكلف سوى ما يجلب اليه رازقه ورازق غيره وأي شيئ أعجب من طائر ليس له رزق إلا أن يخلل أسنان التمساح فيكون ذلك رزق له وترويحاً عن التمساح .
#نوستالجيا

16/05/2018

Hotel ka dunida ugu cajiibsan, waxa uu ku yaalla dalka shiinaha, shengahay.
galin

Want your school to be the top-listed School/college in Burco?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address


Burco