30/06/2022
Ilxaadka Qormada 2 aad.
Dunidan maanta la joogo ilxaadku si xooga ayuu ufaafi, si aynu uga dig-toonaanno waa in aynu ogaanna waxyaabaha caawinaya koritaanka aragtiyaha ilxaadka.
1- ilxaadku waxa uu ku gabadda cilmiga Science-ka, science kuna waxa uu aaminsanyahay inay cilmi tahay oo kaliya waxyaabaha tijaabo lamariyay inta aan tijaabo la marin waa aragti (theory).
Sidoo kale, waxa la raacay manaahijta wax-barashada badankood theory ga ilxaadka- ka si toosa iyo si dad ban ba,
Tusaale : cilmiga biology-ga waxa barashadiisa laga bilaabi Fayras iyo (wasakh ) bacteria (virus/ bacteria) kadibna xammaaratto, kadibna bad iyo barri-yoolayda, ka bacdi naaslay ugu danbayn binu-aadamka ayaa laguu dhigi——
Waxa laguugu dhigay si dad ban in dadku ka yimi daanyeer markiisii h**ena kasoo bilaabmay wasakh ( bacteria) kaddibna silsiladda uu maray.
Sidoo kale marar badan waxa lagu odhan insaanka caaqilka ahi ( homo spiens) waxa uu jiray 2millions iyo waxa lamida, taas oo ka dhigan in marar ka qaarkood aad aaminto ama lagu qariyay in binu Adamku soo maray xilli uu ahaa xayawaan bilaa caqli ah.
Tusaalaha 2aad, cilmiga physics marka la dhiganayo waxa lagaaga bilaabi qaacidada ah “ tamarta waa laga bedala waji oo loo bedela waji kale, balse lama baabi’in karo “(Energy can be changed from one form to another, but it cannot be created or destroyed)” xeer ka 1aad ee qulqul kulayl ka (first law of thermodynamics).
Maxa caqiida ahaan ka qaldan xeerkan, ? Xeerkani waxa uu ka yimi xeer ay akhriyi jireen falaasifadii h**e ee giriigu oo ahaa in maadada uunku waa assali (الأزلي ). Oo xitta firiqa islaamka qaar ku tageen sida jahamiyo iyo muctasilo.
Taasina waxa ay ka hor iman ayaadaha quraanka ee ah in kown ka la dhamayn ama uu baabi’i, ilaahay baa yidhi (وكل من عليها فان).
Ugu dambayn xeer kan waa fashilmay marka saynisyahankii Albert Einstein oo soo saaray in maaddo loo bedeli karo tamar oo tamar la abuuri karo (Energy = MC2), waa in macalimiintu baraarujiyaan xeerka, oo lagu daraa tamar si sahlan looma abuuri karo, loomana baabi’in karo.
Tusaalaha 3 aad, marka maadada quqaraafiga la dhiganaayo waxa lagaga bila juquraafiga waxa loo qaybiya ama saynis-kaba laba nooc, oo kala ah
Juqaraafiga dadka iyo juquraafiga dabiicadda (laqabsiga) ( natural geography and human geography)
Waxa qaldan ee ilxaadka u adeegaya ayaa ah, xeer h**e oo ah “ ilaahay marka h**e waa abuuray abuurka curiyayaasha dabeecada ka bacdi mar danbe ma soo dhex galin ee dabeecadu iyada ayaa ah ta qaabaysa abuurtana shay kasta” kolka lagu leeyahay juquraafiga dabeecadda waxa lagu maldahay xeerka ah ilaah wax saamayna kuma laha dabeecada, waana sababta ka danbaysa in suufiyadu ay diidaan sifaadka ilaahay ee ikhtiyaariga ah صفات الله الإحتيارية.
Arinta isaga oo shiikh islaam ibnu taymiya ka jawaabaya ayuu yidhi sidan
" وهذا قول أكثر المعتزلة والأشعرية وغيرهم: يقرون بالصانع المحدِث ، من غير تجدد سبب حادث، ولهذا قامت عليهم الشناعات في هذا الموضع، وقال لهم الناس: هذا ينقض الأصل الذي أثبتم به الصانع، وهو أن الممكن لا يترجح أحد طرفيه على الآخر إلا بمرجح، فإذا كانت الأوقات متماثلة، والفاعل على حال واحدة، لم يتجدد فيه شيء أزلاً وأبداً، ثم اختص أحد الأوقات بالحدوث فيه، كان ذلك ترجيحاً بلا مرجح
" انتهى من "درء التعارض" (8/107) .
.. qormada xikta maadooyinka hadhay ayaynu tilmaami sida ay uga adeegi fikradaha ilxaadka.
1/6/022
Eng Faarax khadaad.