26/05/2025
TIRO
Sumadda aynu tiradeenna ku suntannay waxa la yidhaahdaa tiro-carabi. Waxa ay asal ahaan ka soo jeeddaa farcarbeeddii h**e.
Haannaanka loo qoro waxa uu u qaybsamaa saddex jaad.
Tiraqor, waa marka tirada oo mutaxan la qoro sida 1, 2, 3, 4, 5, 6, 7, 8 ...
Tiraabqor: waa marka tirada lagu qoro tibxaha Farta. Sida, koow, labo, saddex, afar, Shan ...
Siddigqor, waa marka la'isku daro tiro iyo tibix. Sida, 1ow, 2ba, 3ex, 4ar, 5an, 6ix. Ama
1aad 2aad 3aad
Waxa jira labo jaad oo tiradu ka kooban tahay
TIRATIRSI
Waa tiro meel ka bilaabanta meella ku dhammaata. Waa tirada taxan ee aynu tirinta u adeegsanno, badnaanta, yaraanta, faraha ama midhaha. Sida, 1, 2, 3, 4, 5, 6, 7....
Tira tirsiga waa lagu qoraa
1. Tiraqor: 1, 2, 3, 4, 5, 6,..
2. Tiraabqor: toban iyo kow, toban iyo laba, ....
3. Siddigqor: 8eed, 9aal, 10an.
TIRATIRAYN
Waa tirada sida kalkowlaha ah loo adeegsado, sida halbeegyada iyo jagajagaynta.
Qaabka halbeeggu waa tirooyinka lagu beegu inta wax yahay ama ka kooban yahay:
Sida, Saddexan, afaran, lammaan ....
Qaabka jagajagayntuna waa hannaanka lagu beego kaalingalka. Sida, koobaad, labaad, saddexaad.
Tiratirayntu, waxa ay adeegsataa hannaanka qoraal ee Tiraabqorka iyo Siddigqorka.
Ugu dambayn qaabka aynu u nidhaahno ama ugu dhawaaqnaa waa laba qaabka. In aynu soo horraysiinno tirada tobal layda ah sida 14 (toban iyo afar) iyo in aynu xagga h**e kaga nimaadno 14 ( afar iyo toban). Qaabka dambe waxa saamayn ku leh akhrinta farta Carabiga iyo Ingiriisida. Qaabka h**e oo Soomaali badani adeegso ayaa ah midka qumman.