14/08/2026
Ardayga xiise gaar ah ayaa ay u samaysaa , marka aad itus oo itaabsii aad uga dhigto wixii aad maantaba u sharraxaysay. Fahanka ardaygana qayb aad u wayn ayaa ay ka qaadataa. Halkani waa xarunta Xaradh College ee magaalada Burco.
12/08/2026
OGAYSIIS
Xarunta Raadraaca Afafka iyo Dhaqanka (Xaradh) waxa ay barayaashada Dugsiyada Hoose ee Burco u qabanaysaa tababar ku saabsan "Habka ugu waxtarsan ee ardayda Dugsiyada Hoose loo bari karo AKHRIS-QORAALKA af Soomaaliga"..
Goorta: Gelinka dambe ee Jimcaha.
Goobta: Xarunta Xaradh.
23/07/2026
Waxa maanta si toos ah u bilaabmay fasallada wax barashada afafka ee koolajka Xaradh
08/07/2026
BALLAMIN
Dhammaan ardaydii is diwaangelisay iyo kuwa aan weli isdiwaan gelinba waxa lagu wargelinayaa in Jimcaha (10 July) galabnimada 4:30 xarunta ay yimaaddaan si warbixin dhammaystiran loo siiyo.
Goobta: Isgoyska laamiga Afgooye iyo Qasabka, xaranta Hope Academy
Goorta: Gelinka dambe ee Jimcaha iyo Khamiista
Tell: 4710906
Gmail: [email protected]
07/07/2026
"Hilinka Noqoshada Afaf Yaqaan Hubsan" Xaradh College
07/07/2026
Farriin
Is diwaan gelintu waxa ay ka socotaa Xarunta Xaradh.
Ama dhagaatiga hoose iska diwaan geli
https://docs.google.com/forms/d/e/1FAIpQLSc3dDfUK26h8MlUDzeb97eRVCP_oJuORTRmRcObV_Fj6NtnGg/viewform?usp=dialog
05/07/2026
Faahfaahin kooban, ciddii aan ogayn.
Xaradh Institute (Xarunta Raadraaca Afafka iyo Dhaqanka)
Waa xarun bixin doonta barashada aqoonta Afafka ee heerka tacliinta sare, gaar ahaan Diblooma (Diploma).
Waxa lagu baran doonaa Saddex waaxood oo kala ah:
1. Waaxda af Soomaaliga (Muhiim)
2. Waaxda af Carabiga
3. Waaxda af Ingiriisiga
Goobtu waa Burco.
Waxa loo barandoonaa qaab golajoog ah(Offline).
*Jimcaha iyo Khamiislaha*
Ciddii rabta in ay ka mid noqoto lodka 1-aad ee afafkan baran doonaa, ha iska diwaan geliso dhagaatiga hoose.
https://docs.google.com/forms/d/e/1FAIpQLSc3dDfUK26h8MlUDzeb97eRVCP_oJuORTRmRcObV_Fj6NtnGg/viewform?usp=dialog
Ama la xidhiidh: 0634710906.
FG. Dadka isdiwaan geliyay gaar ayaa loola xidhiidhi doonaa si loo ballamiyo looguna yeedho xarunta
🎓 Xaradh College - Foomka Diiwaangelinta Ardayda
Ku soo dhawoow Xaradh College. Fadlan si taxaddar leh u buuxi xogta hoose. Xogta aad bixiso waxaa loo isticmaali doonaa qiimeynta codsigaaga iyo diiwaangelinta kulliyadda. Xusuusin: Shuruudda gelitaanka waa in codsaduhu haysto Shahaadada Dugsiga Sare ama wax u dhigma.
05/07/2026
Hadda is diwaan geli oo noqo dadka fara-kutiriska ah ee haysta shahaado tacliinta sare ah oo af Soomaali ah ama afafka kale.
Halkan iska diwaan geli, oo guji dhagaatiga hoose.
https://docs.google.com/forms/d/e/1FAIpQLSc3dDfUK26h8MlUDzeb97eRVCP_oJuORTRmRcObV_Fj6NtnGg/viewform?usp=dialog
Ama la xidhiidh: 0634710906
30/06/2026
Xaradh College Iyo Dhowaan
بسم الله الرØÙ…Ù† الرØÙŠÙ…
Asalaamu calaykum.
Ka dib salaan, boggani(Xaradh Institute), waa madasha rasmiga ah ee Xarunta Raadraaca Afafka iyo Dhaqanka
Xaradh, waa goob lagu baranayo cilmi-afeedka iyo dhaqanka Soomaalida.
Afafka laga helayo oo dhammaantood tacliinta sare ah, waxa ka mid ah: Soomaali, Carabi, Ingiriisi iyo afaf kale.
Sida oo kale xeer-dhaqameedka, hidde-dhaqameedka iyo ab-looga hadhka Soomaalida ayaa darkan laga darsan doonaa.
Burco, markale ayaa ay afkeenna u istaagaysaa.
Si aad ula jaanqaaddo una hesho xogo intaas ka badan ku biir degelkan, WhatsApp-ka ah. https://chat.whatsapp.com/IxbDz41p4Cp1rteIanuyAh
Mahadsanidiin
13/08/2025
"Qormadan, waxa aan si qoto dheer ugu falanqaynayaa, ereyada Af, Suugaan, Tix, Tiraab, Maanso, Maahmaah iyo kuwa la halmaale ee edegga af Soomaaliga ku xerooda. Qeexitaannadoodaa asalka ah (laf) iyo kuwa loo adeegsaday (lud) iyo weliba qaybahakala duwan ee afku leeyahay. Waxa aan soo dheegan doonaa aragtiyaha dugsiyada afka ee heerjaamaceed iyo aqoonyahannada afka ka shaqeeya. Waxa aan isku deyayaa in an mideeyo kala duwaanta jirta ama xallinno khilaafka ereyadan ka jira. Waxa aan rajaynayaa in doodo maangal ah laga keeno ama la ila qaato midda aan qabo". Ridwaan Cabdikariin Daa'uud
Halkan hoose ka akhrisan
RIDWAAN CABDIKARIIN DAA’UUD
BURCO/SOOMAALILAND