02/07/2026
...... KHAMIIS .. 02/7/2026
Waxa u soo gabbogaboobay ardayda dugsiga sare ee Sheikh Bashir Secondary School iyo dhamaan ardaydda fasalada afraad ee jamhuriyada Somaliland , imtixaankii shaahadiga ahaa ee sanad Dugsiyeedka 2025-2026
Mahad oo dhami alle ayay u sugnaatay suuro galiyey soo afmeeridda waxbarashada ee ardaydu soo waday muddo 12 sano ah .
Intaa kabacdi maamulka iyo macalimiinta dugsigu waxay umahad celinayaan dhamaan waalidiintii qiimaha badnaa ee ardayda nagala soo qayb qaatay inay halkaa soo gaadhan oo soo afmeeran waxbarashadii aasaasiga ahayd .
Dhamaantiin ardayeey waxaad muujiseen dedaal dheerad ah , waxaanad ahaydeen arday ku suntan akhlaaq wanaagsan, ixtiraam,isku duubni iyo inaad kor usii qaadeen magaca dugsigiinna goob kasta oo aad imtixaanka ku gashenna laydinka markhaati kacay akhlaaq wanaag iyo xasilooni .
Waxaan idiin rajaynaynaa dhamantiinba darajooyin sare inaad imtixaanka ka keentaan iyo nalosha idilkeedba .
Ugu danbayn waxaan idinkula dardaarmaynaa anagoo isku duuban maamul iyo macalimiinba , isku duubnaan meel kasta oo aad joogtan , waxbarashadiinana halkaa kasii wadaan ilaa heerka ugu sareeya aad ka gaadhaysaan .
Aqoonta aad barateena aad ku anfacdaan dalkiina ,dadkiina iyo dugsigiina xasuusnaatana goobkasta aad joogtan.
Hambalyo dhamantiinba .
Congratulations .
ألف مبروك 🏅☝️📝🏆
Wabilaahi tawfiiq