السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
Jimce Wanaagsan.
Maamulka Shiikh Bashiir School wuxuu ogeysiinayaa dhammaan macallimiinta, ardayda, iyo waalidiinta sharafta leh in berri oo Sabti ah, taariikhduna tahay 01/08/2026, si rasmi ah loo bilaabayo sannad-dugsiyeedka 2026–2027.
Waxaan Alle SWT ka baryaynaa inuu sannad-dugsiyeedkan ka dhigo mid barako leh, oo guul ku dhammaada.
Sheikh Bashir Secondary School
WELCOME TO ALL THE STUDENTS GIRLS and BOYS OF SCHOOL SH.BASHIIR SECONDARY SCHOOL. FORM (1)UP TO F 4
26/07/2026
Hambalyo Hambalyo
Maamulka , macalimiinta iyo ardayda dugsiga sare ee Sheikh Bashir Secondary School waxay hambalyo iyo bogaadin kal iyo laab ah u dirayaan Ustaad Ahmed Jama Dirie oo shalay si guul leh ku difaacday cilmi-baadhistiisa (Thesis Defence) ee mac-hadka shaqaalaha dawlada ee ( Civil service institute ) CSI , faculty public administration , Class of 2026.
Hambalyo! Hambalyo! Hambalyo!
02/07/2026
...... KHAMIIS .. 02/7/2026
Waxa u soo gabbogaboobay ardayda dugsiga sare ee Sheikh Bashir Secondary School iyo dhamaan ardaydda fasalada afraad ee jamhuriyada Somaliland , imtixaankii shaahadiga ahaa ee sanad Dugsiyeedka 2025-2026
Mahad oo dhami alle ayay u sugnaatay suuro galiyey soo afmeeridda waxbarashada ee ardaydu soo waday muddo 12 sano ah .
Intaa kabacdi maamulka iyo macalimiinta dugsigu waxay umahad celinayaan dhamaan waalidiintii qiimaha badnaa ee ardayda nagala soo qayb qaatay inay halkaa soo gaadhan oo soo afmeeran waxbarashadii aasaasiga ahayd .
Dhamaantiin ardayeey waxaad muujiseen dedaal dheerad ah , waxaanad ahaydeen arday ku suntan akhlaaq wanaagsan, ixtiraam,isku duubni iyo inaad kor usii qaadeen magaca dugsigiinna goob kasta oo aad imtixaanka ku gashenna laydinka markhaati kacay akhlaaq wanaag iyo xasilooni .
Waxaan idiin rajaynaynaa dhamantiinba darajooyin sare inaad imtixaanka ka keentaan iyo nalosha idilkeedba .
Ugu danbayn waxaan idinkula dardaarmaynaa anagoo isku duuban maamul iyo macalimiinba , isku duubnaan meel kasta oo aad joogtan , waxbarashadiinana halkaa kasii wadaan ilaa heerka ugu sareeya aad ka gaadhaysaan .
Aqoonta aad barateena aad ku anfacdaan dalkiina ,dadkiina iyo dugsigiina xasuusnaatana goobkasta aad joogtan.
Hambalyo dhamantiinba .
Congratulations .
ألف مبروك 🏅☝️📝🏆
Wabilaahi tawfiiq
26/06/2026
Xalay oo tarikhdu ku astaysanayd 25 / 6/2026 waxa barxada jaamacada abaarso tech university lagu qabtay xaflad meeqamkeedu sareeyo oo Lagu Maamuusay Kooxdii ka socotay dugsiga sare ee Sheikh Bashir oo Ku Guulaysatay Tartankii Kubadda Cagta ee loo qabtay qaybo kamida Dugsiyada Sare ee Burco.
Xafladdu waxay ahayd mid lagu dhiirrigelinayo dadaalka, kartida iyo tartanka wanaagsan ee ay soo bandhigeen ardaydu intii uu socday tartanku.
Waxaan hambalyo u diraynaa kooxihii kale tartanka kaqayb qaatay , sidoo kalena waxaan u mahadcelinaynaa jaamacada Abarso tech university oo tartankan Soo qaban qaabisay.
Hambalyo Hambalyo dhamaan bahweynta reer Sheikh Bashir Secondary School.
22/06/2026
Macallin Cali-karaamo oo loo magacaabay isuduwaha gobolka Togdheer ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka JSL
Hambalyo Hambalyo Hambalyo
Wuxuu ka mid ahaa bahda Sheikh Bashir Secondary School
Sheikh Bashir Secondary School
13/06/2026
Sawiro:
xafladdii sabootinta ee ardayda fasallada afraad (form four )ee sannad dugsiyeedka 2025:2026 ,abaalmarino kale duwana lagu gudoonsiiyey Ardayda, macallimiinta iyo maamulka ee dugsiga sare ee Sheikh Bashir Secondary School xafladaas oo ay soo agaasimeen ardayda sannadkan ka aflaxaysa dugsiga .
Ugu danbayn maamulka iyo macallimiinta dugsigu waxay ardayda Alle uga baryayaan in imtixaanka ay sugayaan in Alle u fududeeyo natiijo fiicana kuwii hela alle ka yeelo aammiin aammiin.
12/06/2026
Mudane iyo Marwo
Waxa noo sharaf ah inaad nagala Soo qayb gasho xafalada sabootinta ardayda fasalka afraad (form four ) ee dugsiga Sheikh Bashir Secondary School sanad dugsiyeedka 2025-2026 oo caawa tarikhdu ku astaysantahay 12/6/2026 ka qabsoomaysa hotel plaze ee magaalada Burco.
08/06/2026
Dhamaan bahweynta reer Sheikh Bashir Secondary School iyo reer Somalilandba fadlan codkeena aynu ku garab istaagno bare sare Cismaan Xaaji Siciid oo kalin mug iyo misaan leh ka qaatay weynaynta iyo xuska maalmaha qaran ee Jamhuuriyada Somaliland , korna u qaaday wadaniyada inuu ku barbaariyo arday dugsiyada sare iyo jaamacadahaba .
Tartankan oo ay Soo agaasitay Somaliland achievement awards .
Qaabkan codkeenu u dhiibta :
1️⃣ Guji link-ga hoose.
2️⃣ Buuxi xogta lagaa codsado.
3️⃣ Gudbi magacaaga ama magaca qofka aad soo xulanayso.
4️⃣ Riix Submit/Gudbi si codsigaagu u diiwaangashamo.
🔗 Link-ga Diiwaangelinta:
https://forms.gle/VNCp4sobuyqgpiSU8
Codayntu waxay Socon doontaa 24 Saacadood waxayna xidhmi doontaa 9/6/2026 9:30 AM
20/05/2026
FINAL EXAMINATION TIMETABLE 2025-2026
Hussein mumin Abdille Administration and examination control office Sh.bashir secondary school
Thanks
Happy holiday to all
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the school
Telephone
Website
Address
Near Burao General Hospital
Burco
Opening Hours
| Monday | 06:00 - 12:30 |
| Tuesday | 06:00 - 12:30 |
| Wednesday | 06:00 - 12:30 |
| Thursday | 06:00 - 10:00 |
| Saturday | 06:00 - 12:30 |
| Sunday | 06:00 - 12:30 |