Al-azhar college of computer science health training & languages study

Al-azhar college of computer science health training & languages study

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Al-azhar college of computer science health training & languages study, School, aqaayadda, Burco.

Photos from Al-azhar college of computer science health training & languages study's post 27/06/2023

Eid Mubarak. عيدكم مبارك
Ilaaahay waxaynu waydiisanaynaa in uu acmaasheenna yar inaga aqbalo ajar balaadhan inagu bedello sanadkaaas sannadkiisana inagu gaadhsiiyo bash iyo barwaaqo, caafimaad qabna inagu gaadhsiiyo.

31/07/2019

dugsiga al-azhar waxa uu ugu bushaaraynayaa bulshawaynta in uu qaadanayo arday aday cusub oops aha coursespadrilles ka caafimaadka iyo computerka iyo english ta courses ka qaar buugaagtaa free aha qaar nab dhamaantood baa waa free
saacadahu waa 4pm illaa 8:30pm

04/07/2019

bushaaro bushaaro bushaaro .
dhamaan waxa uu college ka azhar ugu bushaaraynayaa bulshawaynta in ay bishan bilaabmayaan courses kii caafimaadka oo arday cusub laqaadanayo courses kaasna waxa kamida .
* course ka midwifery ga ooo theory iyo prsctical ba leh .
* nursing course ka oo isna 11 proceddure oo pracyical ah iyo theory ba wata .
3. laboratory ga oo isna ah course zhaybaadh ah .
wixii faah faahin kntaa dheer kala xidhiidh xafiska dugsiga.

Photos from Al-azhar college of computer science health training & languages study's post 27/06/2019

dhammaan aad bay u salaamanyihiiin bulshada ku xidhan college ka ashar casharadii online ka ahaw oo iyana bilaabmaya 28/6/2019 م

Photos from Al-azhar college of computer science health training & languages study's post 14/06/2019
Photos from Al-azhar college of computer science health training & languages study's post 10/05/2019

Waa barnaamij lagu daah furayay tartan aqooneed uu jaaieooyin muhiima ku bixin doono dugsigu waxaana sidoo kale lagu shaacinayay courses cusub oo ah 1.pharmacoligy
2. Nutrition 3. Vaccination 4.multimedia

25/04/2019

Maanta oo ay bishu tahay 25/4/2019 M waxa la qaadayaa imtixaankii shahaadiga ahaa saacaddu waa 4:pm

15/03/2019

Jidhka bani’aadamku waxa uu u baahan yahay waqtiyo daryeel iyo kabis ama dayactir lagu sameeyo xubnaha iyo unugyada kala duwan si ay si habsami ah u sii wataan gudashada shaqada ay jidhka u hayaan.

Buugga ’30 siyaabood oo aad dib ugaga shaqaysiin karto jidhkaaga’ oo uu qoray Ben Greenfield ayaa soo jeedinaya talooyin iyo tilmaamo aynu uga faa’iidaysan karno ka takhalusidda dhammaan curiyeyaasha dhibaatada ku keena nidaamka nafaqo ee qofka. Kuwaas oo si toos ah saamayn ugu yeesha shaqada jidhka, hoosna u dhiga caafimaadka guud, waxaa ugu horreeya sonkorta cad.


Macaanka sonkorta cadi ma’aha dabiici, sida macaanka uu jidhku ka helo khudradda noocyadeeda, caanaha iyo badarka. Hay’adda caafimaadka adduunkuna waxa ay sheegaysaa in aanay fiicnayn in qofka qaangaadhka ah jidhkiisa uu galo wax ka badan boqolkiiba 10 ah kalooriska laga helo sonkorta iyo waxyaabaha la midka ah.

Qoraaga kale ee lagu magacaabo Diana Herrington oo aasaastay barta internet ka ee ‘Real Food for life’ ayaa sheegtay in ay jiraan sababood oo ay tahay in qofku uu dartood isaga daayo sonkorta, kuwaas oo kala ah:

Nafaqo ma’aha
Waa kalooris madhan, oo waxtarkeeda cunto iyo nafaqadeedu aad u yar yihiin. Waxaa intaas u dheer in jidhku si uu u burburiyo una dhammaystiro geeddiga dheefshiid ee sonkorta uu u baahdo in uu dib xubnaha jidhka uga soo qaato faytamiinno muhiim ah. Arrintani waxa ay sababtaa in nafaqada jidhku hoos u dhacdo.

Dufanka ayaa ay jidhka ku qabataa
Kalooriska sonkorta ku jiraa marka ay jidhka ku bataan waxa ay sababaan in ay ku kaydsamaan nudaha dufaneed ee jidhka, taas oo sababta in miisaanku uu kordho.

Cadho badan iyo qulub
Cilmibaadhiso la sameeyey ayaa daahfuray in uu xidhiidh cadi ka dhexeeyo cunista sonkorta badan iyo in qofka ay ku dhacaan xanuunnada nafsiga ah ee ay ka mid yihiin sakatiga, warwarka, qulubka, iyo xitaa in qofku uu bulshada ka faquuqmo. Sababtuna waa sonkorta oo sababaysa in Insulin ta iyo Adrenaline ta jidhka uu heerkoodu kor u kaco.

Sonkortu waxa ay sababtaa cudurro khatar ah
Sonkorta oo jidhka ku badataa waxa ay sababtaa xanuunno khatar ah oo ay ka mid yihiin, macaanka, kelyo xanuunka iyo xanuunnada wadnaha ku dhaca. Waxa kale oo suurtagal ah in ay burburiso awoodda uu ganacu u leeyahay in uu si habsami ah shaqadiisa u qabsado.

Sonkortu waxa ay sababtaa suus
Sonkortu waxa ay kordhisaa bakteeriyada afka ku dhaqan, sidaa awgeed waxa ay dishaa dheeha ilkaha.

Waxa ay daciifisaa habdhsika difaaca ee dabiiciga ah
Sonkortu waxa ay hoos u dhigtaa firfircoonida dabiiciga ah ee shaqada habdhiska difaaca. Cilmibaadhis ay samaysay jaamacadda Loma Linda ee gobalka California, dalka Maraykanka ayaa iyaduna muujisay in cunista badan ee sonkortu uu raad caafimaad darro ah ku yeesho shaqada unugyada dhiigga cad.

Coodh-coodhka
Sonkorta cad / aan dabiiciga ahayn oo jidhka ku badataa waxa ay burburisaa barootiinka ‘Collagen’ taas oo sababta in coodh-coodh da’diisa ka soo horreeyaa uu jidhka ku bato.

Talooyin kaa caawinaya in aad sonkorta joojiso

Habka ugu fiicani waa in aad si tallaabo tallaabo ah u dhinto cuntooyinka sonkorta lagu daro, adiga oo taas beddelkeedana cunaya:

– Khudradda darayga ah iyo ta qallalan. In kasta oo ay sonkorta dabiiciga ahi ku badan tahay khudradad, haddana waa ay ka caafimaad badan tahay sonkorta samayska ah, waxa aanay hodan ku tahay faytamiinno iyo macdanno kala duwan. Waxa la ogaaday in khudraddu ay jidhka illowsiiso baahida iyo doonista uu u qabo sonkorta. Sonkortan dabiiciga ahi malaha kalooris, waxa aanay nafaqaysaa ganaca.

Cilmibaadhiso la sameeyey ayaa daahfuray in sonkorta dabiiciga ahi ay nidaamiso heerka sonkorta dhiigga, isla markaana ay caawiso dejinta dhiigkarka.

– Si tallaabo tallaabo ah u yaree isticmaalka macmacaannada kala duwan.

– Ku dadaal in aad cuntadaada ku soo koobto xilliyada cunto ee waaweyn, iyo in aad waqti go’an cunto, si aad jidhka ugu ilaaliso sonkorta oo hoos u dhacaysa haddii waqtigii jidhku cuntada u baahnaa uu dhaafo.

– Ku dadaal in aad cabto cabbitaannada dabiiciga ah, sida liinta noocyadeeda.

– Gurigaaga, xafiiskaaga, gaadhigaaga ama meel kale oo kuu muuqata ha dhigin sonkor ama shay sonkor leh sida shaglaydhka sonkorta leh, si aanay naftu doonistiisa u xasuusan.

– Ku dadaal jimicsiga, gaar ahaan socodka. Xeeldheereyaashu waxa ay ku talinayaan in mar kasta oo aad dareento in aad sonkor ama macmacaan u baahantahay in aad bilowdo socod.

Cilmibaadhiso kala duwan ayaa isku raacay in jacaylka badan ee ay dadka ciyaaara / jimicsiyada sameeyaa u qabaan sonkortu uu hoos u dhaco marka ay jimcsiga sameeyaan.

Photos from Al-azhar college of computer science health training & languages study's post 14/03/2019

Dugsiga al-azhar waxa uu hambalyo aad u saraysa u dirayaa ardaydii kaqalinjabisay dugsiga 8/3/2019m oo tiradoodu dhamayd 86 arday oo isugu jiray departments ka caafimaadka ,computerka iyo english ka waxaanan leenahay Hambalyo Hambalyo Hmabalyo dhamaantiin .
mudadii dugsigu furnaa oo dhamayd 8 iyo laba bilood waxa dugsiga ka qalin jabiyay arday tiradoodu dhantahay 2978 arday .
waxaana uu dugsigu leeyahay dhamaan ardaydii ka qalin jabisay Hambalyo Hambalyo Hmabalyo cilmigaad barateena alle haydinku anfaco Aamiin Aamiin Aamiin .

AZHAR WAA UBAXA MUSTAQBALKA EE DHALINYARADEENA

Want your school to be the top-listed School/college in Burco?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Aqaayadda
Burco
1234