09/09/2016
Nabi suleymaan cs ayaa aaday arรธos qaraabada ah isagoo u socda ayaa waxaa jidka kaga horyimid MALAKUL MOWT wuxuna ku yiri :- suleeymaanoow xageed u socotaa ?
Nabiga cs ayaa ugu jawaabay :- waxaan u socdaa aroos qaraabada ah , hadaba malakul mowtkii ayaa yiri :- caawa waxaan u socdaa inaan arooska nafta ka qaado ,
nabi suleymaan aad buu u murugooday wuxuuna niyadda iska yiri :- ma waxaad aadaysaa meel isku bedelaysa murugo iyo oohin sidaas ayuu uga haray habeenkii arooska ,
aroortii marku waagu beryey ayuu nabi suleymaan u tagay arooskii AABiHIISa ,
aabihii ayaana ku yiri : nabi allow maxaad xalay u imaan wayday arooska ?
Hadaba nabi suleymaan isagoo ka jawaabin su'aashaas ayuu la kulmay MALAKUl mowtkii wuxuuna ku yiri :- maxaad xalay u tiri arooska ayaa nafta ka qaadayaa ?
Malakul mowtkii ayaa yiri :- waa run oo allah ayaa isoo diray inaan nafta ka qaado , balse amar kale ayaa ka dambeeyey oo allah ayaa i amray inaan dib u noqdo waayo guriga arooska waxaa agfadhiday Islaan miskiin ah oo gaajeysan markaas ayuu wiilka aabihiis si wanaagsan oo sharaf leh u soo dhaweeyey islaanta miskiinta ah ,
isla markiina islaanti ayaa u duceysey Arooska iyo Aroosada iyada oo ilaah uga bariday cimri dheer iyo caafimaad iyo awlaad kheyr qabta inuu ilaah kala siiyo ,
Ducadaas ayuuna ilaahay u aqbalay ..
Subxaanallaah allow ducadeen naga aqbal marwalba aan duceeysano ama noola duceeyo Aan ku dadaalno caawinta masaakiinta inshaa allah