16/06/2026
Dhammaadka Imtixaankii Naqliga ahaa ee Sannad dugsiyeedkan 2025 - 2026.
Waxaa saaka oo ku beegan (16 May 2026) si rasmi ah ugu soo gabogaboobay dugsiga Gahayr qaybtiisa kala imtixaankii naqliga ahaa ee sannad dugsiyeedkan.
Dhammaan ardayda dugsiga waxaanu idiin rajaynaynaa guul iyo natiijooyin u qalma dadaalkii aad sannadkaa soo waddeen.
FASAX WANAAGSAN.
02/06/2026
Qaar kamida ardaydii dugsiga ka qalin badalatay, 2014 - 2015.
Ma ka mid ahayd ardayda? Yaad se ka garatay?
Adigu waqtigee baad ka baxday Form Four?
29/05/2026
Wargalin Muhiim ah.
Berri Sabtida (30 May 2026) waxaa dugsiga qaybihiisa kala duwan - si toosa uga bilaabmaya imtixaankii naqliga ahaa ee sannad dugsiyeedkan 2025 - 2026.
Sawirada xagga hoose ka muuqdaa waa jadwalkii imtixaanka. Fadlan ardayaw eego maalinta aad imtixaanka galaysid iyo maadada aad galaysid.
Diyaargaraw wanaagsan.
21/05/2026
Ardayda fasalka 8-aad ee sannad dugsiyeedkan 2025/2026 ayaa munaasibad xus iyo abaalmarin isugu jirta u sameeyay macallimiintooda iyo maamulkoodaba.
Ka maamul ahaan waanu bogaadinaynaa garashadaa iyo xusidaa ay ardaydaasi macallimiintooda xuseen.
Allaah idinka iyo aradayda kale ee imtixaanka shahaadiga ah u fadhiisanaysaba haydinka yeelo kuwii natiijooyin guula kala kulma.
20/05/2026
Xafladdii Gunaanadka Tartannadii Dugsiga Qaybihiisa Kala Duwan Ka Socday.
Subaxnimadii Axadii (17 May 2026) waxaa barxada dugsiga ka qabsoontay munaasibad si heersare ah loo-soo-agaasimay oo lagu abaalmariyay ardaydii ku guulaysatay tartannadii dugsiga ka socday.
Munaasibadan waxaa lagu maamuusay ardaydii ku guulaysatay tartanada; waxaana loo kala Abaalmariyay sidan
Guulaystayaasha tartankii aqoonta ee dugsiga sare - FORM FOUR.
Guulaystayaashii tartanka aqoonta ee dugsiga hoose/dhexe fasalka 5aad.
Guulaystayaashii tartankii kubadda cagta ee dugsiga sare - FORM FOUR.
Hambalyo dhammaantiin guulaystayaal.
19/05/2026
Sawira Xuska Munaasibada 18 May iyo Hablaha Galinka Danbe.
19/05/2026
Qaybtii Labaad ee Sawirada Ciyaartii Xidhitaanka Wareegii Gahayr Cup 2016.
18/05/2026
Happy 18 May to all Somalilanders.