18/11/2025
Dugsiga Jamaal Cabdinaasir ayaa maanta qabtay xus dhaqameed ardayda lagu xasuusinayey, oo lagu kala barayey agab dhaqameedkii Soomaalidu lahayd, ee sancadeeda iyo farshaxankeeda ahaa.
Agabkan isugu jira: hu’ga, saabaan, saanadda iyo dhismaha aqalka waxa ku deeqday oo xilweyn iska saaray hoyga uruurinta, kaydinta iyo barashada agab dhaqameedka Soomaalida ee Darcad
22/09/2025
Hambalyo ardayda magacyadoodu hoos ku xusanyihiin oo ka mid ah ardaydii dugsiga sare ee Jamaal A.Naasir sannadkan ka baxay oo ku guulaystay tartankii loo galay deeqdii waxbarasho ee dalka Ethiopia siisay Somaliland.
Dadaalkii aqooneed ee ay muujiyeen intii dugsiga ay dhiganayeen ayaa u saamaxay inay markale ka qayb noqdaan ardayda tirada yar ee kusoo baxday imtixaankii ardayda tirada badani gashay.
1=Daauud Ciise Mohamed
2=Abdiqani Waliid Xuseen
3=Barwaaqo kayse Abdi
4=Hamdi Abdi diiriye
18/08/2025
Hambalyo Labada arday ee ugu sarreeyay ardayda dugsiga sare ee Jamaal A.Naasir oo keeney dhibco sare.
Barwaaqo Kayse Cabdi iyo Rahma Aden Suleiman muddadii ay wadeen safarkooda waxbarasho waxa ay ahaayeen kuwo ku suntan dadaal aqooneed oo nafhurnimo leh iyo inay ahaayeen kuwo wakhti kasta ku qaadanaya aqoon kordhintooda.
17/08/2025
Hambalyo dhammaan ardaydii fasallada 4aad ee dugsiga sare ee Jamaal A/Naasir kuwaas oo dhammaantood ku baxay darajooyin sarsare.
Ardayda ayaa ka mid ah kuwa ugu sarreeya guud ahaan gobolka Togdheer iyo Somaliland marka la eego dhibcaha ay keeneen oo ah qaar aad u sarreeya.
Hambalyo dhammaantiin, waxaad guulo waawayn usoo hoyseen nafihiinna, dugsigiinna iyo guud ahaan gobolka Togdheer.
Ma jiraan haba yaraatee arday dhacday, ama gaadhay darajada D, guud ahaan ardayda dugsiga Jamaal A.Naasir waxay ku baxeen darajooyinka sare ee imtixaanka.
16/08/2025
Guulbaan u rajaynaynnaa dhammaan ardayda dugsiga Jamaal A/Naasir ee maalinka barri ah heli doona natiijada imtixaannadii shahaadiga ahaa ee ay galeen.
Guulaysta dhammaantiin.
Maamulka dugsiga Jamaal A/Naasir
15/08/2025
Maalinta barri oo Sabti ah waxaa barxadda dugsiga ka qabsoomi doonta munaasabadda furitaanka sannad dugsiyeedka cusub ee 2025/2026, Sidoo kale waxaa madashaas lagu abaal marin doonaa ardaydii kaalmaha h**e ka gashay imtixaanaadkii
Kala duwan ee dugsiga.
01/08/2025
𝐖𝐚𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡
Maamulka dugsiga Jamaal A/Naasir waxa uu ku wargalinaynaa dhammaan ardayda iyo hawlwadeennada dugsiga in maalinta berrito ah oo ku beegan Sabti 02/08/2025 la furi doono dugsiga, waxbarashaduna si toos ah u bilaabmi doonto.
Ka maamul ahaan waxaanu u xiisa qabnaa soo noqoshada ardayda muddada fasaxa nagaga maqnayd iyo wajiyadoodii faraxtida iyo raynraynta siday ee aannan muddo arag!
Isusoo noqod wacan
30/06/2025
Hambalyo maamule Cali Ducaale Aadan, abaal Marin kasta oo lagu siiyo waxaa ka badan tacabka iyo dadaalka ummadeed ee aad bulshadaqda gashatay