Abdirisaq saleban Abdi

Abdirisaq saleban Abdi

Share

Balantenu waa faafinta kitaabka iyo sunada

07/12/2023

Today's drawing flag...🌿🥰💟💟💟💟💟💟💟💟💟💟
Follow my page















13/02/2023

Baaqa Culimada Somaliland ee Xaaladda Laasacaanood:

1. Culimadu waxay tacsi udirayaan ehelada iyo qaraabada dadkii halkaa ku waxyeeloobay:-
- inta dhimatay Ilaahay ha unaxariisto.
- inta dhaawaca ahna Ilaahay u booga dhayo
- inta barakacdayna ilaahay baradoodii nabad ha ugu soo celiyo
- Hantidii ay ku waayeena Ilaahay ciwad khayr qaba ka siiyo

2. Culimadu waxay xasuusinayaan labada dhinacba in dhiiga muslimka ee daadanayaa uu xaaraan yahay iyadoo lagu jiro bilihii Xurmada Lahaa (Rajab). Waxaanay xasuusineynaa Xadiithkii Nebi SCw ee ahaa
)إن دﻣﺎءﺋﻜﻢ وأﻣﻮال وأﻋﺮاﺿﻜﻢ ﺣﺮام ﻋﻠﯿﻜﻢ(

3. Culimadu waxay cod dheer ugu baaqayaan adkaynta iyo hirgelinta Xabadjoojinta.

4. Si’gaar ah Culimadu waxay ugu baaqayaan Xukuumadda Somaliland iyo Garaadada in ay hirgeliyaan talaabo walba oo suurtagelinaysa dhamaystirka xabad joojinta.

5. Culimadu waxay ugu baaqayaan labada dhinac in khilaafka jira lagu dhameeyo wadahadal iyo wadaxaajood ku salaysan Shareecada Islaamka waxaanay umadda Soomaaliyeed xasuusinayaan in dagaaladii mudada dheer soo socday ee Soomaali udhexeeyey aan khasaare wax aan ahayn laga faa’iidin
)ﻓﺎن ﺗﻨﺎزﻋﺘﻢ ﻓﻲ ﺷﻲء ﻓﺮدوه اﻟﻲ ﷲ واﻟﺮوﺳﻮل ان ﻛﻨﺘﻢ ﺗﺆﻣﻨﻮن
ﺑﺎ@ واﻟﯿﻮم اﻻﺧﺮ(

6. Culimadu waxay ugu baaqayaan guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, bahda warbaahinta iyo baraha bulshada in ay Ilaahay ka baqaan iskana hubsadaan wararka ay faafinayaan iyo hurinta colaadda sokeeye waxaanay xasuusinayaan Qawlka Allah
)ﯾﺎﺋﮭﺎ اﻟﺬﯾﻦ آﻣﻨﻮا ان ﺟﺎﺋﻜﻢ ﻓﺎﺳﻖ ﺑﻨﺒﺈ ﻓﺘﺒﯿﻨﻮ ان ﺗﺼﯿﺒﻮ ﻗﻮﻣﺎ ﺑﺠﮭﺎﻟﺔ ﻓﺘﺼﺒﺤﻮ ﻋﻠﻰ ﻣﺎ ﻓﻌﻠﺘﻢ ﻧﺎدﻣﯿﻦ( اﻟﺤﺠﺮات

7. Culimadu waxay ugu baaqayaan Qurbajoogta iyo Qaranjoobtaba in ay Ilaahay ka baqaan oo ka qayb qaataan xoojinta nabadda iyo horumarka kana waantoobaan hurinta colaadda iyo fidnada.

8. Culimadu waxay diyaar uyihiin in ay kaalin mug leh ka qaataan daminta colaadda iyo nabadaynta dadka walaalaha ah, sidoo kale waxay ugu baaqayaan.

9. Culimadu waxay ugu baaqayaan dhamaan bulshada Soomaaliyeed in ay ka qayb qaataan samafalka iyo taakulaynta walaalaha dhibaatadu kasoo gaadhay

10/01/2023

Muxaadaro Qiimo Badan.

Waxaa Galaya Sheekh Al-Waalid Sh Cabdulkariim Xasan Xoosh

⏰️ Habeenka Khamiistu Soo Galayso Insha alaah.

Masjid Ar-rashiid Hargeisa

01/10/2022
25/09/2022

🔊Ogaysiis
Wxa La ogaysiinayaa Dhammaan Ardayda Barata Cilmiga Shareecada kana Faa’idaysta Xalaqaadka Cilmigaa In La Bilaabayo Kitaabkii 4aad Ee Taxanaha Xadiithka Nabiga ﷺ.

👤 Sh.Dr.Cumar Cabdullaahi Cuthmaan

🕌Masjidu Al Khayr-Burco

🕰 7:00 Am.

الدال على الخير كفاعله

Want your school to be the top-listed School/college in Burco?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address


Burco