Manhaj Academy

Manhaj Academy

Share

Manhaj Academy waa Xarun cilmi kororsi oo kutaala Magaalada Burco , kuna bahoobeen qayb ka mid ah..

16/12/2025

Xarunta Manhaj waxa ay ka qayb gelaysaa oo marti ku tahay kulan aqooneed ay soo qaban qaabisay Sahmiye Somaliland .

waxa tababbarka bixinaya ustaad Xasan Aw-yaasiin

05/06/2025

Ciidal caafiya.

Photos from Manhaj Academy's post 22/05/2025

Akaadamiyadda Manhaj ayaa ka qayb gashay kulan wadatashi iyo shaqo-wadaag ah oo ay soo qabanqaabisay Jaamacadda Togdheer, kaas oo loogu talagalay ururrada kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha bulshada. Kulankan oo ka qabsoomay xarunta Jaamacadda Togdheer ayaa ujeeddadiisu ahayd in la xoojiyo iskaashiga, is-dhexgalka, iyo wada-tashiga u dhexeeya ururrada arrimaha bulshada iyo jaamacadda, si kor loogu qaado wax-ku-oolnimada barnaamijyada bulshada lagu horumarinayo.

28/04/2025

"Buuggan Waddaniyada iyo Dawladnimada Soomaliland, waxuu iftiiminayaa muhiimadda ay leedahay in qofku yeesho dareen waddaniyadeed oo uu jeclaado dalkiisa iyo dadkiisaba, isagoo markaas ixtiraam iyo qaddarin u haya dadka ay kala dowaladaha iyo dhalashada yihiin. Waa arrin aad u muhiim ah in uu qofku caashaqo ciiddiisa iyo calankiisa; si uu u caashaqana waa in kolka h**e barto oo ku baraarugo qarankiisa iyo qoomiyaddiisaba. Isaga oo si gaar ah wax uga ogaanaya taariikhda dhulkiisa, bulshadiisa iyo wax kasta oo uu gaar la yahay oo uu kaga duwan yahay dhulalka ummadaha kale.

Waxa aan odhan karnaa buuggani waa kii u h**eeyey ee noociisa ah ee Af Soomaali ku qoran, ee laga qoro xidhiidhka ka dhaxeeya Wadaniyadda iyo dawladnimada.
Waxa aan rajaynayaa in akhristayaashu ay u riyaaqi doonaan oo ay wax badan ka faa'idi doonaan akhriska buuggan.

Goorta: 02/May/2025,Jimce, habeenka sabtidu soo gelayso.
Goobta: Isha Burco Hotel.
Amminta: 7:30 fiidnimo


14/04/2025

Akaadamiyadda Manhaj waxay bogaadin u diraysaa Raxma, qoraaga buugga cusub ee "Hankaab."

Bandhigga buuggu, wuxuu ka dhici doonaa Isha Burco, habeenka Sabtida ee soo galayso. Kasoo qaybgalkaagu waa noo muhiim, si aan uga wada faa’iidaysano dhiirigelinta iyo horumarka bulshada. Waa fursad aynnu ku taageerayno hal-abuurka iyo himilada qoraaga, isla markaana aan isku dhaafsanayno fikirka iyo aqoonta si loo horumariyo mustaqbalka.

29/03/2025

Tahniyad Ciid – Akaadamiyadda Manhaj

Bahda Akaadamiyadda Manhaj waxay idiin soo gudbinaysaa hambalyada Ciidda, iyada oo idiin rajaynaysa in ay farxad, barako, iyo caafimaad idiin dhalato.

Ha ahaato Ciid mid idiin horseeda guul iyo horumar, idinna Ilaahay ha idinka aqbalo dadaalkiinna iyo cibaadadiinna.

Ciid Wanaagsan!
Kullu Caam wa Antum Bikhayr!

17/03/2025

Muuqaal: Mawduuca " Dedaalkii Rasuulka SCW iyo Daryeelka Bulshada"

Soojeediye: Qoraa Sakariye Haaruuni

Photos from Manhaj Academy's post 16/03/2025

Barnaamijkii “Cawayska Soon-qaad” ee xalay ayaa si rasmi ah u qabsoomay, waxaana marti innoogu ahaa Qoraa Sakariye Haaruuni, oo si qoto dheer noogu iftiimiyay mawduuca “Dedaalkii Rasuulka (SCW) iyo daryeelka bulshada.”

Kulanka ayaa ahaa mid xiiso badan oo ka tarjumayay doorkii Rasuulka (SCW) ee daryeelka bulshada, isaga oo si xeel dheer u dul istaagay sida uu ugu dadaali jiray horumarinta bulshada, kaalmaynta danyarta, iyo xoojinta isku-duubnida Muslimiinta.

Mahadnaq gaar ah ayaan u diraynnaa, dhammaan ka qaybgalayaashii iyo martideenna qaaliga ah ee ka faa’iidaysatay casharrada qiimaha badan ee lagu soo bandhigay. Waxaan rajaynaynaa in mawduucani sii xoojin doono wacyiga iyo aqoonta bulshada.

FG: Mawduucan waa la duubay, waxa aan ugu bushaaraynaynnaa inta aan soo haleelin in ay fursad u heli karaan in ay ka faa'ideystaan. Dhowaan la soco muuqaalka.

15/03/2025

Bismillaah.
Barnaamijkeennii “Cawayska Soon-qaad”, oo h**e innooga baaqday, ayaa caawa dib innoogu soo laabanaya. Waxa inoo marti ah Qoraa Sakariye Haaruuni, oo inoo soo jeedin doona mawduuca “Dedaalkii Rasuulka (SCW) iyo daryeelka bulshada.”

Waa mawduuc xiiso leh oo aan filayno inaad ka faa'iidaysataan. Ka soo qaybgal wanaagsan!

10/03/2025

Cabdiraxmaan Caarif: Waa Hoggaamiye Da’yar oo U Heellan Horumarka Dhallinyarada Dalkiisa Soomaaliland.

Cabdiraxmaan Caarif waa halyey dhalinyaro ah oo si hagar la’aan ah ugu adeegaya bulshadiisa, gaar ahaan dhallinyarada Burco. Wuxuu si firfircoon uga dhex muuqdaa dadaallada lagu horumarinayo aqoonta, hal-abuurka, iyo ka-qaybgalka bulshada, isagoo xubin muhiim ah ka ah Burao Youth Centre—madal ay dhallinyaradu ka helaan xirfado kobcin kara mustaqbalkooda.

Himiladiisu waa in la dhiso jiil karti iyo aqoon leh, kuwaas oo door muuqda ka qaata horumarka bulshada. Wuxuu rumeysan yahay in dhallinyaradu yihiin lafdhabarta isbeddelka, una baahan yihiin dhiirrigelin iyo fursado ay ku horumariyaan naftooda iyo dalkooda.

Cabdiraxmaan Caarif waa shaqsi mudan in la garab istaago, loona dhiirrigeliyo dadaalkiisa. Codkaaga sii tartanka Good Governance Heroes si loo aqoonsado kaalinta uu bulshada kaga jiro!
➡️ Nagu codee: https://forms.gle/8UWHFRzSddg1f8mS7

08/03/2025

HAMBALYO & BOGAADIN: RAXMA SALEEBAAN ABOKOR

Akaadamiyadda Manhaj waxay si weyn ugu hambalyeynaysaa Raxma Saleebaan Abokor, oo ah ardayad da’yar leh hal-adayg, hibo sarreysa, iyo hammi sare.

Iyadoo weli ardayad ah oo dhigata fasalka 8aad, Raxma waxay si hagar la’aan ah ugu dedaashay qorista buuggeeda "Han-kaab: ", taasoo muujinaysa kartideeda iyo xiiseheeda akhris-qoraal. Go’aankeedu wuxuu tusaale u yahay dhalinyarada jecel hal-abuurka iyo horumarka.

Buuggeedu waa dhaxal aqooneed oo dhiirrigelin u ah jiilasha soo socda. Waxaan u rajaynaynnaa horumar iyo guulo waaweyn.

Want your school to be the top-listed School/college in Burco?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Burco