Almis training center

Call Directions

Almis training center waa machad lagu baran doono xirfadaha gaagaaban

22/07/2026

Kelmada maanta ee dhiirigelinta
.

MAWDUUCA MAANTA:"Sida Loo Horumariyo Qaran Xooggan oo Barwaaqo ah"✍️ Waxaa inoogu qoran:Eng. Shamsudiin Ismaaciil AxmedT...
16/06/2026

MAWDUUCA MAANTA:"Sida Loo Horumariyo Qaran Xooggan oo Barwaaqo ah"
✍️ Waxaa inoogu qoran:
Eng. Shamsudiin Ismaaciil Axmed
Tobobare/Dhiirigeliye ahna Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Saraar
La socod Wanaagsan Qoraalkiisa bartan.
Fursadd qiimo badan.



XAFLADDA XIDHITAANKA TOBOBAR XIRFAD GACMEEDKA EE SOSA SKILLSWaxaa maanta si rasmi ah loo soo gebogabeeyey tabobar xirfad...
15/06/2026

XAFLADDA XIDHITAANKA TOBOBAR XIRFAD GACMEEDKA EE SOSA SKILLS

Waxaa maanta si rasmi ah loo soo gebogabeeyey tabobar xirfad-gacmeed oo ay soo qabanqaabisay hay’adda SOSA Skills, kaas oo ay ka faa’iidaysteen tiro arday ah oo lagu tababaray xirfado gacmeedyo kala duwan.

Xafladda xiritaanka tabobarka waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska ee Gobolka Saraar, Eng. Shamsudiin Ismaaciil Axmed (Sahan), iyo masuuliyiin kale oo kala duwan.

Masuuliyiintii madasha ka hadashay ayaa hambalyo u diray ardaydii dhammaysatay tabobarka, iyagoo ku dhiirrigeliyey inay sii horumariyaan xirfadahooda isla markaana uga faa’iidaystaan fursadaha shaqo-abuurka iyo is-horumarinta. Waxay sidoo kale tilmaameen muhiimadda ay xirfaduhu u leeyihiin horumarka dhalinyarada iyo koboca bulshada.




12/06/2026

MAWDUUCEENII: QALBIGA WANAAGSAN
✍️ Waxaa inoogu qornaa:
Eng. Shamsudiin Ismaaciil Axmed
Guddoomiyaha Wasaaradda Waxbarashada Gobolka Saraar
MUUQAAL.DAAWASHO WANAAGSAN





MAWDUUCA MAANTA: QALBIGA WANAAGSAN✍️ Waxaa inoogu qoran:Eng. Shamsudiin Ismaaciil AxmedGuddoomiyaha Waxbarashada Gobolka...
05/06/2026

MAWDUUCA MAANTA: QALBIGA WANAAGSAN
✍️ Waxaa inoogu qoran:
Eng. Shamsudiin Ismaaciil Axmed
Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Saraar
🕛 Wakhtiga: Caawa Jimcaha insha allah
La socod Wanaagsan muuqaalka bartan.
Fursadd qiimo badan.

OGAYSIIS TABABARWaxaa si rasmi ah loo ogeysiinayaa dhammaan dhalinyarada iyo dadka danaynaya xirfadaha farsamada gacanta...
27/02/2026

OGAYSIIS TABABAR

Waxaa si rasmi ah loo ogeysiinayaa dhammaan dhalinyarada iyo dadka danaynaya xirfadaha farsamada gacanta in la bilaabayo Tababar Xirfadeed oo ku saabsan Concrete, kaas oo la qaban doono inta lagu jiro bisha Ramadaan.

TABABAR XIRFADDA CONCRETE (Ramadaan Special)

📅 Taariikhda Bilaabashada: Sabti, 28 February
🏢 Waxaa Qabanaya: Almis Training Center iyo Hadash Technical Institute
📍 Goobta: Jaamacadda Gollis University – Dahabshiil Campus

Tababarkani waxa uu si qoto dheer diiradda u saarayaa barashada xirfadda Concrete, laga bilaabo aasaaska iyo fahamka maaddada ilaa farsamooyinka casriga ah ee dhismaha.

Faa’iidooyinka Tababarka

✅ Barasho aragti iyo ku-dhaqan (Practical & Theory)

✅ Macallimiin khibrad iyo aqoon leh

✅ Shahaado la aqoonsan yahay

✅ Fursado shaqo iyo iskaa-u-shaqaysi

📲 Isdiiwaangelinta & Faahfaahin:
WhatsApp: 0634286436

Ha seegin fursaddan qiimaha leh ee Ramadaanka. La wadaag si ay uga faa’iidaystaan bulshada inteeda kale.

KA QAYBGELIDDA XAFLADDA UU LAHAA DUGSIYADA AL-BURHAAN  EE ABAAL-MARINTA ARDAYDII KAALMAHA GASHAY.SAWIRO.waxaanu ka qaybg...
19/01/2026

KA QAYBGELIDDA XAFLADDA UU LAHAA DUGSIYADA AL-BURHAAN EE ABAAL-MARINTA ARDAYDII KAALMAHA GASHAY.

SAWIRO.waxaanu ka qaybgalay madal xafladda ah oo abaal marinta Ardayda kaalmaha gashay kaasoo uu qabtay dugsiga Al-burhaan schools

Madasha ayaa ahayd madal lagu abaal-marinaayey ardaydii Kaalmaha gashay.

Farxad iyo wanaag bay noo ahayd inaanu ka qayb-galno madashaas abaal-marinta ah.

TAARIIKH : 19Th,JAN,2026

MAHADSANIDIIN

ALLAH AYAA MAHAD LEH

Barkulanka Xalaytoole Mawduucii :  Macaamilka Dawladaha kala dhaqanka iyo diimaha kala duwan.Waxa xalaytoole qabsoomay K...
31/12/2025

Barkulanka Xalaytoole Mawduucii : Macaamilka Dawladaha kala dhaqanka iyo diimaha kala duwan.

Waxa xalaytoole qabsoomay Kulankii aqoon weydaarsiga iyo doodaha ahaa , Kulankaas ayaa ku qabsoomay dhanka whatsAap-ka.

Waxaanay kulmisay aqoonyahano kala duwan oo si wacan oo wanaagsan uga dooday.

Tariikh : 31the,Dec,2025
Saacaduna waxay ahayd : 10:00_11:00 habeenimo


MAHADSANIDIIN

ALLAH AYAA MAHAD LEH

31/12/2025

Ma rabtaa cashar (lecture) ku saabsan sida Loo sameeyo Qorshaha sanadlaha ah?

Hadaba dhawaan filo Lecture ama Muxaadiro ka ka hadlayaa arin , waxaana si fudud La idin ku siin doonaa whatsAapka.

Address

Afgooye
Burco

Telephone

+252634286436

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Almis training center posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share