17/08/2026
Xaaladda caafimaad ee dalkeennu waa silloonyahay! Q.1aad.
Laga bilaabo 2022kii ilaa 2026kii sagaal jeer baan itoobiya hawlo caafimaad ugu safray anoo aabahay wada, laba jeer oo Harar ah, mar diridhaba ah iyo lix jeer oo Addis Ababa ah, marqaati baan Ka ahay xogtaa sawirkan hoose lagu ururiyay iyo in Ka badanba. Waa xog qofka diyaariyay xaqiiqada Ku saleeyay.
Aabahay 2012kii baa xaalad caafimaad oo dhanka wadnaha ah lasoo deristay, 12 sanno ka dib ayaa qoysku go'aansadeen in itoobiya loo diro. Waa halka aan Ka helay xaqiiqooyin badan oo Ku saabsan tayo xumada iyo sixir bararka dhakhaatiirteena taalla.
12ka sanno ee aabahay dawada lagu siinayay Somaliland dhexdeeda, waxay ahaayeen hoosaaso iyo lug gooyo aan daawo moodaynay. Saddexdii biloodba mar baa hargaysa la geeyaa, dhakhtarku daawo ayuu usoo qoraa, xanuunkuse waxa uu ahaa mid dawada la shaqaynaya oo maalinta saddexda bilood sidaa u dhamaadaan hadaan Isla markiiba la celin wuu xanuusan jirey aabo.
Maalintii dambe ayaa dhakhtarkii nagu yidhi, waxa aan u malaynayaa in halbawleyaasha wadnaha qaar yar yaraadeen, waxa uu ubaahanyahay kombiyuutar lagu ogaanayo. Kambiyuutarku waa imisa ayaan nidhi, waxa uu yidhi waa $1100. Hadda waa kambiyuutarka lagu ogaanayo oo keliya.
Haddii ay sax noqoto oo ay yar yaraadeen maxaa xal ah Dr? Waxa uu yidhi waynu balaadhinaynaa. Waa imisa balaadhintu? waxa uu yidhi waa $4000 oo dollar halkii xididba. Lacagta intaa le'eg hadda ma haynee maxaa xal ah? Dawadiisa Iska siiya inta aad u diyaar garoobaysaan.
Talo dheer Ka dib, qoysku waxa ay go'aansadeen in aan magaalada Harar tagno.
Doorkan dhakhtarka Harar waxa uu tobanaan jeer bal ee labaatan jeer laab Ka jabnaa dhakhtarkii aan hargaysa ugu tagi jirney. Ma rumaysanaysaa in kaambiyuutarka hargaysa nalaka qaadi jirey $80 maalintaa layga qaaday lacag u dhiganta $8. Shaybaadhada dhiiggaga $60 wixii dheeraa baanan hadda xasuusnayn halka ay Harar $20 Ka yaraayeen.
Waxba yaan hadal kugu daaline, bil Ka dib Harar baan Ku laabanay, dhakhtarkii mid aan ahayne ayaan u tagnay. Waxa uu na yidhi daawo la Iska qaataa waxba tari maysee kaambiyuutarka soo saara. Daawo sadex bilood ah ayuu nasoo siiyay.
Saddex bilood Ka dib diridhaba ayaan tagnay. Sidii labadii dhakhtar ee Harar ayuu sheegay, weliba waxa uu ii raaciyay kaambiyuutarku waa wax jabane soo saara intaad mar walba daawo kaalmaati ah Iska siin lahaydeen. Daawo sadex bilood ah ayuu noo soo qoray,waxa uuna nagula taliyay in kaambiyuutarkaa soo saarno si loo ogaado inta dhibtu le"egtahay.
Saddex bilood Ka dib waxa aan tagnay Addis. Waa halka aan Ka ogaaday in umaddan lacag iyo caafimaad midna u baaqan.