Abdishakour Suldaan Mohamed

Abdishakour Suldaan Mohamed

Share

Hi everybody I'm Abdishakour suldaan Mohammed i wanna share you valuable lessons on to this page like religion topics English lessons motivation and etc

24/04/2022

Haddii uu bestii ruux la yahay boog u qarinaayo
Wajigiisa waa laga bogtaa baylahduu yahaye
Siduu waa belaayee jacayl bixiso ii saaray
Ma bad qabo qalbigu way bukaa Bilan daraaddeede
Kala badan dareenkaan qabiyo kaan bandhigayaaye
Boqol jeer naf iga maarantaan wali u baaqaa.

Anigoo baraad qaba markay wacadka beenayso
Amma ay badheedh uga tagtay buriso geesteeda
Dhibta kuma baraarugo haddana biimahaan galaye
Naftan baraq nuglaatiyo wadnaha baajin kari waaye
Bidhaanteeda subaxaanan arag balag la ii daarye
Sida beer wax dhalay baa intaa lay bidhbidhiyaaye
Kala badan wanaaggaan bidiyo kuu i baday caashaq.

Intaan gabayo awgeed burqaday baraha suugaanta
Burjigiyo hankaygii intaan baadi ugu loogay
Jamashada intaan beerraqeen baadka uga soomay
Dhool-Bari ka soo hiray intaan dhaanka uga baaqday
Dhursiggii bishaarada lahaa filasho beenowye
Biyo k**a dhibcaankiyo runtaan laga dul boodaynin
Kala ba'an buseelkii horiyo kaan barriisadaye
Qalbiyahow Barmuudiyo ku lumay badaha caalwaagu
Rabbigay ha kaa soo baxshee bogo farriintayda.

Page ka like ta hala dhaafin😂

09/12/2021

Maxaa Sabab U Ah In Dadka Qaar Ay Ku Adkaato Raalligelinta??

Inkasta oo marar badan si cilmiya loo sheegay in raalligelinta ay u fiican tahay caafimaadka nafsadeed ee qofka iyo xidhiidhka bulshada, haddana dadka qaar waa ay ku adagtahay. In ay is illowsiiyaan ama ay si badheedh ah uga warwareegaan ayaa kala fudud in ay raalli gelin siiyaan cid ay ku gefeen.

Daraasado badan oo ay xeeldheereyaasha cilminafsigu arrintan ku sameeyeen ayaa lagu ogaaday sababo kala duwan oo qofka ku keena in uu diido raalligelinta. Waxaa ka mid ah qodobbo ay haweenayda qoraaga ah ee Beverly Engel ku tirisay buuggeeda “The Power of Apology: Healing Steps to Transform All Your Relationships” oo soo baxay sannadkii 2002. qodobbadaas uu qoraagu ku sheegay ‘Awoodda cudurdaarashadu ku leedahay daweynta dhammaan xidhiidhada’ ayaa ah:
Kibirka: Cudur-daarashadu sideedaba waa qofka oo qabkiisa qofkeed dhinac iska dhigaya muddo ku filan qirashada gef uu ku kacay. Sidaas awgeed in qofku uu qabkiisa iska dhaafaa, waxa ay dadka qaar ula muuqataa liidasho iyo in qofku uu ceeb qiranayo. Waana sababta keenta in dadka qaar gefafkooda u raadiyaan cudurdaarro iyo sababo kala duwan ama ay cid kale ku canaantaan, iyaga oo diidaya in ay cudurdaar cad si badheedh ah u gudbiyaan.
Calaamad liidasho: Dad badan, oo gaar ahaan ragga u badani raalligelinta waxa ay u fahmaan in ay tahay liidasho iyo hoosayn. Sidaas awgeed marka ay gef galaan waxaa lagu arkaa hadallo ay ku andacoonayaan in ay saxan yihiin. Dadkani waxa ay aaminsan yihiin in ka muranka sababta gefku ay calaamad u tahay in ay mar kasta awooddoodu sarrayso. Laakiin runtu waxa ay tahay in gefafka oo raalligelin laga bixiyo, lana qaato masuuliyadda waxa ka dhashay gefku ay tahay arrin muujinaysa awoodda iyo isku kalsoonaanta qofka.
Khajilaadda: Dadka qaar ayaa sababta ay u diidaan raalligelintu ay tahay khajilaad badan oo ay dareemaan xaaladdaas oo kale. Waa laga yaabaa in ay dareen ahaan ogyihiin muhiimadda ay leedahay raalligelintu balse dhibtoodu ay tahay in aanay khajilaad ku beeran awgeed ku dhac u lahayn.
Baqasho: Waxaa jira dad badan oo in ay gefafkooda raalligelin ka bixiyaan sababta ka hortaagani ay tahay cabsi ay ka qabaan in lagu diido raalligelinta ama in dadka ku xeerani u arkaan qof qaladaad badan oo ay sababtaas uga dheeraadaan. Waxa kale oo ay mararka qaarkood ka cabsadaan in dadka kale ogaadaan gefka ay galeen ee ay qirteen, sidaas awgeedna aanay sidii h**e u ixtiraamin. Iyada oo ay la tahay in raalligelin la’aantu ay keenayso in dadku ay si hubaal ah u garan waayaan in qofku gefka galay iyo in laga qaldan yahay, sidaas awgeed aanay jirin sabab kelideed loogu xambaariyo eedda.
Wacyi yaraan: Dad aad u badan ayaa sababta ka hortaagan raalligelintu ay tahay war la’aan iyo wacyi yaraan ka haysata raadadka ka dhalanaya gefka ay dadka kale ku sameeyeen.
Dhibaatada dadkan haysataa inta badan maskaxdoodu waxa ay xoogga saarta u fiirsiga iyo deymada qaladaadka dadka kale, laakiin awood uma laha in ay arkaan gefafka ay naftoodu dadka kale ka gelayso. Waa dad ay naftoodu ku weyn tahay oo aan danayn cid kale.

Waxaa ka maqan dareenka la dareen-noqoshada qofka: Si guud marka loo eego sababta raalligelinta qofka ku dhiirrinaysaa waa naftiisa oo awood u yeelatay in ay is dhigto halka uu markaas joogo qofka ay ku gefeen iyo dareenka uu qabo, sidaas awgeed maadaama oo aanay xaaladdaas naftooda la jeclayn cidda kalana lama jecela.
Dadka noocan ahi waxa ay u baahan yihiin in ay is weydiiyaan raadadka iyo xaaladaha nafsadeed ee uu arkayo qofka ay ku gefeen. Nasiibdaro dad badan ayaan karti iyo ku dhac u lahayn in ay dadka ku xeeran

Xigasho ustaad Kamaal Marjaan

29/05/2020

Sidee Qofku Horumar Ku Gaari Karaa?
Qof walibaa oo dunidan ku nool waxa uu jecel yahay in uu gaadho guul ama uu hadafkiisa ka dhiidhiyo, balse si aan hadafkeena u gaadhno waxa ay inooga baahan tahay in aan la imano wadadii aan u mari laheyn ka dhabeynta himiladaas.

Badanka dadka way ku adagtahay in ay waddadaas u sabraan, waayo marka aad doonaysid in aad horumar gaadho dhinaca ay doontaba ha khusaysee kolay dhibaato iyo carqalad way kaa hor imanaysa.


hadaba waxa jira dhawr arimood oo aan is idhi waa wadada horumarka lagu gaari karo, qofka sameeyaana uu ka midho dhalin karo horumarka uu hiigsanayo ayaan hoosta ku xusi doona:

1- Talo saarasho: Dad muslim ah ayaynu nahay,Qofku waa in uu laba ragcadood oo la idhaahdo salaatul istikhaarah Tukada, salaadaas waxa uu ilaahay Qofku kaga codsanaya in hadii hawshan uu doonayo khayr u leedahay ilaahay waafajiyo hadii aanay khayr u lahayna ilaahay ka joojiyo.

2- Dareen: Qofka oo leh karti uu ku arko meesha ay ku jirto fursad uu horumar ku gaadhayo, kadibna isku daya inuu raadiyo waxii u suurta galin lahaa si uu arintaa uga midho dhaliyo.

3- Dhiiranaan: In uu qofku ku dhiiranaado hawshaas uu qabanayo.

4- Horumar: Qofku in uu yahay mid jecel in uu mar walba horumar iyo wax cusub sameeyo.

5- Xiiso: Qofku in aanu xiiso 4 daqiiqo ah lahayn, waa in uu qofku danaynayo waxan oo uu karti badna leeyahay, waa in uu noqdo qof fiiro dheer leh.

6- Kalsoonida: In uu qofku naftiisa si fiican u yaqaan, iskuna kalsoon yahay.

7- Edeb: In uu yahay qofku qof edab badan oo degan, dareen wanaagsana u leh la dhaqanka dadka, si uu cidkasta oo hawl kaga xidhanto si fudud uga dhamaysan karo.

8- Jidka: In qofku uu kala dooran karo jidka uu u marayo horumarka uu hiigsanayo, isaga oo dooranaya wadada ugu fudud ee uu horumarka ku gaadhayo.

9- Soo jiidasho: In qofku uu soo jiidan karo indhaha dadka taas oo looga jeedo in uu noqdo qof firfircoon oo dadka la saaxibi kara(friendly Person)

10- Tartan: Qofka In uu tartami karo waayo Wadada horumarkiisa isag oo ku jira ayuu tartan kala kulmi kara dadkale marka waa in aad tartami kartid ood ka guulaysan kartid dadka kula tartamaya.

11- Meel wanaagsan: In uu qofku badanka joogo meel wanaagsan oo ay joogaan dad horumar gaadhay, dad uu kala tashado wixii carqalad ka hor timaada, dad badanka ka sheekeeya horumarka iyo sida loo gaadho.

12- Dareen: In uu qofku leeyahay dareen xoogan iyo jacayl uu u qabo hawsha uu doonayo inuu horumarka ka gaadho.

13- Haka hadhin: Waxa aad inbadan soo waday hadii aad ku guulaysan waydo ood ku guul daraysato haka hadhin oo ha niyad jabin, ma ogtahay ninkii laydhka sameeyay in uu laydhku shaqayn waayay 999 oo markii 1000 uu shaqeeyay intaas oo dhan carqadal iyo dhibaato ayaa ka hor imanaysay

14-Cadaadinta nafta: Naftaada ku cadaadi sidey h**e ugu socon laheyd mar kasta iyo si kastaba , haka shakiyin hana ka xishoon hadafkaaga ,naftaadana ha mahdinin , hubsana inaanad wali gaadhin meeshii u sareysay, mar kasta higso meesha aad joogto meel ka sareysa inaad gaadhid.

Hadaba imika waad ka jawaabi karta Su’aasha aan hadalkeena ku bilaabanay, Si wanaagsan ayaanad uga jawaabi karta

Tilmaamahani waa kuwo guul lagu gaadhayo, waxaana haboon in qofkastaaba uu miisaamo meesha uu ka joogo tilmaamahaas, oo uu ogaado meelaha uu ku liito oo kadibna iska dhiso.

Guud ahaan marka la eego umadeena Somaliland Degdeg ,Fudayd iyo markaba afka buuxsoo oo lacag hel ayaa inagu wada abuuran, dabeetana dagdagaasi in aan guuldaraysano ayuu sababa.

Qofkastaaba in himilo sare uu hiigsado ayaa wanaagsan.

ILAAHAY KHAYRKA HA INA WAAFAJIYO

07/04/2020

Tusmo

1 Dhaxalka Dumarka ee Islaamka:
1.1 Ugu Horeyn:
1.2 Ta labaad:
2 Xaaladaha kala duwan ee gabadhu ku dhaxasho islaamka agtiisa:
2.1 Gabadha oo helaysa ninka badhkiisa:
2.2 Gabadha iyo ninka dhaxalkoodu is leegayahay.
2.3 Gabadha oo ninka ka dhaxal badnaanaysa:
2.4 Gabadhii oo dhaxashay, halka ninkiina uu ka helayo waxba:
2.4.1 Fiiro Gaara:
2.4.2 Related
Dhaxalka Dumarka ee Islaamka:
Dad badan oo aan cilmi lahayn waxay u haystaan in islaamku dulmiyey haweenka oo dhaxalkooda uu ka dhigay ninka badhkii, hase ahaatee dadkaasi ma fahansana xikmada ku jirta arrintaas, sidoo kale ma oga in dumarku xaaladaha qaar ay ninka ka dhaxal bataan, ama ay isku in qaataan, ama gabadhu ay dhaxasho oo ninkuna aanu waxba helin.

Ugu Horeyn:
Ruuxa muslimka ah wuxuu rumaysanyahay in Ilaahay yahay caadil, sidoo kalena uu xukumo wuxuu doono oo aan cidina Ilaahay wax u yeedhin, subxaanahu. Sidaas darteed ruuxa muslimka ah waxa la haboon inuu Ilaahay u hogaansaado mar walba, ha ogaado xik**ada ku jirta ama yaanu ogaaninba.

Ta labaad:
Dhaxalku islaamka agtiisa, ninkuna qeyb ayuu dhaxalka ku yeeshaa sidoo kale gabadhuna qeyb ayey dhaxalka ku yeelataa, wuxuuna Ilaahay dhahay:

لِّلرِّجَالِ نَصِيبٌ مِّمَّا تَرَكَ الْوَالِدَانِ وَالْأَقْرَبُونَ وَلِلنِّسَاءِ نَصِيبٌ مِّمَّا تَرَكَ الْوَالِدَانِ وَالْأَقْرَبُونَ مِمَّا قَلَّ مِنْهُ أَوْ كَثُرَ ۚ نَصِيبًا مَّفْرُوضًا (7)

“Raggu qeyb ayey ku leeyihiin wixii waalidka ama qaraabadu ay ka tageen, dumarkuna qeyb ayey ku leeyihiin wixii waalidku ama qaraabadu ay ka tageen, ha yaraado ama ha waynaado, waa qeyb xadidan (oo Ilaahay faral yeelay)” [Suuratu Nisaa’:7]

Sababta aayadani usoo dagtayna waxa weeye, dadkii jaahiliga ahaa ayaa dumarka iyo caruurta ka qadin jiray dhaxalka, oo kaliya waxa wax dhaxli jira nimanka waaweyn, kadibna Ilaahay wuxuu soo dajiyey aayadan oo cadaynaysa in dumarka iyo caruurtu ay qeyb ku leeyihiin dhaxalka sida ragguba ay qeybta ugu leeyihiin.

Dabcan diinta islaamku waxay siisay haweenka xuquuqdooda dhaxal oo dhamaystiran, taasoo ku dhisan xikmadii Ilaahay iyo cadaaladiisa, halka diimaha kale aad arkayso in wiilka curad oo kaliya uu dhaxlayo aabihii, ama wiilasha oo kaliya ay dhaxlayaan aabahood, habluhuna aanay qeybnaba ku lahayn, ha yaraato ama ha badnaatee. Sidoo kale waxaad arkaysaa in ninka xaaskiisa ka dhintay aanay waxba dhaxlaynin ee ayada la dhaxlayo oo ninkeedii dhintay walaalkeed uu dhaxlayo.

Xeerarka maanta aduunyada ka jira, waxay kusoo biyo shubteen in dhaxalku uu noqdo mid ay xukunto dardaaran, sidaas darteed ayeynu u arkaynaa dad xoolahaood u dardaarmayaa eyda, bisadaha ayadoo ehelkooda iyo qaraabadooduba ay baahanyihin, ayna xaq u leeyihiin inay dhaxlaan.

Xaaladaha kala duwan ee gabadhu ku dhaxasho islaamka agtiisa:
Gabadha oo helaysa ninka badhkiisa:
Mararka qaarkood gabadhu waxa dhaxalkeedu noqdaa ninka badhkiisa, sida gabadha iyo walaalkeed. Tusaale: Nin ayaa geeriyooday, wuxuuna ka tagay wiil iyo gabadh, waxaanu hanti ka dhintay sadex kun oo doolaar. Markaa xoolihii waxa loo qeybinaya sadex qaybood, laba kun waxa qadanaya wiilka, halka gabadhuna ay ka qaadanayso kun doolar. Waxaana u daliila aayadan:

يُوصِيكُمُ اللَّهُ فِي أَوْلَادِكُمْ لِلذَّكَرِ مِثْلُ حَظِّ الْأُنْثَيَيْنِ {النساء:11}

Waxa Ilaahay idiin dardaarmayaa ubadkiina in ka lab uu leeyahay qeybta laba dhadig. [Suuratu Nisaa:11]

Xikmada ku jirta in gabadhu ay xaaladan hesho ninka badhkiisa waxa weeye, maadaama wiilku uu ka yahay masuul walaashiis, isaga ayey ku waajibaysaa quudinteedu. Sidoo kale ninka waxa Ilaahay ku waajibiyey inuu bixiyo biilka reerkiisa, guriga reerkiisa, biilka hooyadii iyo aabihii.

Halka gabadha aan biilku waajib ku ahayn, ee ayada la siinayo biilka, hadii aabaheed noolyahay waxa kharashkeeda bixinaya aahabeed, hadii la qabana ninkeeda, hadii aanay ubad lahayna walaalkeed. Marwalba gabadha muslimada ah cidbaa ka masuula bixinta quudkeeda iyo kharashkeeda, sidaas darteed maadaama wiilku uu xanbaarsanyahay masuuliyadaas wayn, waxa Ilaahay siiyey laban laabka gabadha.

Gabadha iyo ninka dhaxalkoodu is leegayahay.
Mararka qaarkood gabadha iyo ninkuba waxay dhaxlaan ayagoo dhaxalkoodu is leegyahay, sida aabaha iyo hooyada marka wiilkoodii dhintay uu ubad ka tagay: Tusaale, nin ayaa dhintay wuxuuna ka tagay wiil, aabihii iyo hooyadii, iyo xaaskiisii wuxuuna ka dhintay hanti dhan 2400 oo dollar.

Markan, hooyada iyo aabaha waxay qaadanaya (sudus) lix dalool hal dalool mid walba, wayna ka simanyihiin inta hooyo iyo aabe qaadanayaan, ayadoo hooyadu ay dhadig tahay, ayey hadana la mid noqotay aabihii oo nin ah. Dabcan xaaskuna waxay qaadanayaa (thumun) sideed dalool hal dalool, wiilkuna wixii soo hadhaybuu qaadanayaa.

Xoolaha waxa loo qeybinayaa 24 qeybood, aabuhu wuxuu leeyahay sudus, oo u dhigmaysa 4, hooyaduna waxay leedahay sudus oo u dhigmaysa 4 dalool, xaaskuna waxay leedahay thumun oo u dhigmaysa 3, halka wiilkuna uu qaadanayo baaqiga inta soo hadhay oo ah 13. Markaa aabuhuu wuxuu qaatay 4000 oo dollar, hooyaduna 4000 oo dollar, xaaskuna 3000 oo dollar, wiilkuna baaqiga soo hadhay oo ah 13000 oo dollar.

Waxaana u daliila aayadahan iyo xadiiskan:

وَلِأَبَوَيْهِ لِكُلِّ وَاحِدٍ مِنْهُمَا السُّدُسُ مِمَّا تَرَكَ إِنْ كَانَ لَهُ وَلَدٌ {النساء: 11}.

“Waalidkana (aabe iyo hooyo) mid kastoo kamida wuxuu mudan sudus (lix meelood, hal meel) hadii uu ka dhintay caruur” [Nisa:11]

Xaaskuna waa thumun (sideed meelood hal meel), waxaana u daliila:

فَإِنْ كَانَ لَكُمْ وَلَدٌ فَلَهُنَّ الثُّمُنُ مِمَّا تَرَكْتُمْ

“Hadii lahaydeen caruur, waxay mudanayaan (xaaska) thumun (sideed meelood hal meel) wixii aad ka tagateen” [Nisa:12]

Wiilkuna wixii soo hadhaybuu qaadanayaa:

عن ابن عباس قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ألحقوا الفرائض بأهلها فما بقي فهو لأولى رجل ذكر

Ibnu Cabbaas waxa laga wariyey inuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu dhahay: Dhaxalka siiye ehelkiisa, wixii soo hadhayna waxa iska leh ninka ugu dhow” [Saxiix Muslim: 1615]

Gabadha oo ninka ka dhaxal badnaanaysa:
Mararka qaarkoodna gabadhu waxay ka dhaxal badnaanaysaa ninka, sida aabe iyo gabadh uu dhalay oo dhaxlaya xaaskii. Tusaale: Gabadh ayaa dhimatay, waxayna ka tagtay hal gabadh kaliya iyo ninkeedii, waxayna ka tagtay 4000 oo dollar, markaa ninku wuxuu helayaa rubuc oo ah afar meelood hal meel, gabadhuna waxay helaysaa kala badh xoolaha hooyadeed ka dhimatay, baaqiga soo hadhana casabah ayaa leh, hadba cidii ugu dhow, hadii ay jiraan walaalo iwm.

Sidaas darteed dhaxalka waxa loo qeybinayaa 4 qeybood, aabuhu wuxuu qaadanaya (rubuc) afar meelood hal meel oo u dhigmaysa 1000 dollar, gabadhuna waxay qaadanaysaa kala badh dhaxalka oo u dhigmaysa 2000 oo dollar, kunka soo hadhayna waxa qaadanay cidii gabadhii dhimatay ugu dhow hadii ay jiraan sida walaal iwm, hadii la waayana isla gabadhiibaa qaadanaysa.

Halkan, waxayna aragnaa gabadhii oo aabaheed oo nin ah ka dhaxal badnaatay, aabihii 1000 dollar halka inantiina ay heshay aabaheed laban laabkeeda oo ah 2000 oo dollar.

Waxaana u daliila in gabadhii kalida ahayd helayso kala badh, aayadan:

وَإِن كَانَتْ وَاحِدَةً فَلَهَا النِّصْفُ {النساء:11}.

“Hadii ay tahay gabadh kaliya waxay helaysaa kala badh” [Nisaa:11]

Aabuhuna waa rubuc, oo ah afar meelood hal meel:

فَإِن كَانَ لَهُنَّ وَلَدٌ فَلَكُمُ الرُّبُعُ مِمَّا تَرَكْنَ

“Hadii xaaskii (ka tagtay) caruur, waxaad leedihiin (ninkii qabay xaaska) rubuc (afar meelood hal meel) wixii ay ka geeriyootay” [Nisaa:12]

Gabadhii oo dhaxashay, halka ninkiina uu ka helayo waxba:
Mararka qaarkood gabadha ayaa dhaxlaysa, halka ninkuna aanu waxba helaynin. Sida ninbaa dhintay, wuxuuna ka tagay gabadh kaliya, walaashiis iyo afar ay ilmo adeer yihiin oo nimana, markaa gabadhii uu dhalay waxay helaysaa kala badh, gabadhii walaashiis ahaydna badhkii kale, halka ilmo adeeradii oo niman ahaa ayaguna aanay waxba helaynin.

Gabadhu kala badhbay helaysaa:

وَإِن كَانَتْ وَاحِدَةً فَلَهَا النِّصْفُ {النساء:11}.

“Hadii ay tahay gabadh kaliya waxay helaysaa kala badh” [Nisaa:11]

Gabadhii walaashiis ahaydna waxay helaysaa kala badhka kale:

قَضَى فِينَا مُعَاذُ بْنُ جَبَلٍ عَلَى عَهْدِ رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ النِّصْفُ لِلْابْنَةِ وَالنِّصْفُ لِلْأُخْتِ

“Waxa Mucaad ibnu Jabal nagu kala xukumay xilligii Rasuulkii Ilaahay (scw) kala badh ay qaatay inantu, badhka kalena walaasha” [Bukhaari: 630]

Ilmo adeeradii oo wiilal ahaa waxba may helin, waxa dhaxalkii qaatay laba dumara, sababtoo ah waxa xijaabtay ninka walaashiis.

Fiiro Gaara:
Ogsoonow, xoolaha la dhaxlo laguma go’aamiyo kaliya fatwada shuyuukhda ee waxa go’aamiyaa waa maxk**ad, sababtoo ah waxa dhici karta in cidii dhimatay dayn lagu lahaa, ama qeyb dhaxalka kamida uu dardaarmay, ama qof dhaxalka xaq u leh laga dul boodo, sidaas awgeed markaad ogaatid xukunka sharciga islaamka, waa inaad maxk**ad tagtaan si loo hubsado wixii maqan.

Want your school to be the top-listed School/college in Burco?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Farah Omar
Burco

Opening Hours

Friday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00