17/08/2026
Shirkii Agaasime Waaxeedyada Xarunta Gobollada Bari
Shir ay isugu yimaadeen Agaasime Waaxeedyada Xarunta Gobollada Bari ee Mac’hadka Shaqaalaha Dawladda ayaa ka qabsoomay xafiiska Agaasimaha Xarunta.
Shirka ayaa lagaga wada hadlay hawlaha shaqo ee ka socda Xarunta, gaar ahaan hawlaha mudnaanta leh ee u baahan in la dardargeliyo. Waxa si gaar ah diiradda loo saaray qabanqaabada iyo diyaar garowga xafladda qalin jabinta ee Mac’hadku sannadkan ku qaban doono magaalada Burco, taas oo noqonaysa markii ugu horreysay ee xaflad qalinjabin ah oo heerkan ah lagu qabto magaalada.
Sidoo kale, shirka waxa lagaga wada hadlay diyaarinta iyo dhammaystirka warbixinaha kala duwan ee Mac’hadka ee hadda taagan. Agaasime Ku xigeenka xarunta ayaa Agaasime Waaxeedyada ku boorriyey inay si hufan oo waafaqsan waqtiga loogu talagalay u dhammaystiraan warbixinaha iyo hawlaha loo xil saaray.
Dhankiisa, Agaasimaha Xarunta ayaa ku dhiirrigeliyey Agaasime Waaxeedyada in la dardargeliyo hawlaha shaqo ee socda, lana xoojiyo wada shaqaynta iyo isku duubnida, si loo sii horumariyo korna loogu qaado shaqada wanaagsan ee ka socota Xarunta Gobollada Bari ee Mac’hadka Shaqaalaha Dawladda.
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~
Meeting of Department Directors at the Eastern Regions Center
A meeting of the Department Directors of the Eastern Regions Center of the Civil Service Institute (CSI) was held at the office of the Center Director.
The meeting focused on the ongoing activities and priorities of the Center, particularly those requiring accelerated action. Special attention was given to the preparations and arrangements for the Institute’s graduation ceremony, which will be held in Burao this year. This will mark the first time that a graduation ceremony of this scale is held in the city.
The meeting also discussed the preparation and completion of the Institute’s outstanding reports. The Deputy Director of the Center encouraged all Department Directors to complete their respective reports and assigned tasks efficiently and within the required timelines.
The Center Director, for his part, encouraged the Department Directors to accelerate the ongoing work and strengthen teamwork, coordination, and collaboration. He emphasized the importance of working collectively to further improve and enhance the good work being carried out at the Eastern Regions Center of the Civil Service Institute.