Civil Service Institute-Burao Center

Civil Service Institute-Burao Center

Share

Xarunta Gobollada Bari ee Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda Jamhuuriyadda Soomaalilaand

Photos from Civil Service Institute CSI's post 15/07/2026
Photos from Civil Service Institute-Burao Center's post 13/07/2026

Waxa maanta Xarunta Burco ee Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda lagu qabtay kulankii ugu dambeeyay ee hagidda iyo dardaaranka ardayda ka qalinjabinaysa sannadkan Heerka Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree Program).

Agaasimaha Xarunta, oo ay weheliyaan hawlwadeennada Mac'hadka, ayaa ardayda si faahfaahsan ugu sharraxay tallaabooyinka ugu dambeeya iyo diyaar garowga munaasabadda qalinjabinta. Sidoo kale, waxa uu ardayda kula dardaarmay inay aqoontii ay barteen u adeegsadaan horumarinta bulshada iyo dalka, isaga oo Alle (SWT) uga baryay inuu cilmigooda ka dhigo mid anfaca iyaga iyo bulshada, kana yeelo kuwo aqoontooda ugu adeega dalkooda iyo dadkooda.

Dhankooda, ardayda ayaa si weyn ugu mahadceliyay maamulka iyo hawlwadeennada Xarunta Burco dedaalkii, hagiddii, iyo wada shaqayntii hufnayd ee ay muddada waxbarashadooda la soo qaateen.

~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~

Today, the Civil Service Institute (CSI) Burao Center held the final guidance and orientation session for this year's graduating Master's Degree students.

The Center Director, accompanied by the Institute's staff, provided the students with detailed guidance on the final steps and preparations for the upcoming graduation ceremony. He also encouraged them to use the knowledge and skills they have acquired to serve their communities and contribute to the development of their country. Furthermore, he prayed that Allah (SWT) would bless their education and make it beneficial to them, their communities, and the nation as a whole.

On their part, the students expressed their sincere appreciation to the management and staff of the CSI Burao Center for their dedication, guidance, and excellent collaboration throughout their academic journey. They also acknowledged the continuous support and commitment they received from the Institute during their studies.

Photos from Civil Service Institute-Burao Center's post 12/07/2026

Waxa xalay fiidkii ka qabsoomay Xarunta Burco ee Machadka Shaqaalaha Dawladda shirkii toddobaadlaha ahaa ee maamulka xarunta.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista hawlihii socday, qiimaynta heerka ay marayaan, iyo qorshaynta hawlaha la fulin doono toddobaadkan. Agaasimeyaasha waaxyaha kala duwan ayaa si faahfaahsan uga warbixiyey shaqooyinka ay gacanta ku hayaan, horumarka laga sameeyey, iyo qorshayaasha u yaalla toddobaadka soo socda.

Qodobadii ugu muhiimsanaa ee shirka lagaga hadlay waxa ugu weynaa qabanqaabada xafladda qalin-jabinta ee foodda innagu haysa. Tani waxay noqon doontaa dhacdo taariikhi ah oo muhiim u ah Xarunta Burco, maadaama ay tahay markii ugu horreysay ee ardayda wax ka barata xaruntu ay qalin-jabin ku yeeshaan magaalada Burco.

Kadib dood iyo falanqayn qoto dheer oo laga yeeshay diyaar-garowga xafladda, Agaasimaha Xarunta mudane Eng Eng-Sakariye Cabdixakiin Sumuni ayaa magacaabay guddida qabanqaabada qalin jabinta, guddoomiyena uga dhigay Agaasime xigeenka Xarunta. Guddidan ayaa loo xilsaaray isku dubbaridka dhammaan hawlaha la xidhiidha xafladda, hubinta tayada diyaar-garowga, iyo in munaasibaddu u qabsoonto si hufan, habaysan, isla markaana waafaqsan heerarka iyo sumcadda Machadka Shaqaalaha Dawladda.

~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~

The weekly management meeting of the Civil Service Institute (CSI) โ€“ Burao Centre was held last night at the Centre.

The meeting focused on reviewing ongoing activities, assessing their progress, and planning the tasks to be implemented during the coming week. Directors of the various departments presented detailed updates on the activities under their responsibility, the progress achieved, and their plans for the week ahead.

One of the key agenda items discussed during the meeting was the preparation for the upcoming graduation ceremony. This will mark a significant milestone for the Burao Centre, as it will be the first time that students of the Centre graduate in Burao.

Following extensive discussions and careful deliberation on the preparations for the ceremony, the Centre Director, Eng. Sakariye Sumuni, appointed the Graduation Organizing Committee and designated the Deputy Director of the Centre as its Chairperson. The committee has been entrusted with coordinating all activities related to the graduation ceremony, ensuring the quality of the preparations, and delivering a well-organized and successful event that reflects the standards and reputation of the Civil Service Institute.

08/07/2026
24/06/2026

Hadal jeedintii Agaasimaha Fulinta ee Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda Mohamoud Saed Adaad ee ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ˆ๐ฌ๐ฎ-๐ƒ๐ฎ๐ฐ๐ข๐๐๐š ๐ฐ๐š๐š๐ฑ๐š๐ก๐š ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š

16/06/2026

๐‡๐š๐ฆ๐›๐š๐ฅ๐ฒ๐š๐๐๐š ๐Œ๐ฎ๐ง๐š๐š๐ฌ๐ข๐›๐š๐๐๐š ๐‚๐ฎ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐’๐š๐ง๐ง๐š๐๐ค๐š ๐‚๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐› ๐ž๐ž ๐‡๐ข๐ฃ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐š 1448 ๐ž๐ž ๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐…๐ฎ๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐Œ๐š๐œ-๐ก๐š๐๐ค๐š ๐’๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š.

๐‘ฏ๐’‚๐’“๐’ˆ๐’†๐’š๐’”๐’‚: 16- ๐ŸŽ6- ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”, (๐‘ช๐‘บ๐‘ฐ)- Agaasimaha Fulinta ee Mac-hadka Shaqaalaha Dawladda, ๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—บ๐˜‚๐˜‚๐—ฑ ๐—ฆ๐—ถ๐—ฐ๐—ถ๐—ถ๐—ฑ ๐—–๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ waxa uu farxadda munaasibadda Curashada Sannadka Cusub awgeed uu Hambalyo u dirayaa guud ahaan; ๐‘ด๐’‚๐’‚๐’Ž๐’–๐’๐’Œ๐’‚ & ๐‘ฏ๐’‚๐’˜๐’-๐’˜๐’‚๐’…๐’†๐’†๐’๐’๐’‚๐’…๐’‚ ๐‘ด๐’‚๐’„-๐’‰๐’‚๐’…๐’Œ๐’‚ ๐‘บ๐’‰๐’‚๐’’๐’‚๐’‚๐’๐’‚๐’‰๐’‚ ๐’’๐’†๐’š๐’ƒ๐’Š๐’Š๐’”๐’‚ ๐’Œ๐’‚๐’๐’‚ ๐’…๐’–๐’˜๐’‚๐’, ๐’’๐’๐’š๐’”๐’‚๐’”๐’Œ๐’๐’๐’…๐’‚ ๐’Š๐’š๐’ ๐‘ช๐’‚๐’“๐’–๐’–๐’“๐’•๐’๐’๐’…๐’‚, ๐‘จ๐’“๐’…๐’†๐’š๐’…๐’‚, ๐‘ด๐’‚๐’„๐’‚๐’๐’Š๐’Ž๐’Š๐’Š๐’๐’•๐’‚, ๐‘บ๐’‰๐’‚๐’„๐’‚๐’ƒ-๐’˜๐’†๐’š๐’๐’‚๐’‰๐’‚ ๐‘น๐’†๐’†๐’“ ๐‘บ๐’๐’Ž๐’‚๐’๐’๐’Š๐’๐’‚๐’๐’… ๐’Š๐’š๐’ ๐’ˆ๐’–๐’–๐’… ๐’‚๐’‰๐’‚๐’‚๐’๐’ƒ๐’‚ ๐‘ผ๐’Ž๐’‚๐’…๐’…๐’‚ ๐‘ด๐’–๐’”๐’๐’Š๐’Ž๐’Š๐’Š๐’๐’•๐’‚ ๐’‚๐’‰, waxaana uu ILAAHAY uga baryayaa inu gaadhsiyo Sannadka Sannadkisa.

-๐——๐—›๐—”๐— ๐—”๐—”๐——-
๐—ซ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐—ฟ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ต๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐— ๐—ฎ๐—ฐ-๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ต๐—ฎ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐˜„๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ (๐—–๐—ฆ๐—œ).

Photos from Civil Service Institute-Burao Center's post 14/06/2026

Maamulka sare ee Xarunta Burco ee Machadka Shaqaalaha Dawladda, oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Xarunta Eng-Sakariye Cabdixakiin Sumuni, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey Agaasime Ku xigeenka Guud ee Machadka Shaqaalaha Dawladda ee Maamulka iyo Maaliyadda, Mudane Maxamuud Daahir Cumar, iyo Agaasime Ku xigeenka Waaxda Iibka, Mudane Cabdiraxmaan Axmed Muuse.

Wafdigan oo ku jiray socdaal shaqo ayaa kormeer ku yimid Xarunta Burco si ay ugu kuurgalaan habsami u socodka shaqada iyo dedaallada horumarineed ee ka socda xarunta.

Agaasime Eng. Sakariye Sumuni ayaa si diirran u soo dhaweeyey madaxda Mac'hadka, isaga halka wax marayaan iyo dedaalladooda in xaruntu sii balaashato, adeegyadeedana fidiso. Intii kulanku socday, masuuliyiinta xaruntu waxay warbixin ka bixiyeen hawlaha xarunta, adeegyada ay bixiso, iyo heerka ay marayaan qorshayaasha iyo dedaallada horumarineed.

Mudane Cabdiraxmaan Axmed Muuse ayaa ka faallooday ujeeddada safarkooda; dhanka kalena Agaasime Ku-xigeenka Guud Mudane Maxamuud Daahir Cumar ayaa isna sidoo kale ka warbixiyey ujeeddada socdaalkooda shaqo ee ay ku yimaaddeen xarunta, muddada ay joogi doonaan, isaga oo dhanka kalena qiray dedaalka dheeraadka ah ee ka socda xarunta iyo sida ay muddo kooban u gaadhay horumarka balaadhan.

Ugu danbayn, waxa uu agaasime Eng Sakariye ku soo mariyay wafdiga dhammaan xafiisyada xarunta iyo galaasyada ay ka socotay waxbarashadu.

~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~

The senior management of the Burao Center of the Civil Service Institute, led by the Eastern Regions Center Director, Eng. Sakariye Abdihakim Sumuni, received in his office a delegation headed by the Deputy Director General of the Civil Service Institute for Administration and Finance, Mr. Mahmoud Dahir Omar, and the Deputy Director of the Procurement Department, Mr. Abdirahman Ahmed Muse.

The delegation, which was on a working visit, came to the Burao Center to observe the smooth implementation of activities and the ongoing development efforts taking place at the center.

Director Eng. Sakariye Sumuni warmly welcomed the Instituteโ€™s officials and briefed them on the current status of the center and the efforts being made to further expand the center and extend its services. During the meeting, the centerโ€™s officials provided updates on the centerโ€™s activities, the services it delivers, and the progress of its plans and development initiatives.

Mr. Abdirahman Ahmed Muse commented on the purpose of their visit. Likewise, the Deputy Director General, Mr. Mahmoud Dahir Omar, also explained the objective of their working visit to the center and the duration of their stay. He further acknowledged the extraordinary efforts taking place at the center and how, within a short period, it has achieved significant progress and development.

Finally, Director Eng. Sakariye Abdihakim Sumuni guided the delegation through all the centerโ€™s offices and the classrooms where teaching and learning activities were taking place.

Want your school to be the top-listed School/college in Burco?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Burao-berbera Highway
Burco

Opening Hours

Monday 08:00 - 20:00
Tuesday 08:00 - 20:00
Wednesday 08:00 - 20:00
Saturday 08:00 - 20:00
Sunday 08:00 - 20:00