22/08/2024
تعلن أكاديمية ددال قسم القران وعلومه عن بدء التسجيل لبرنامج تصحيح التلاوة عن (بعد)
Waxaa ay ogaysiinaysaa Akaadimiyadda dadaal qaybta barashada quraanka iyo culuumtiisa inay bilawday fasallo lagu saxayo quraanka kariimka, oo lagu qaadanayo online.
Waxyaabaha lagu qaadnayo fasalka:
1- sixidda 3 jus oo quraan ah.
2- sadex kitaab oo kutubta tajwiidka ah.
3- sharrax madax bannan oo makharijta iyo sifaadka ah.
4- arday walba waqti gaara ayuu leeyahay.
Muddada: 3 bilood.
Fiiga $10 bil kasta.
Tirada la rabo: 15 qof.
Shuruudaha:
1- waa unuu soo dhigtay quraanka ugu yaraan 10 jus.
2- waa inuu h**e usoo arkay katub tajwiid ah.
3- waa inuu joogteeyo xiisadda.
Bilawga xiisadda:- 31_8_2024(sabti)
Baraarujin:-Ujeeddada fasalkan waa sixidda carrabka ardayga ee maaha xiftinta quraanka.
Iska diiwan gali:
0634849599
0659421509
11/08/2024
Dadaal slamic online Academy
26/01/2024
Alxamdulilaah..
Waxaa saaka oo taarikhdu ahayd
1445-07-14(26-1-2024) soo dhammaday dawradii tajwiidka ahayd ee ay inoo qabanaysay AKAADAMIYADDA DADAAL taaso 22 maalmod soconaysay oo ahayd 8 fadhi, dawradaas oo lagu qaatay labada kitaab ee: (تيسير أحكام التجويد) oo ah kitaab nasri ah, iyo (متن تحفة الأطفال) oo ah kitaab nadmi ah.
Ardayda imtixaankisa gasha ee hesha: 85% iyo wixi ka sarreyya waxay akaadimiddu siin doontaa insha Allah shahaado.
Hanbalyo Hanbalyo ayaan leenahay ardayda dhammaysatay dawrada ee u samirtay, waxaannuna kula dardaarmayyaa inaanay kasii hadhin cilmigaas ee ay sii korodhsadaan.
02/01/2024
Akaadamiyadda Dadaal oo qabaysa bishan koowaad dawro cusub oo kusaabsan tajwiidka, oo lagu qaadanayyo laba kitaab.
Dawradan oo soconaysa bil.
Maalmaha :khamiista iyo jimcaha.
Saacadda: 8:30 am, oo kabilaabmaysa khamiistan.
Waxaana la imanayya akaadimidda dadaal IA.
Dawradu way leedahay online cidda aan joogin burco.
Halkan iska diiwaan gali
https://t.me/tajwiid0
21/12/2023
Alxamdulilaah.
Waxaa soo gabagaboobay barnaamijkii "baro bagacyada ilaahay " dufacaddii 4aad.
Barnaamijkaas oo ay bixinaysay:
Dadaal Islamic Online Academy
Barnaamijkas oo lagu qaatay afar fadhi oo lagu bartay:
1- fadliga Magacyada Alle.
2- qawaacidda loo maro koobidda magacyada Alle.
3- micnaha Magacyada Alle.
Iyadoo Isla markaana laga dhagaystay ardaydii xiftiday Magacyada Alle, shahaado dhiirri galin ahna lagu siin doono IA.
30/09/2023
Bushaaro Bushaaro
*Akadamiyada Dadaal ee Barashada Daraasadka Islaamiga ah iyo Xifdinta Quraanka* waxay Qaadanaysa Fasalo Cusub oo kala ah
1. Fasalo Quraana oo isugu Jira (Taxfiid Sanad iyo 2 Bilood ah iyo Tasxiix oo Carabka Ardayga laga Saxayo Mudo kooban).
2. Fasalo Barashada Carabiga ah oo 5 Bilood lagu Barayo Ardayga Akhriska iyo Qoraalka Carabiga.
3. Fasalo Barashada Shareecada ah oo Khamiista iyo Jimcaha oo laba Fasal ah.
Tilmaan:-
Dukaanka ina Maxamed Daahir (Daljre) ayuu dhanka Bari ka Xigtaa, Kasoo Horjeedka Taawarka Somteesha ee Xaafada Hodan.
✅ Is Qoristu Way socotaa H**e ugaadh, Arday Koobana waa lagu bilaabayaa.
Wixii Faahaahina kala Xidhiidh Numberadan :- 063 4324478/ 063 4849599/065 9421509