WAQAL Schools -Burco

WAQAL Schools -Burco

Share

WAQAL KG, Primary & Intermediate School — Private school based in London area, Burao, Somaliland.

Offers safe, caring, and high-standard education from kindergarten to intermediate level.

10/05/2026

Dugsiga WAQAL waxa uu berri oo Isniin ah qabanqaabinayaa munaasibad lagu xusayo 18-ka May — maalin qiimo weyn ugu fadhida shacabka Somaliland.
Ardaydu waxay kusoo bandhigi doonaan:

Mawduucyo ka hadlaya Ahmiyadda Waddaniyadda
Sooyaalka iyo Taariikhda Somaliland
Maansooyin iyo suugaan waddani ah

Barnaamijkani waxa uu qayb ka yahay kobcinta dareenka waddaniyadeed, barashada taariikhda dalka, iyo dhiirrigelinta jiilka soo koraya.

Photos from WAQAL Schools -Burco's post 06/05/2026

Dugsiga WAQAL waxa si habsami leh ugu qabsoomay Kalkii 14aad ee Barnaamijka “Arday iyo Akhris”, oo ay soo qabanqaabisay Maktabadda Dadweynaha ee Maan-Maal.

Barnaamijku waxa uu xoojiyay akhriska iyo kor u qaadista fahamka ardayda iyaga oo uga faa'ideystay si habboon.

🎤 Waxaa soo jeedisay: Hoodo Khadar Cismaan

05/05/2026

Dugsiga WAQAL waxa uu martigelinayaa Kalkii 14aad ee Barnaamijka “Arday iyo Akhris”, oo ay soo qabanqaabisay Maktabadda Dadweynaha ee Maan-Maal, kana dhici doona Dugsiga WAQAL.

Barnaamijkan waxa diiradda lagu saarayaa akhrinta duruusta iyo casharrada xiisadaha, si loo xoojiyo fahamka ardayda, loona kobciyo xirfadaha akhris iyo hal-abuur. Waa fursad muhiim ah oo ardaydu ku horumarinayaan aqoontooda, kalsoonidooda, iyo ka qaybgalka firfircoon ee waxbarashada.

🎤 Soo jeediso: Hoodo Khadar Cismaan
📅 Arbaca — 06 May 2026
📍 Barxadda Dugsiga WAQAL

04/05/2026

Umulkhayr Cabdicasiis Maxamed, waa ardayad dhigata fasalka 4aad ee Dugsiga Hoose Dhexe ee WAQAL. Waxay ku luuqaynaysaa maanso qiimo badan oo ka hadlaysa hambalyada iyo soo dhawaynta maalinta qaran ee Somaliland. Maansadan waxaa iska leh Abwaan Cismaan Xaaji Siciid .

Photos from WAQAL Schools -Burco's post 03/05/2026

Nuqullo ka mid ah Buugga Hadimooyinka Qabyaaladda ayaa soo gaadhay Dugsiga WAQAL. Buuggan waxa la soo bandhigi doonaa 07- May 2026.

03/05/2026

Ciyaarta iyo nashaadaadku waxay muhiim u yihiin koboca ardayda, waxay dhisaan caafimaadkooda jidheed, maskaxeed, iyo xirfadaha bulsho. Sidoo kale, waxay abuuraan jawi waxbarasho oo xiiso leh oo ardayda ku dhiirrigeliya horumar joogto ah.

02/05/2026

Ayaan Faarax Jaamac, waa ardayad dhigata fasalka 5aad ee Dugsiga WAQAL, oo soo bandhigtay maanso ka hadlaysa halgankii loo soo maray jiritaanka Somaliland.

Bilowga bandhiggeeda, Ayaan waxay salaam u dirtay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro”, iyadoo muujisay rajadeeda ku aaddan mustaqbalka dalka.

Maansadu waxay si kooban u xambaarsanayd xusuus iyo tilmaam ku saabsan halgankii, samirkii iyo dadaalkii loo soo maray jiritaanka Somaliland, iyadoo si fudud u gudbisay fariintaas.

01/05/2026

Dugsiga WAQAL wuxuu si weyn u xusayaa Maalinta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, oo ah maalin ka tarjumaysa halgan, midnimo iyo himilo qaran.

Halku-dhigga sannadkan “Aqoonsi iyo Adkaysi” wuxuu iftiiminayaa dariiqa horumarka—aqoonsi la hiigsanayo iyo adkaysi lagu gaadho. Waa fariin ku socota jiilka maanta in ay noqdaan kuwo leh sabir, dadaal iyo waddaniyad dhab ah.

Dugsiga WAQAL wuxuu aaminsan yahay in aqoon iyo adkaysi la isku daro ay dhalin karaan mustaqbal ifaya iyo qaran xooggan.

01/05/2026

WAR-GELIN FASAX.

Photos from WAQAL Schools -Burco's post 01/05/2026

Dugsiga WAQAL waxa uu qabtay tababar waalidiin oo cinwaankiisu ahaa “Barbaarinta Toolmoon.”

Tababarka waxaa bixisay Khabiir Koos Muuse Caabbi, iyadoo lagu falanqeeyay fahamka baahiyaha carruurta, xidhiidhka waalid iyo ubad, iyo hagidda ubadka.

Waalidku waa seeska bulshada, ubadkuna waa mustaqbalka.

29/04/2026

Dugsiga WAQAL waxa uu soo agaasimay tababar qiimo weyn leh oo loogu talagalay waalidiinta, kaas oo cinwaankiisu yahay “Barbaarinta Toolmoon.”

Tababarkan wuxuu diiradda saarayaaa kobcinta fahamka waalidka ee doorkooda lama huraanka ah ee tarbiyadda ubadka, isaga oo bixinaya aragtiyo iyo xeelado wax ku ool ah oo lagu dhiso jiil leh akhlaaq, aqoon, iyo masuuliyad.

Waxaa tababarka bixin doonta Khabiir Koos Muuse Cawil, oo ka hadli doonta arrimo ay ka mid yihiin fahamka baahiyaha carruurta, dhisidda xidhiidh wanaagsan oo waalid iyo ubad ah, iyo sida loo hago carruurta si ay u noqdaan bulsho waxtar leh.

Waalidku waa seeska bulshada, ubadkuna waa mustaqbalka—haddii la saxo barbaarinta maanta, berrito waa la hagaajinayaa.

📅 30 April 2026
⏰ 8:00 Subaxnimo
📍 Barxadda Dugsiga WAQAL

Want your school to be the top-listed School/college in Burao?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Burao