Intaan aadmiga ku dhaafsho
Dhiraha kala quruxsan iyo
Dhulkaan kuugu faani laaye
Jacayl dhab ah baan ku hayn
Cirsankayeedh
~ Hanku waa halbeeg lagu cabbiro ruuxa hibadiisa ~
Haween waa bir adag iyo
Badweyn aad ku hafatoo
Ragga baydgo'oodiyo
Baraqjebinta geesigu
Bilis k**a dhammaatee
Is’banbaani weligaa.
Haddaan hadri laa habeenka badhkii
Hilowga adaan hammuun kici laa
Haddii la wad wadi lahaa
Wanaaggeediyo rajada
Wixiiba dar baa ka dhigay
Sidii beer wiil la yidhi
Shimbiro ku ilaali wadhaf
Qof uu qof u muuqdo iyo
Qof uu qof ka muuqdo iyo
Qof hebelkii tegay la duday
Ayaa mucjisada qarnigan
Barbaarteennii qarribay
Gobannimadu shaw waa inaad garasho uun leeday
Gunnimaduna shaw waa adoo lagugu meel gaadho
Nin kastaa ha kala dilo
Ama dacar ha mariyee
Soomaali waa diir
Ku dahaadhan laan qudha
Tolla'ay dhaqankaygiyoow.!
Tolla'ay dhaxalkaygiyoow.!
Tolla'ay dhismahaygiyoow.!
Tolla'ay dhallintaydiyeey.!
Dhulkaygiiyoow tolla'ay.!
Maxaa dhex maraaya horor.!
Maxaa dhuuqaaya dulin.!
Maxaa dhilanayaa diir.!
Maxaa dhukusaaya nacab.!
Dhurwaayo maxaa ku jira.!
Hoheey dheg-xumaanta taal.!
Hoheey dhug-la'aantan badan.!
Hoheey dheelliga gurracan.!
Hoheey dhoohanaanta shacab.!
Siyaasi danloo dhukani.!
Dushooda ku dheelayaan.!
Miyuu cadaw iga dhergoo.!
Miyuu dhuux igaga tegay.!
Miyuu dhan fayoow jiraa.!
Miyuu nolol igu dhaxloo.!
Miyaan bariyaa dhitaba.!
Tolow ma dhabayn karaa.?!
Dharaar ma xoroobayaa.?!
Qabiil ma dhufaanayaa.?!
Dhallaanku ma ciidmayaa.?!
Maandeeq ma la dhicinayaa.?!
Barbaartu ma dhiirran oo.
Intay dhaayaha furaan
Dhiggood wax la qaybsadaan
Gumaysi ka dhiidhiyaan
Cilmiga dheef kala baxaan
Ka toosaan dheellallaw
Afkood ma ku dhaadanoo
Dhulkood ma difaaciyoo
Ma qaadani dhoonbirkoo.?!
Cadaawaha maw bac-dhigi.?
Qabiilkani maaha kii
Qur'aanku siduu na faray
Qaraabada kaabayee
Qofkuun lagu garanayee.!
Imminka waa qalab fur-fura
Danaha qarankiyo bulshada.
Alla magane badanaa
Ardaal meeris xadayoo
Meelahaa abwaan iyo
Maansoole weyn iyo
Murti-koriye sheegtaa
Cudur muuqo yidhi baa ku dhacay curaddadeenniiye
Cilmiguba fatoosh buu noqdiyo caan inaad tahaye
Cidla koox la yurur iyo xaflado ii camira uun ah
Tolow ceebtan faanka ah miyaa culimo loo saaro?
Gobannimadan aan kalax biyo ah guunyadaw hidinin
Gobannimadan xeerkiyo sharciga gebi ka xooraysa
Gobannimadan hadba kii dan lihi guudka kaga joogo
Gobannimadan kii damac ba galo gini ka dhiibaayo
Gobannimadan kii ganacsaduun saaran guradiisa
Gobannimadan kii dhicin lahaa aanu garanaynba
Gobannimadan aan gumaro iyo guulba lagu keenin
Gobannimadan aan gamashi iyo goob xun kaba toosin
Gobannimadan aan dhaafin weli beesha gudaheeda
Gobannimo siyaasigu gatiyo gaalo-ka-hadheenku
Alleylehe GUN baa dhaanta iyo gorofka caydheede
Goblan baan ka nahay dawladnimo loo gudboon yahaye
Gugii noo kordhaba tolow miyaan GARASHO soo raynin?
Miyaan GEEDDI-BAABUU mar qudha loo gar dhiganaynin?
Gembi iyo ku goo iyo ka g**o lagaba guumoobin?
Waagii guduutaba miyaan goohu damahaynin?
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the school
Telephone
Website
Address
Burao
252999