Anwaaru Ramadaan

Anwaaru Ramadaan

Share

Goobtan waxaan uugu Talo galney inaan waxyaabo aan cibaadadeena ramadaanka ku hagajineyno soo dhigno.

22/04/2023

Alxamdulilaah mudo 29 maalmood ah oo aan khayr iyo wanaag badan isla soo qaadanay maanta waa maalinkaan is odhan lahayn nabad gelyo 😢.

☘Qodobka 1aad mahadcelin : alxamadu lilaah waa waafajin illaahay inaan barnaamijkan isla soo galno kawada faaiideysano, intaa ka bacdi adinka aad baan idiinku mahad celinaynaa.

☘Qodobka 2aad raali gelin: Waxaan idiinka cudurdaaranaynaa wiixi gaabisaa ee baranaamijka ku yimid gaar ahaan baranamijka بالقرآن اهتديت iyo fawaaiida weli ka maqan baranamijyada qaar aanan weli soo gudbin .. xoogaa waxa nagu yara batay baranaamijyada iyo hawlaha intii tamartayada ahayd waan dedaalnay alle ha inaga aqbalee, lkn camal kastoo laqabtaa gaabis ma waayo wixii gaabisaa raali naga ahaada.

☘Qodobka3aad: Dardaaran:

Waxaan idiin dardaarmaynaa:

1. Cabsida alle meel kasta aad joogtaan iyo xili kasta aad joogtaan isha aad iska eegtan isha illahay ha noqoto.

2. Ikhlaaska iyo niyada wanaagsan waxkasta oo aad qabanaysaan marwaliba xasuusnaada( إنما الأعمال بالنيات).

3. Quraanka iyo qiyaamo laylka iyo dhaman camaladii wanaagsana aad ramadaanka la qabsatay yay noqon waxaad bilaha kale oo dhan gubto ha noqon qof cibaadada iyo illahay ramadaan keliyaa xasuusta noqo qof 11 bilood ee kale cibaadaysta lkn ramadaan utahay bishuu camalada wanaaagsan si laban laabo.

4. Barashada diinta islaamka waa danta aan aduunka ujoogno hadii aan garan weyno ama iska mashquulino diinteena islaamka nolosha wax macno ah oo ay samaynaysaa ma jirto , aqoonta maadigaa halka uugu sareysa hadaad ka gaadho lkn aanad garanayn sidee loo dahaaro qaata oo islaamku inoo sheegay khasaare waqti ayaa kugu dhacay ...diinta diinta barashadeeda waa dardaarankayga uugu adag aan idiin dardarmaayo hadii aanad wada baranayn inta faralka ah ee aan qofnaba ka dhacayn waa kugu wajib inaad barato ..

5. Noqo diintaada mid ku dhaqma oo ay ka muuqato ... maalinkasta quraanka akhrinayso ,salaada aad tukanayso, cibaadooyinka aad qabanayso xubnaha jidhkaaga kala duwan haka muuqato .... isma qaadanayso diin baan aqaanaa hadana ku dhaqmi maayo xujadiibaad isku badinaysaa fadlan noqdo kuwo aqoontooda iyo ficiladoodu is waafaqan .

Ugu danbayn:

💌Nabad-gelyo 💕💕 Nabad-gelyo🌷.

Channeladan aynakaa leh fadlan nagula soo biir:

☘1. https://t.me/xasuuso_wall

Kan waxaa lagu soo diraa is dhisada nafta , rasuulka iyo sunadiisa waxyaabaha la xidhiidha maalinka khamiista ayaa lasoo geliyaa, dhawaana waxyaabaha quraanka iyo alle laxidhiidha maalinka jumcaha lasoo gelinayaa inshaa allah.

☘2. https://t.me/khatma_12

Kani waa channelka khatmadaheena quraanka khatmadii kugu haboon ayaad lasoconaysaa.

☘3. Hadaad ubaahataan kutub ama baraamij naftaada dhisayana halkan kaalay waa gabadh soomaliyeed oo carasho ku muraajacaysata

https://t.me/asmasanateyn.

Nabaday wallayaal ramadaanka danbe ayaa inoo balanaa inta casharada inaga maqana waan soo gelin doonaa inshaa allah 🌷.

السلام عليكم ورحمة الله وبركاته.

Telegram: Contact @khatma_12 21/04/2023

Maanta waxan bilbaabaynaa khatmadahan kala duwan channeladeeni kale ayaa halkan kusoo biiray:

1.bishii hal mar ladhamaynayo quraanka maalinkii hal juz.
2 : bishii 2 mar ladhamaynayo quraanka maalinkii 2 juz.
3.bishii 3 mar ladhamaynayo quraanka maalinkii 3 juz.
4.qolo usbuucii hal mar dhamaysa marka iyaga 7 maalmood ayaa quraanka loogu qaybinayaa.

Hadaad khatmooyinkaa ubaahantahay wlll channelkan kaaley waa telegram 👇👇👇

Telegram: Contact @khatma_12

20/04/2023

عبدالعزيز عبد الغني || أنت العيد .
كل عام وأنت العيد .

🎊🎊🎊💕💕🎊🎊🎊💕💕🎊🎊🎊

20/04/2023

Nashiido: Ciida ciidaa

Codkii : Cabdirashiid M. Kaalmooy.
🎊🎊🎊🎊🎊

20/04/2023

•💐💡

أهلًا بالعيد

الله أكبر
الله أكبر
الله أكبر
لا إله إلا الله
والله أكبر الله أكبر
ولله الحمد

https://youtu.be/N8qvN_vECjo

'

Takbiiraha ciida ayaan la ilaawin.

20/04/2023

🎆🎆 عيد الفطر المبارك 🎇🎇
تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال كل عام وأنتم بخير.
أعاده الله علينا وعليكم وعلى الأمة الإسلامية بالخير واليمن والبركات.🎊🎊.

Ciid wanaagsan dhamaanteen , alle camaladii wanaagsanaa aan samaynay ha inaga
aqbalo.🎊

20/04/2023

Caawa haday iid noqoto baranamijka quraanka iyo khatmada 2 juz maalinkii la akhriyo mid waliba hal malinab inooga hadhsan maraka waan soo dhigaynaa fiidka haday caawa iiid noqoto inshaa allah.

20/04/2023

🌿Maalintii 29 aad ee ramadaan:

☘Jadwalka maanta waxaan qaadanaynaa:

☘shaqada 1aad: Quraanka

🌱Kooxda 1aad bishii halmar in la dhameeyo: juzka 29aad.

🌱Kooxda 2aad bishii 2 jeer in la dhameeyo: juzka 27 iyo 28.(khatmadii 2aad)

🌱Kooxda 3aad usbuuc walba in hal mar ladhameeyo: alxmadi lilaah khatmadii 4aad ayaa inoo dhamaatay berri iyo maantaba qofkii ay wax dhaafeen ha iska muraajaceysto.

🌱Kooxda 4aad 3 maalmoodba in mar ladhameey: juzka 11 ilàa 20 aad.( khatmadii 10aad ).

☘Shaqada 2aad: tafsiirka : 👇👇👇👇
🍁Intii inoo qorshaysanayd Ramdaanta waynu dhammaynay👏👏👏👏❤️❤️❤️❤️

🌱Masha Allah Ilaahay haynui barakeeyo khayr iyi xasanaadna haynigi siiyo😊

🌸الحمد الله وبنعمته تتم الصالحات☺️

☘Shaqada 3aad: ha ilaawin adkaartaada.

☘Shaqada 4aad : Baranamijka بالقرآن اهتديت xalqad 28aad.

☘Shaqada 5aad:

🌿Baranamijka sahay_aakhiro.

🪷qaybta caadooyinka :
Afar wiig ayaa inoo qorshaysna , Alxamdulilaah way dhamaadeen, 20 xalqadood ayeey noqotay qaybtani😍 , Ilaahay qaar uu ku anfaco haynaga dhigo , idinkana Alle haynii barakeeyo khayr iyo xasanaadna hayniga siiyo❤️❤️❤️👏👏👏🥳🥳🥳

🌸الحمد الله وبنعمته تتم الصالحات

🍁qaybta cibaadooyinka:
Way inoo dhamaatay👏👏🥳, oo 19 xalqadood inoo noqdeen shalay, Ilaahay qaar uu ku anfaco haynaga dhigo, idinkana Alle haynii barakeeyo khyr iyo xasanaadna hayniga siiyo❤️❤️❤️❤️👏👏👏

🌸الحمد الله وبنعمته تتم الصالحات




Dhamaan jadwalka faahfahintiisa xaga hoose ka eego iyo linkiyada yaala.👇👇👇👇👇👇

20/04/2023


.

Xadiiska Maanta 20/04/2023

❉Waydiimo iyo Warcelino ku Saabsan Sakaatul Fidriga❉

1. Su'aal: Waa maxay xukunka Sakaatul Fidrigu?
Jawaab: Sakaatul Fidrigu waa sakada qofka naftiisa ama jidhkiisa laga bixiyo xukunkeeduna waa waajib.

Cabdullaahi ibnu Cabbaas -رضي الله عنهما- wuxuu yidhi: ❝Rasuulka ilaahay ❪ﷺ❫ wuxuu faral yeelay Sakaatul Fidriga.❞

Cabdullaahi ibnu Cumar -رضي الله عنهما- wuxuu yidhi: ❝Rasuulka ilaahay ❪ﷺ❫ wuxuu amray Sakaatul Fidriga in la bixiyo dadku intaanay Salaadda u bixin.❞

Axaadiistaasi waxay daliil u tahay Sakaatul Fidrigu inay tahay Waajib culimaduna guud ahaan taa waa isku waafaqeen oo khilaaf la sheegaa kuma jiro.

2. Su'aal: Waa maxay xikmadda loo sharciyeeyay Sakaatul Fidriga?
Jawaab: Xikmadda loo sharciyeeyay Sakaatul Fidriga Rasuulka ❪ﷺ❫ ayaa sheegay sida ku sugan Xadiiska Cabdullaahi Ibnu Cabbaas laba sababood ayaa Sakaatul Fidriga Rasuulku ❪ﷺ❫ u faral yeelay.

Sababta 1aad: Qofkii Muslimka ahaa ee soomanaa ayaa waxay uga tahay daahirin iyo nadiifin wixii laqwi iyo gef ka dhacay.
Sababta 2aad: Dadka masaakiinta ah ayay maalintaasi quud u tahay si dadka Muslimiinta ah ee kale wax haysta farxadda ciida ay ula wadaagaan.

3. Su'aal: Sakaatul Fidrigu yay ku waajibaysaa?
Jawaab: Sakaatul Fidrigu waxay ku waajibtay qof kasta oo Muslim ah oo maalinkaa Ramadaan u dambeeya markuu gabalku dhacay qof nool oo jira ahaa.

Cabdullaahi Ibnu Cumar wuxuu yidhi: ❝Rasuulku wuxuu faral yeelay Sakaatul Fidriga wuxuu ku faral yeelay qof kastoo xora mid kastoo addoon ah mid kastoo ragga mid kastoo dumara qof weyn iyo qof yar intaba oo Muslimiinta kamid ah.❞

Qof kastoo Muslim ah oo maalinkaa Ramadaan u dambeeya gabalkiisu uu dhaco isaga oo nool oo qof jira ah ayay Sakaatul Fidrigu ku waajibtay. Ha waalnaado qofkaasi ha miir qabo qof weyn ha noqdo oo hadduu doono asaasaqay qof soomay ha noqdo qof aan soomin ha noqdo qof kastoo Muslima oo sifaa leh ayay ku waajibtay.

4. Su'aal: Wakhtimay waajibaysaa Sakaatul Fidrigu oo ay dadku bixinayaan?
Jawaab: Sakaatul Fidrigu waxay waajibaysaa maalinka Ramadaan u dambeeya marka gabalkiisu uu dhaco ee bishii Shawaal la arko.

5. Su'aal: Ilmaha yar ee caloosha ku jira miyay ku waajibtay Sakaatul Fidrigu?
Jawaab: Maya, ilmaha yar ee caloosha ku jira Sakaatul Fidri in laga bixiyaa waajib maaha waayo isagu weli muu noqon qof dhashay oo adduunyada yimid.

Haddii se qofku uu ka bixiyo wax dhibaato ah kuma jirto waana sida ka ansaxday saxaabigii Cusmaan Ibnu Cafaan laakiin waajib maaha.

●Maanta halkaa ha inoogu joogto Qaybtii 1aad waydiimaha ku saabsan Sakaatul Fidriga Insha Allaah.

6. Su'aal: Goorma ayaa la bixinayaa Sakaatul Fidriga?
Jawaab: Sakaatul Fidriga wakhtiga la bixinayaa waxa uu ka bilaabmayaa marka wakhtigeedu uu soo galo, waa maalinka Ramadaan u dambaysa marka gabalkiisu uu dhaco ee bishii Shawaal ay bilato. Bixintu wakhtigaasay ka bilaabmaysaa Nebiguna ❪ﷺ❫ wuxuu amray in la bixiyo Salaadda ciida horteed sida uu sheegay Cabdullaahi ibnu Cumar

Sidaas kale Nebigu ❪ﷺ❫ wuxuu yidhi: ❪Qofka bixiya Salaadda horteed waa sako laga aqbalay, qofka bixiya Salaadda ciida dabadeedna waa sadaqad sadaqadaha kale lamida.❫

Culimada qaarkoodna waxay ku tageenba inay waajib tahay in Salaadda horteed la bixiyo oo aanay bannaanayn in laga dib dhigo Salaadda Ciida cudurdaar la'aan, qofka kaddib dhigaana uu yahay qof dambaabaya. Waxaa kamid ah culimada sidaasi sheegtay As-Subki

7. Su'aal: Ma bannaan tahay in wakhtigaa laga horraysiiyo?
Jawaab: Sida fiicani waxay tahay ee bilaa khilaafka ahi qofku marka wakhtigeedu soo galo uun in uu bixiyo.

Culimada qaarkood waxay qabaan marka bisha Ramadaan bilato in la bixin karo sida shaaficiyada oo kale, culimada qaarkoodna waxay yidhaahdeen maalin iyo laba maalmood ayaa laga horraysiin karaa maalinka ciida waayo saxaabada ayaa sheegay inay wakhtigaasi bixin jireen sida Cabdullaahi Ibnu Cumar.

Laakiin sida ugu fiican ee bilaa khilaafka ahi waxay tahay qofku inuu sakadiisa bixiyo marka wakhtigeedu uu soo galo maadaama ay tahay cibaado wakhtiyaysan. Wakhtigeeduna wuxuu soo galayaa marka bishii Shawaal ay bilato ee maalinkii Ramadaan u dambeeyay gabalkiisu uu dhaco ee habeenkii ciidu uu soo galo.

8. Su'aal: Qadar intee leeg baa la bixinayaa Sakaatul Fidriga?
Jawaab: Sida ay sheegeen saxaabadu sida Cabdullaahi Ibnu Cumar sido kale Abu Saciid Al-Khudri qadarka qofku bixinayaa waa Saac.

Saacuna Culimadu waxay yidhaahdaan waa afar mud, Mudkuna waa qofka labadiisa sacab oo la isu geeyay mugood qofka ay waliba gacmihiisu dhexdhexaadka yihiin oo afar jeer la daray. Halkii mar waa mud afar jeer marka la darana saac buu noqonayaa.

Marka Garaam la is yidhaahdo u roga culimadu iskumay waafaqin inta garaam ee saacu noqonayo waayo raashimada ayaa kala duwan iyaga oo laga yaabo miiskii inay isku mid yihiin oo hal saac uun wada yihiin ayaa marka miisaan la saaro ay kala cuslaanayaan.

Sida ugu fiicani waa inuu qofku sidaa markaa la hubo ee ah inuu afar mud uu daro, qofkii ay u fududadahay ee suurtogal ay u tahay labada gacmood oo la isu geeyay oo afar jeer la daray inuu ka bixiyo.

9. Su'aal: Cuntada la bixinayaa waa mid nooceeya?
Jawaab: Nebigu ❪ﷺ❫ cuntooyinka uu sheegay waa cuntooyinkii sida qaalibka ah wakhtigiisa la isticmaali jiray sida Timirta, Heeda, Qamandida iyo Aqid (Caano la qallajiyay).

Markaa raashin kasta oo ah quud lagu noolaado oo kaydna geli kara ayaa Sakaatul Fidriga lagu bixinayaa.

10. Su'aal: Daqiiqda ma lagu bixin karaa Sakaatul Fidriga?
Jawaab: Culimadu way isku khilaafeen daqiiqda ma ku baxaysaa Shaaficiyada oo kale waxay leeyihiin ku bixi mayso, fuqahada qaarkoodna waxay qabaan inay ku baxayso sida Axmed ibnu Xambal oo kale sidaasi ayaana sax ah waayo daqiiqdu waa quud gaar ahaan wakhtigan aynu joogno waxaa la odhan karaa waa quudka u badan ee adduunyada iyo dal walba inta badan laga isticmaalo sidaasi awgeed haddii qofku daqiiq ku bixiyo way ka gudaysaa.

11. Su'aal: Ma bannaantahay in lacag lagu bixiyo Sakaatul Fidriga?
Jawaab: Sakaatul Fidrigu waa shay cibaado ah Nebiguna ❪ﷺ❫ wuxuu sheegay in raashin lagu bixiyo.

Sidaas aygeed waxay ehlu cilmigu u badanyihiin in aan lagu bixin karin lacag raashina ay tahay in lagu bixiyo qofka lacag ku bixiyana aanay ka gudahayn.

Dadka Tusaale ahaan debada ka soo diraya lacagta maadaama laga yaabo halkaa inaanay ka helayn cid masaakiino ay siiyaan qofkay lacagta u soo direen ayay wakiilanayaan inuu lacagtaasi ku iibiyo raashin dabadeedna raashinkaa uu kaga bixiyo Sakaatul Fidriga laakiin lacag ahaan inay ku bixiyaan maaha.

👇👇👇👇👇👇👇👇

Xadiiska Maanta Ka mid noqo Xadiiska Maanta oo ku soo biir siina faafi, iskuday ugu yaraan in aad hal qof sii gaarsiiso.

Want your school to be the top-listed School/college in Burao?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Burao