13/08/2026
Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland ayaa warbixinteeda April 2026 ku sheegtay in sicir-bararka sannadlaha ah ee Somaliland uu gaadhay 10.2%.
Taas macnaheedu waa in celceliska qiimaha badeecadaha iyo adeegyada la cabbiray uu marka la barbar dhigo April 2025 kor u kacay 10.2%.
Warbixintu waxay muujinaysaa in qaaliyoobidu aanay ka sinayn dhammaan badeecadahu. fruits ka ayaa ka mid ahaa kuwa ugu badan ee qiimahoodu kordhay, iyagoo sannadkii kor u kacay 37.5%, halka hilibku kordhay 17.7%.
Sidoo kale, gaadiidka ayaa sannadkii kordhay 13.3%, halka guryaha, biyaha, korontada, gaaska iyo shidaalku ay kordheen 9.6%. Qiimaha maqaayadaha iyo hudheeladuna waxay kordheen 18.7%.
Waxaa muhiim ah in la fahmo in sicir-bararku aanu ahayn oo keliya in hal ama laba badeecadood qaaliyoobaan. Marka sicir-bararka guud gaadhey 10.2%, waxay ka dhigan tahay in kharashka guud ee noloshu uu kor u kacay, taas oo si gaar ah culays ugu noqon karta qoysaska dakhligoodu hooseeyo.
Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in sicir-bararka billaha ah April uu ahaa 1.0%, halka bishii March uu ahaa 0.9%. Inkasta oo qiimaha cuntada guud ahaan April hoos u dhacay 0.9%.
Maxaa sababay? Wasaaraddu waxay tilmaantay arrimo ay ka mid yihiin ku-tiirsanaanta badeecadaha dibadda laga keeno, cadaadiska sarrifka lacagta, xaaladaha cimilada iyo isbeddellada dhaqaalaha caalamka. Waxay sidoo kale xustay saamaynta khalkhalka ka dhashay dagaalka berriga dhexe iyo isbeddellada ku dhacay ganacsiga iyo tamarta gobolka.
Marka si fudud loo dhigo, warbixintu waxay inoo sheegaysaa in nolosha Somaliland ay sii qaaliyoobayso. Tani waxay muujinaysaa baahida loo qabo in si gaar ah loo xoojiyo wax-soo-saarka gudaha dalka, sugnaanta cuntada, xakamaynta cadaadiska sarrifka iyo yareynta ku-tiirsanaanta badeecadaha dibadda, si culayska sicir-bararku uga yaraado qoysaska.