10/05/2023
Xanuunada fudfudud ee ugu badan Bulshada soomaalida guud ahaan waxa Kaalinta koobaad ama ta labaad kaga jira
Xanuunada ku dhaca neefmareenka (respiratory illnnesses)
Maan jeclyn inan qoraalka dheereyo lkn Xanuunadan oo bulshaseena ku badan iyo qaflad aynu kaga jirno sida looga Hortago inaan xanuunadan kala qaadno Ayaa sababysa inaan woxoogaa ka qoro .
Xanuunada neef mareenka ku dhaca ee Ay ka midyihiin
1: Durayga ama hargabka (common cold)
2: iyo Qaaxada (tuberclosis)
Labadan xanuun waxa ugu badan ee lagu kala qaadaa waa qof qaba oo kugu Qufaca isagoo masaafo dhaw kuu jira ama aad qol ama meel xidhan ku wada Jirtaan
Hadaba dadkeena inta badan xanuunka durayga la yidhaa waa xunuunka sida Safmarka ah u dhexqaada bulshadeena waxaana looga hortagi karaa xanunkan iyo kuwa kale ee hawada laysu raaciyoba sadexdan tallaabo ayaa ugu muhiimsan.
1: Afdabool Oo la isticmaalo(face mask)
Waxa aad u fiican in qofka qufacaya ee duraygu hayo laftiisu uu isticmaalo af-daboolka
Si aanu ugu gudbin dadka kale ee aan iyaga hargabku haynin
Tani waxay xakamayn kartaa in dadka uu ku fido xanuunka hadii qof qufacayaa uu joogo meelaha bulshadu ay ku kulanto (public places) gaar ahaana goobaha wax barashada,masaajidada, iyo meherada dusha ka dadan ee Bulshadu isugu timaado
Af-daboolka waxa kale oo isticmaali kara Qofka aanu ku dhicin duraygu marka uu Dareemo inuu jiro duray safmar ah oo Bulshada uu joogo ku dhexjira
Talaabadani waa hab aan kharash Badani ku baxayn isla markaana wax ku ool ah
2: Tallaabada labaad ayaa ah qofku in uu markiiba iska daweeyo xanuunka ku keenay qufaca oo aanu ka warwareegin inuu isticmaalo dawada ku haboon si uu usoo koobmo mudada uu ku sugan yahah xaalada caafimaad darro(disease state)
Arinta dawooyinka oo iyaduna ahmiyad weyn innoo leh markale ayaynu ka hadli doonnaa haddii alle ogolaado
3: Tallaabad sadexaad ayaa ah in uu qofku isticmaalo cunto isu dheelitiran oo nafaqo fiican uu ka helo.
Tallaabadan ayaa kharash ahaan ka qaalisan labada hab ee aynu kor kusoo xusnay oo aanay dadka badankoodu awoodin.
Hadaba waxan ku talinlahaa in aynu ku dhaqanno tallaaboyinkan inta aynu ka awoodno