21/04/2026
𝐎𝐆𝐄𝐘𝐒𝐈𝐈𝐒: 𝐉𝐀𝐃𝐖𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐈𝐌𝐓𝐈𝐗𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐅𝐈𝐍𝐀𝐋-𝐊𝐀 (𝟐𝟎𝟐𝟓-𝟐𝟎𝟐𝟐𝟔)
Taariikh: 21/04/2026.
Maamulka Dugsiyada Al-Imam Al-Shafi'i wuxuu ogaysiinayaa dhammaan ardayda iyo waalidiinta in imtixaanka k**a dambaysta ah ee sanad-dugsiyeedka 2025-2026 uu bilaaban doono 𝐀𝐫𝐛𝐚𝐜𝐨, 𝟎𝟔 𝐌𝐚𝐲 𝟐𝟎𝟐𝟔,
- 𝐃𝐮𝐠𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞: Wuxuu socon doonaa inta u dhaxaysa 𝟎𝟔 𝐌𝐚𝐲 𝐢𝐥𝐚𝐚 𝟏𝟖 𝐌𝐚𝐲.
- 𝐃𝐮𝐠𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐡𝐞𝐱𝐞: Wuxuu socon doonaa inta u dhaxaysa 𝟎𝟔 𝐌𝐚𝐲 𝐢𝐥𝐚𝐚 𝟏𝟒 𝐌𝐚𝐲.
Waxaan ardayda ugu baaqaynaa inay wakhtiga ka faa'iidaystaan oo ay si firfircoon ugu diyaar-garoobaan imtixaanka dhammaadka sanadka.
𝐆𝐮𝐮𝐥 𝐢𝐲𝐨 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐧!
𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐬𝐡𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚
𝐃𝐮𝐠𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐈𝐦𝐚𝐚𝐦 𝐀𝐥-𝐒𝐡𝐚𝐟𝐢'𝐢, 𝐁𝐨𝐨𝐬𝐚𝐚𝐬𝐨
20/04/2026
Sawiro| 𝐁𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐡.𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐗𝐚𝐥𝐢𝐢𝐤𝐞 𝐞𝐞 𝐃𝐮𝐠𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐦𝐚𝐚𝐦𝐮 𝐒𝐡𝐚𝐚𝐟𝐢𝐜𝐢-𝐐𝐞𝐲𝐛𝐭𝐚 𝐃𝐮𝐠𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐫𝐞/𝐂𝐞𝐧𝐭𝐞𝐫𝐤𝐚.
Tr: 19/04/2026.
Sh.Maxamuud Xaliike Ayaa Ardayda U jeediyay Kelmad dhiirrigelin iyo Wacdi ah taas oo si weyn u taabatay qalbiyada ardayda, isla markaana xoogga saaraysay muhiimadda aqoonta iyo dhowrista akhlaaqda suuban. kalmadaas oo qeyb ka ah Kulan Cilmiyeedkii 21aad ee Magaalada Boosaaso.
Sheekha ayaa ardayda u jeediyay kelmad dhiirrigelin iyo wacdi isugu jirta, taas oo si weyn u taabatay qalbiyada ardayda, isla markaana xoogga saaraysay muhiimadda aqoonta, Alle Kacabsiga iyo dhowrista akhlaaqda suuban.
Maamulka Dugsiga Imaamu Shaafici waxa ay mahadcelin ballaaran u dirayaan Sheekh Maxamuud Xaliike iyo Mu’asasada Al-Minhaaj booqashadan dhaxal-galka ah.
xafiiska Nashaadaadka & Warbaahinta Dugsiga Imaam Shaafici.
02/04/2026
𝐎𝐆𝐄𝐘𝐒𝐈𝐈𝐒 𝐌𝐔𝐇𝐈𝐈𝐌 𝐀𝐇: 𝐒𝐇𝐀𝐀𝐂𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐍𝐀𝐓𝐈𝐈𝐉𝐀𝐃𝐀 𝐓𝐄𝐑𝐌 𝟐𝐚𝐚𝐝
Taariikhda: 02/04/2026
Waxaan ogeysiinaynaa dhammaan waalidiinta iyo ardayda sharafta leh ee dhigata Iskuulka Imaam Shaafici in natiijadii 𝐈𝐦𝐭𝐢𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐁𝐢𝐥𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐓𝐞𝐞𝐫𝐚𝐦𝐤𝐚 𝟐𝐚𝐚𝐝 (Sannad dugsiyadeedka 2025/2026) ay hadda diyaar ku tahay Website-ka dugsiga.
𝐒𝐢𝐝𝐚 𝐚𝐚𝐝 𝐮 𝐞𝐞𝐠𝐢 𝐤𝐚𝐫𝐭𝐨 𝐍𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐚𝐝𝐚:
1. Booqo mareegta dugsiga: [https://shaafici.eauonline.com/student](https://shaafici.eauonline.com/student)
2. Marka uu foomku kuu soo baxo, khaanadda Username ku qor Roll-Number-kaaga.
3. Khaanadda Password-kana ku qor isla Roll-Number-kaaga.
4. Guji badhanka (Sign In) si aad u aragto dhibcahaaga.
𝐇𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐝 𝐝𝐡𝐢𝐛𝐚𝐭𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐨:
- Isku day inaad dib u cusbooneysiiso (Refresh) Browser-kaaga ama isticmaal mid kale.
- Haddii aad ilowday Roll-Number-ka ama uu ku shaqayn waayo, fadlan la xiriir maamulka qaybtaada.
𝐗𝐮𝐬𝐮𝐮𝐬𝐢𝐧: Natiijadu waa sir gaar kuu ah, fadlan ha la wadaagin Roll-Number-kaaga qof kale oo aan rasmi ahayn.
Guul ayaan u rajaynaynaa dhammaan ardaydeena.
Guuleysta...Guuleysta...Guuleysta
Maamulka Iskuulka Imaam Shaafici
𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐬𝐡𝐚𝐚𝐝𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 & 𝐰𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐮𝐠𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐈𝐦𝐚𝐚𝐦 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐟𝐢𝐜𝐢
01/04/2026
01-April- 2026
Dugsiga Imaamu Shaafici Faraca Muxsiniin waxaa lagu qabtay Xafladda Khatinka Nashaadaadka Teeramka 2-aad, taas oo ahayd munaasabad si qurux badan loo soo agaasimay.
Xafladda ayaa lagu soo bandhigay dadaalka iyo guulaha Ardayda, iyadoo abaal marinno la guddoonsiiyay Guulaystayaasha Nashadaadka Faraca Muxsiniin
Munaasabaddan waxay dhiiri gelin u yihiin ardayda, kobcinayaan tartanka wanaagsan ee ka dhexeeya Ardayda , isla markaana sare u qaadayaan heerka Aqooneed iyo akhlaaqeed ee Ardayga.
Dugsiga Imaamu Shaafici waxa uu mar walba u taagan yahay horumarinta hibada ardayda iyo dhisidda jiil leh Aqoon iyo Mustaqbal ifaya.
31/03/2026
31 Maarso 2026
Dugsiga Sare ee Imaamu Shaafici waxaa lagu qabtay Xafladda Khatinka Nashaadaadka Teeramka 2-aad, taas oo ahayd munaasabad si qurux badan loo soo agaasimay.
Xafladda ayaa lagu muujiyey dadaalka iyo guulaha Ardayda, iyadoo abaal marinno la guddoonsiiyay Guulaystayaasha Nashadaadka Dugsiga sare ee Imaamu shaafici .
Munaasabaddani waxay dhiirrigelinaysaa ardayda, kobcinaysaa tartanka wanaagsan ee ka dhexeeya Ardayda , isla markaana sare u qaadaysaa heerka Aqooneed iyo akhlaaqeed ee Ardayga.
Dugsiga Sare ee Imaamu Shaafici waxa uu mar walba u taagan yahay horumarinta hibada ardayda iyo dhisidda jiil leh Aqoon iyo Mustaqbal ifaya.
31/03/2026
31 Maarso 2026,
Ardayda Fasalka 4aad ee Dugsiga Sare ee Imaamu Shaafici waxay booqasho aqoon kororsi ah ku tageen Jaamacadda Bariga Afrika, taas oo ahayd fursad qiimo badan u leh ardayda Fasalka 4aad.
Intii lagu guda jiray booqashada, ardaydu waxay heleen tababaro iyo wacyigelin muhiim ah, iyagoo sidoo kale si toos ah u booqday qaybaha kala duwan ee jaamacadda, gaar ahaan kulliyadaha Caafimaadka iyo laababka Kumbuyuuterka.
Booqashadani waxay si weyn u kordhisay fahamka ardayda ee dhinacyada waxbarashada iyo tiknoolajiyadda , waxayna dhiirrigelisay himiladooda mustaqbalka.
Dugsiga Sare ee Imaamu Shaafici waxa uu si gaar ah ugu mahadcelinayaa Jaamacadda Bariga Afrika soo dhaweynta diirran, dadaalka iyo waqtiga ay u hureen ardaydeenna.