NEDYO

Directions

NEDYO Noobir Environment & Development Youth Organization.

13/09/2026
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Puntland Maxamed Siciid Saalax ayaa d...
12/09/2026

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Puntland Maxamed Siciid Saalax ayaa deegaanka Xiriirro kula kulmay Ururka ilaalinta deegaanka ee NEDYO oo ah urur ay ku bahoobeen dhalinyaro si is-xilqaan ah uga shaqeeya ilaalinta deegaanka iyo wacyigelinta bulshada.

Wasiir Ku-xigeenka ayaa sidoo kale booqday goobaha ay dhalinyarada Noobir ka fuliyeen tallaabooyin lagu xakameynayo boholaha iyo nabaad-guurka dhulka.

Ururka NEDYO waxay tusaale wanaagsan u yihiin kaalinta ay dhalinyarada Reer Puntland ka qaadan karaan ilaalinta deegaanka, iyadoo si is-xilqaan ah ay u qaadeen masuuliyad muhiim ah oo ku aaddan dhowrista deegaanka iyo wacyigelinta bulshada.

Wasaaraddu waxay bogaadinaysaa dadaalka dhalinyarada NEDYO, waxayna dhiirrigelinaysaa in bulshada si wadajir ah uga qayb-qaataan ilaalinta iyo dib-u-soo-celinta deegaanka.

Ururka NEDYO oo Soo Bandhigay Sawirrada Hordhaca ah ee Qorshaha Guulaystay ee Bohola-Xirka DeegaankaUrurka NEDYO (Noobir...
24/07/2026

Ururka NEDYO oo Soo Bandhigay Sawirrada Hordhaca ah ee Qorshaha Guulaystay ee Bohola-Xirka Deegaanka

Ururka NEDYO (Noobir Environment & Development Youth Organization) ayaa bulshada u soo bandhigay sawirro hordhac ah oo muujinaya guulaha laga gaaray mashruuca Bohola-Xirka Deegaanka, kaas oo ujeeddadiisu tahay badbaadinta deegaanka, ilaalinta dadka iyo xoolaha, iyo yareynta khataraha ka dhasha boholo furan.

Sawirradan waxay muujinayaan horumarka la taaban karo ee laga sameeyay goobihii la dayactiray iyo dadaalka joogtada ah ee ay NEDYO ugu jirto ilaalinta deegaanka iyo horumarinta bulshada.

NEDYO waxay uga mahadcelinaysaa dhammaan shacabka, mutadawiciinta iyo cid kasta oo gacan ka geysatay hirgelinta qorshahan muhiimka ah, iyadoo ballanqaadaysa inay sii wadi doonto mashaariicda horumarineed ee lagu ilaalinayo deegaanka iyo nolosha bulshada.

NEDYO – Ilaalinta Deegaanka, Horumarinta Bulshada.

13/07/2026

:- Dadwaynaha Ku Dhaqan Magaalada Xiriiro Ayaa Cabasho Xoogan Ka Muujiyey Burburka Ku Yimid Wadada Isku Xirta Magaalada Iyo Halka Ay Ku Yaaliin Isbitaalka Iskoolka Iyo Saldhiga Magaalada.

13/07/2026
Ururka NEDYO (Noobir Environment & Development Youth Organization) ayaa maanta si guul leh u fuliyay olole dhir-beeris a...
29/06/2026

Ururka NEDYO (Noobir Environment & Development Youth Organization) ayaa maanta si guul leh u fuliyay olole dhir-beeris ah oo laga sameeyay Ceelka Magaalada iyo Isbitaalka Guud iyadoo ujeeddadu tahay cagaarinta deegaanka, qurxinta goobaha bulshada, iyo kor u qaadidda wacyiga ilaalinta deegaanka.
NEDYO waxay uga mahadcelinaysaa dhammaan intii ka qayb qaadatay ololahan, waxayna bulshada ku boorinaysaa inay ilaaliyaan geedaha la beeray si ay u noqdaan dhaxal waara oo ay ka faa'iidaystaan jiilasha soo socda.
🌿 Hal-ku-dheg: "Aan Wada Cagaarinno Deegaankeenna, Aan Wada Ilaalino

26/06/2026

Haaji Abdirisaaq Hujaale OO bogadiyeey shaqada ururka NEDYO uhayaan degaanka

26/06/2026

Gudoomiyaha ku xigeenka URURKA NEDYO Teamkayada ururka NEDYO waxanu ku howlanahay in aan ka shaqayno deeganada Noobir

25/06/2026

Nabadoon Maxamuud Cismaan Cilmi Gardax Ayaa Bogaadiyey Howlaha Shaqo Ee Uu Hayo Ururka NEDYO

23/06/2026

Abdirahmaan Ismaaciil Oo Ka Mida Xubnaha URURKA NEDYO Ayaa Ka Warbixiyey Howlaha shaqo Ee Ururku Ka Hayo Magaalada Xiriiro.

Address

Eastleigh
Bosaso
01000

Opening Hours

Monday 07:00 - 23:00
Tuesday 07:00 - 23:00
Wednesday 07:00 - 23:00
Thursday 07:00 - 23:00
Saturday 07:00 - 23:00
Sunday 07:00 - 23:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when NEDYO posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share