School Imaam Axmed Gurey

School Imaam Axmed Gurey

Share

School Imaam Axmed Gurey
Waa dugsi hoose dhexe iyo sare.

waxaana wax ka dhiga macalimiin soomaali iyo ajnabi isugu jirta waa school tayo wanaagsan, kuna hawlan soo saaridda jiil caafimaad qaba oo aqoon sare leh.

Photos from School Imaam Axmed Gurey's post 22/01/2026

Ogeysiis muhiim ah
​Maamulka dugsigu wuxuu ku wargelinayaa waalidiinta sharafta leh in maanta oo Sabti ah, ay taariikhduna ku beegantahay 17/01/2026, ay ahayd maalintii ugu dambaysay ee imtixaanaadka Termka Kowaad. Waxaana mahad leh Alle, in imtixaanaadku ay kusoo dhamaadeen si wanaagsan oo nidaamsan.
​Waxaan farxad noo ah inaan ardaydeenna u rajaynno guul iyo dario wanagsan imtixaanaadkii ay u fadhiisheen.
​Sidoo kale, waxaan idinla socodsiineynaa in fasaxa Termka Kowaad uu bilaabanayo laga bilaabo maalinta Axadda ah ee taariikhdu tahay 18/01/2026, uuna ku egyahay maalinta Axadda ee 01/02/2026. Ardaydu waxay dib ugu soo laaban doonaan fadhiyada waxbarashada marka uu fasaxu dhammaado haddii Alle idmo.
​Waxa aan idiinka mahadcelineynaa iskaashiga aad noo muujiseen.
​Maamulka Dugsiga axmed gurey

School Imaam Axmed Gurey

Ku soo biir iskuulkeena si caruurtaada waxbarasho tayo leh u helaan

#صومال #بونتلاند #بوصاصو #مدرسة #العلم

Photos from School Imaam Axmed Gurey's post 14/01/2026

Abaal-marinta fasalkii kaalinta koobaad ka galay tartankii Aqooneed ee School Imaam Axmed Gurey .
School Imaam Axmed Gurey

Ku soo biir iskuulkeena si caruurtaada waxbarasho tayo leh u helaan

#صومال #بونتلاند #بوصاصو #مدرسة #العلم

Photos from School Imaam Axmed Gurey's post 14/01/2026

Sabti : 10/01/2025
Bilowga Imtixaanka Teeramka 1aad ee Sannad Dugsiyeedka 2025/2026.
--------------------------------------------
Waxaa maanta oo Sabti ah 10/01/2026 ka bilowday Dugsiyaga Hoose/Dhexe & Sare ee Imaam Axmed Gurey Boosaaso Imtixaankii teeramka 1aad ee sannad dugsiyeedka 2025 / 2026 , iyadoo ay Imtixaankan u fadhiisteen sadexda heer ee Dugsiga School Imaam Axmed Gurey

Ugu danbayntii maamulka School Imaam Axmed Gurey Boosaaso waxa uu u rajaynayaa dhammaan ardayda inuu ILLAAHAY ku guuleeyo himilooyinka ay hiigsanayaan sannad dugsiyeedkan uga dhigo mid ay guul ka gaaraan... Aamiin aamiin.

-----------Dhammaad------------
School Imaam Axmed Gurey

Ku soo biir iskuulkeena si caruurtaada waxbarasho tayo leh u helaan

#صومال #بونتلاند #بوصاصو #مدرسة #العلم

Photos from School Imaam Axmed Gurey's post 08/01/2026

Warbixinta Khudbaddii Maamulka Dugsiga Axmed gurey
​Taariikhda: Sabti, 03/01/2026
Goobta: Dugsiga Axmed gurey
​Maalinta oo ay sabti oo taariikhdu tahay 3-da Janaayo 2026, waxaa khudbad dhiirigelin ah u jeediyay ardayda maamulaha dugsiga Axmed gurey iyo kormeeraha waxbarashada ee Gobolka Bari, Mudane Muuse Jabriil.
​Khudbadda waxaa diiradda lagu saaray qodobbada soo socda:
​Ahmiyadda Akhriska: Maamulka iyo kormeeruhu waxay si wadajir ah hoosta uga xariiqeen in akhriska joogtada ah uu yahay fure u ah ballaarinta aqoonta iyo garashada.
​U diyaar-garowga Imtixaanka: Waxaa ardayda lagu boorriyay inay si fiican u dhuuxaan casharrada, loona baahan yahay diyaar-garow dhab ah ka hor inta aan la gaarin xilliga imtixaanka.
​Maareynta Waqtiga: Mudane Muuse Jabriil ayaa ku dhiirigeliyay ardayda inay ka fogaadaan dib-u-dhigista, xooggana saaraan barashada tayada leh si ay u gaaraan natiijooyin sare.
​Kulankan wuxuu ahaa mid guul ku soo dhammaaday, iyadoo ardayda loogu dubeeyay guul iyo mustaqbal ifaya.
​Maamulka Dugsiga Axmed gurey
Iyo Kormeeraha Waxbarashada – Gobolka Bari

School Imaam Axmed Gurey

Ku soo biir iskuulkeena si caruurtaada waxbarasho tayo leh u helaan

#صومال #بونتلاند #بوصاصو #مدرسة #العلم

06/01/2026

Barnaamijka daabuurka maalinlaha ah ee schoolka iyo Abuukar c/risaaq oo ka jeedinaya

School Imaam Axmed Gurey

Ku soo biir iskuulkeena si caruurtaada waxbarasho tayo leh u helaan

#صومال #بونتلاند #بوصاصو #مدرسة #العلم

06/01/2026

Barnaajimka daabuurka school ka maalinlaha ah iyo Abwaanad xamdi maxamed daahir form one

School Imaam Axmed Gurey

Ku soo biir iskuulkeena si caruurtaada waxbarasho tayo leh u helaan

#صومال #بونتلاند #بوصاصو #مدرسة #العلم

06/01/2026

Barnaamijka daabuurka maalinlaha ah ee schoolka iyo maansayahanad yaasmiin cali oo qaadeysa maanso ka hadlaysa aqoonta
School Imaam Axmed Gurey

Ku soo biir iskuulkeena si caruurtaada waxbarasho tayo leh u helaan

#صومال #بونتلاند #بوصاصو #مدرسة #العلم

03/01/2026

Maanta waxay ahayd maalin wanaagsan oo xambaarsan faaiido badan, iyadoo lagu maamuusmay booqasho uu noogu yimid mas’uul sare oo sharaf badan, kaas oo ah mid ka mid ah waalidiinta sharafta leh ee iskuulka axmed gurey1, isla markaana ah Kormeeraha Waxbarashada ee Gobolka Bari.
​Mas'uulku wuxuu la kulmay ardayda, isagoo la wadaagay hadalo dhiirigelin ah oo dhaxal-gal ah. Wuxuu kala hadlay muhiimadda ay leedahay akhriska, dadaalka waxbarasho, iyo u diyaar-garowga h**e ee imtixaannada soo socda. Isagoo adeegsanaya hab-hadal heerkiisu sarreeyo oo dhiirigelin leh, wuxuu reebay raad wanaagsan oo ka muuqda dareenka ardayda.
​Sidoo kale, mudanuhu wuxuu ammaanay maamulka iskuulka iyo macallimiinta, isagoo aad u qiimeeyay dadaalkooda hagar la’aaneed iyo dadaalka joogtada ah ee ay ugu jiraan kor u qaadista heerka aqooneed ee ardayda, iyo sidoo kale xoojinta asluubta iyo tarbiyadooda.
​Waxaan halkan uga mahadcelineynaa booqashadan qiimaha leh

School Imaam Axmed Gurey

Ku soo biir iskuulkeena si caruurtaada waxbarasho tayo leh u helaan

#صومال #بونتلاند #بوصاصو #مدرسة #العلم

03/01/2026

Farriin ku socota Waalidiinta Sharafta leh
_​Waaxda Arrimaha Ardayda_ ee Dugsiga Axmed gurey secondary waxay si farxad leh idiinla wadaagaysaa barnaamijkii "taaburka Subaxnimada", kaas oo loo soo agaasimay qaab xirfad leh, isagoo isku dhowrayay Aqoonta Diinta iyo maadiga .
​🌟 Yoolalka Barnaamijka:
_​Kobcinta Hadalka:_In ardayda lagu tababaro farshaxanka hadalka iyo ku dhiirashada fagaaraha.
​Isku-dheelitirka Aqoonta: In ardayga lagu abuuro aqoon diimeed iyo mid maadi ah oo dhab ah.
_​Dhisidda Shakhsiyadda:_In la soo saaro jiil ku hadli kara hab cilmiyeysan, aqoon leh, isla markaana xambaarsan qiyamka suubban.
​Maamulka dugsiga iyo macallimiintuba waxay u taagan yihiin inay dhisaan jiil ku qalabaysan cilmi iyo caqli, si ay u noqdaan kuwa anfaca naftooda iyo bulshadaba.
​Waxaan idiin rajaynaynaa daawasho wacan.

School Imaam Axmed Gurey

Ku soo biir iskuulkeena si caruurtaada waxbarasho tayo leh u helaan

#صومال #بونتلاند #بوصاصو #مدرسة #العلم

Photos from School Imaam Axmed Gurey's post 03/01/2026

Farriin ku socota Waalidiinta Sharafta leh
_​Waaxda Arrimaha Ardayda_ ee Dugsiga Axmed gurey secondary waxay si farxad leh idiinla wadaagaysaa barnaamijkii "taaburka Subaxnimada", kaas oo loo soo agaasimay qaab xirfad leh, isagoo isku dhowrayay Aqoonta Diinta iyo maadiga .
​🌟 Yoolalka Barnaamijka:
_​Kobcinta Hadalka:_In ardayda lagu tababaro farshaxanka hadalka iyo ku dhiirashada fagaaraha.
​Isku-dheelitirka Aqoonta: In ardayga lagu abuuro aqoon diimeed iyo mid maadi ah oo dhab ah.
_​Dhisidda Shakhsiyadda:_In la soo saaro jiil ku hadli kara hab cilmiyeysan, aqoon leh, isla markaana xambaarsan qiyamka suubban.
​Maamulka dugsiga iyo macallimiintuba waxay u taagan yihiin inay dhisaan jiil ku qalabaysan cilmi iyo caqli, si ay u noqdaan kuwa anfaca naftooda iyo bulshadaba.

School Imaam Axmed Gurey

Ku soo biir iskuulkeena si caruurtaada waxbarasho tayo leh u helaan

#صومال #بونتلاند #بوصاصو #مدرسة #العلم

29/12/2025

School Imaam Axmed Gurey

Ku soo biir iskuulkeena si caruurtaada waxbarasho tayo leh u helaan

#صومال #بونتلاند #بوصاصو #مدرسة #العلم

29/12/2025

School Imaam Axmed Gurey

Ku soo biir iskuulkeena si caruurtaada waxbarasho tayo leh

#صومال #بونتلاند #بوصاصو #مدرسة #العلم

Want your school to be the top-listed School/college in Bosaso?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address

Schoolku Wuxuu Ku Yaalla Wadada Jaamacadda Ee Muqdisho, Wuxuuna Ku Dhaganyahay Al-fadli Kaydkeeda
Bosaso