Raga Soomaalieed Gabdhaha Sidaas Loo Galo Dhaqan Umalahayn War Gabadhaha Haloo Naxariiso Waa Hooyo Habaryar Eedo Ayeeyo
Jamaahirta News
Ileys Cable Maqal Iyo Muqaal nadiifa
02/07/2023
Khaatumo
Islaan Bashiir Islaan Abdulle. Oo kamid ah isimada dhaqanka Soomaaliyeed ayaa goor dhawayd Soogaaray Caasimadda Puntland ee Garoowe.
ILEYS CABLE Follow Page-Ka
21/06/2023
WAR SAXAAFADEED
In ka badan 40 Maleeshiyaad iyo Horjoogeyaal Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay Gobalka Shabeelaha Hoose.
Muqdisho, 21 June, 2023: Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka NISA oo kaashanaysa Saaxiibada Caalamka ayaa howlgal qorsheysan ka fulisay Gobalka Shabeelaha Hoose gaar ahaan Beerta Faay Yuusuf oo u dhow Tuullada Yimbis, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday Maleeshiyaad gabbaad ka dhiganayay hawdka iyo geedaha ku yaala deegaankaas.
Howlgalkan oo socday xalay ilaa maanta ayaa waxyeello culus loogu gaystay Argagixisada Al-shabaab ee ku sugnayd goobtaas, waxaana inta la hubo halkaas lagu dilay Maleeshiyaad iyo Horjoogeyaal tiradoodu gaarayso 45, iyada oo dhulka lala simay Teendhooyin Argagixisada hoy u ahayd, halka ilaa iyo hadda lagu raad-joogo maleeshiyaad firxad ah.
Maleeshiyaadka iyo Horjoogeyaasha la khaarijiyay ayaa maleegayay weeraro ay ku qaadaan deegaanka Bariire ee Gobalka Shabeelaha Hoose, balse Sirdoonka Qaranka oo helay xogtooda ayaa ka hortagay dhagarta ay diyaarinayeen, taas oo ka dhigtay wax dhintay iyo wax cararay oo la baadi-goobayo firxadkooda.
Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an in Khawaarijta lagu beegsado goob kasta oo ay gabbaad ka dhigtaan, iyadoo haatanna Ciidanka Qaranka iyo dadka Soomaaliyeed ay dhul badan ka xoreeyeen Khawaarijta.
-Dhammaad-
21/06/2023
Qaban qaabada Xaflada Sanad guurada 63 aad ee Marka Gobolada Waqooyi Soomaaliya Xornimada qaateen Oo si weyn looga Dareemayo Magaalada Laascaanood
ILEYS CABLE Follow Page-Ka
14/06/2023
SAWIRO: 150 kun Neef oo Ari ah oo ay qaadayaan 8 Doonyood iyo 2 Markab ayaa caawa ka dhoofay Dekedda magaalada Boosaaso, waxaana kormeeray Masuuliyiin uu hogaaminayo Wasiirka Xanaanada Xoolaha DPL Maxamed Cabdulaahi Libaaxe.
Dowladda Puntland ayaa ku guuleystay in Xoolahan loo iibgeeyo Wadamada Khaliijka waxaana Dekedda Boosaaso si habsami leh uga soconaya dhoofintooda xilli ay soo dhowdahay Ciidda Carafo.
30/03/2023
In ka badan 12-qof oo muwaadinin Kenyan ah ayaa ku dhintay shir gaari oo ka dhacay Naivasha.
Gaari ay lahayd Jaamacada Pwani University oo ay saarnaayeen ku dhawaad 30 arday oo jamacada dhiganaayay, ayaa shir ku galay Naivasha kenya, dhamaan ardayda shilka gashay ayaa u dhaxaysay 18jir ilaa 29jir.
Wadada Naivasha ayaa ah wadooyinka ugu shilalka badan Kenya.
Maamulka Jubaland oo ka Gudoomay Imiraadka Carabta HUB Dagaal iyo agab Ciidan oo kala duwan.
Burtan Ayeey Ku sigteen
Ileys cable
13/09/2022
Taliye kuxigeenka 2aad ee Ciidanka Asluubta Puntland General Cabdiqaadir Axmed Kheyr Bashka ayaa maanta kormeer ku tagay Xabsiga weyn ee magaalada Bosaaso isagoona Saraakiisha Xabsiga ka xog wareystay xaaladda maxaabiista iyo Ciidanka Asluubta ay ku sugan yihiin.
Kormeerka waxaa ku wehlinayay Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Gobolka Bari, Hogaanka Maxkamadda Ciidamada iyo Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Bari.
13/09/2022
Suldaan Cabdullaahi Ismaaciil Yuusuf oo kamida ismada dhaqanka Somaaliya,siyaasiyiin iyo dhaqan ayaa kulan soo dhawayn ah Dalka Turkiga ugu sameeyay Boqor Burhaan Boqor Muuse oo halkaas gaaray.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the school
Website
Address
Nakhil Area
Bosaso