Tadamun Social Society جمعية التضامن الاجتماعي

Tadamun Social Society جمعية التضامن الاجتماعي

Share

Tadamun Social Society (TASS) is a non-profit and non-political organisation striving to develop Somalia into a prosperous and educated nation.

Photos from ‎Tadamun Social Society جمعية التضامن الاجتماعي‎'s post 23/08/2026

كسمايو 10 ربيع الأول 1448 هـ الموافق 23 أغسطس 2026 م - قام فريق من مركز الملك سلمان للإغاثة والأعمال الإنسانية أمس بزيارة ميدانية لتفقد مشروع إنشاء (200) وحدة سكنية إلى جانب المرافق الصحية والتعليمية والبنية التحتية الأساسية والمخصص لدعم الأسر المتضررة من الفيضانات في مدينة كسمايو بجمهورية الصومال الفيدرالية.

وكان في استقبال الوفد معالي وزير الأشغال العامة وإعادة الإعمار والإسكان بولاية جوبالاند عبد الوهاب أحمد عثمان، ونائب وزير الإغاثة والشؤون الإنسانية محمد عثمان الولاية.

وشملت الزيارة جولة ميدانية في الوحدات السكنية والمرافق الخدمية والبنية التحتية الجاري تنفيذها بالمشروع، حيث اطلع الفريق على سير الأعمال ومستوى الإنجاز، واستمع إلى شرح مفصل حول مراحل التنفيذ ونسب الإنجاز وآليات العمل وفق الخطة والمواصفات الفنية المعتمدة.

وأشاد فريق المركز بمستوى التقدم المحرز في المشروع وجودة التنفيذ، مؤكدًا أهمية المشروع في توفير بيئة سكنية آمنة ومستدامة للأسر المتضررة من الفيضانات، والمساهمة في تحسين ظروفها المعيشية وتعزيز الاستقرار المجتمعي.

وكان المشروع قد انطلق رسميًا بوضع حجر الأساس في 24 نوفمبر 2025م، وتواصل الفرق الهندسية والفنية أعمالها لاستكمال مختلف مكونات المشروع، تمهيدًالتسليم الوحدات السكنية والمرافق الخدمية للمستفيدين.

Photos from ‎Tadamun Social Society جمعية التضامن الاجتماعي‎'s post 20/08/2026

Hay’adda Wadaniga ee Tadamun Social Society oo Gargaar Raashin ah Gaarsiisay 1,200 Qoys oo Danyar ah.

WIDHWIDH IYO BUUHOODLE — Hay’adda Wadaniga ah ee Tadamun ayaa gargaar raashin ah ka qaybisay deegaannada Widhwidh iyo Buuhoodle, iyadoo gargaarkan loogu talagalay qoysaska danyarta ah ee ay saameeyeen abaaraha iyo xaaladda dhaqaale ee adag ee ka jirta dalka.

Gargaarka raashinka waxaa ku deeqday Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadantinimada (KSrelief) ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Raashinkan ayaa loogu talagalay in uu ka faa’iidaysto ku dhawaad 1,200 qoys oo danyar ah oo ku nool deegaannada Widhwidh iyo Buuhoodle.

Raashinka la qaybiyey ayaa isugu jiray bur, bariis, sonkor, baasto iyo saliid, kuwaas oo loogu talagalay in ay wax ka taraan baahiyaha nololeed ee qoysaska ay xaaladaha adag saameeyeen.

Qoysaskii ka faa’iidaystay gargaarka ayaa uga mahadceliyey hay’adaha ka qayb qaatay gaarsiinta raashinka, iyagoo sheegay in gargaarku uu ku soo beegmay xilli ay soo wajahday xaalad nololeed oo aad u adag.

Maamullada deegaannada Widhwidh iyo Buuhoodle ayaa iyaguna uga mahadceliyey hay’adaha gargaarka soo gaarsiiyey bulshada, iyagoo ku boorriyey in la sii xoojiyo taageerada loo fidinayo dadka danyarta ah, gaar ahaan kuwa ku nool deegaannada ay abaaruhu sida weyn u saameeyeen.

Hay’adda Tadamun ayaa muddooyinkii u dambeeyey ka shaqaynaysay gaarsiinta gargaarka bani’aadantinimo bulshada u baahan, Tani ma aha markii ugu horreysay ee ay hay’addu raashin gargaar ah qaybiso, iyadoo h**ey dhowr jeer gargaar noocan oo kale ah uga qaybisay qaybo ka mid ah Gobollada Sool iyo Cayn.

Gargaarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu taageerayo qoysaska nugul iyo in wax laga qabto xaaladaha bani’aadantinimo ee ka dhasha abaaraha iyo duruufaha dhaqaale.

Photos from ‎Tadamun Social Society جمعية التضامن الاجتماعي‎'s post 19/08/2026

Tadamun Social Society oo Raashin Gargaar ah Gaarsiisay 1,000 Qoys oo ku nool Gobolka Sanaag

Hay’adda Tadamun Social Society ayaa gargaar raashin ah gaarsiisay 1,000 qoys oo danyar ah oo ku nool qaybo ka mid ah Gobolka Sanaag, gaar ahaan deegaanada Dawaco, Damaloxagare, Shimbiraale iyo Carmale.

Gargaarkan ayaa waxaa ku deeqday Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadantinimada ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya (KSrelief).

Qoysaska ka faa’iidaystay gargaarkan ayaa ka mahadceliyey taageerada loo fidiyey, iyagoo sheegay in raashinku uu ku soo beegmay xilli ay qoysas badan la tacaalayaan duruufo nololeed oo adag iyo baahiyo bani’aadantinimo.

Bulshada deegaanka ayaa uga mahadcelisay KSrelief deeqda ay soo gaarsiisay dadka nugul, sidoo kalena waxay bogaadiyeen dadaalka Tadamun Social Society ee ku aaddan gaarsiinta gargaarka dadka u baahan, gaar ahaan kuwa ku nool deegaannada miyiga ah.

Hay’adda Tadamun Social Society ayaa sheegtay inay sii wadi doonto dadaallada ay bulshada ugu adeegayso, iyadoo diiradda saaraysa taageerada qoysaska nugul iyo dadka ay saameeyeen abaaraha, duruufaha dhaqaale iyo xaaladaha kale ee bani’aadantinimo.

Gargaarkan ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay iskaashiga hay’adaha samafalka iyo kuwa gargaarka bani’aadantinimo si loo gaarsiiyo taageerada dadka ugu baahan, gaar ahaan bulshooyinka ku nool deegaannada fogfog.

Photos from ‎Tadamun Social Society جمعية التضامن الاجتماعي‎'s post 04/08/2026

Imaamu al-nawaawi gardo school الصفحة الرسمية لمدرسة امام النووي قرطو ayaa si rasmi ah u daahfuray Xarunta Casriga ah ee ICT-ga (Green ICT Lab), taas oo kor u qaadi doonta tayada waxbarashada iyo xirfadaha tiknoolajiyadda ee ardayda.

Xarumahan casriga ah ayaa h**e looga hirgeliyey qaar kamid ah dugsiyada Tadamun ee magaalooyin kale, iyadoo qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu tayeynayo waxbarashada.

Waxaan aaminsanahay in ubadkeennu ay helaan aqoon iyo xirfado tiknoolajiyadeed oo casri ah si ay ugu diyaar garoobaan fursadaha iyo tartanka dunida maanta. Maalgelinta waxbarashada tiknoolajiyaddu waa maalgelinta mustaqbalka.

24/07/2026

Caqabadaha Ardeyga Maanta Haysta — Maxay Yihiin? Maxaase Looga Gudbi Karaa?

21/07/2026

OGEYSIIS TABABAR

Macallimiinta iyo Waalidiinta Sharafta leh,

Waxaa la qabanayaa tababar fogaan-arag ah oo ku saabsan:

“Caqabadaha Ardayga Maanta Haysta iyo Sida Looga Gudbi Karo”

Taariikh: 24-ka Luulyo 2026
Waqti: Habeenka Jimcada baxayso

iska diiwaangeli: WhatsApp Group-ka isak diiwaangeli oo guji Link-gan:

https://chat.whatsapp.com/Fn21mI57maz7DIbtBEeeSo?s=cl&p=a&ilr=0&amv=0

FB: Tababarku waa bilaash.

Tadamun Social Society & Xarunta Qoys Barwaaqo

01/07/2026

Hambalyo 1-da Luulyo.

Hay’adda Tadamun Social Society (TASS) waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed munaasabadda qiimaha weyn leh ee 1-da Luulyo, maalinta Xurriyadda iyo Midnimada Soomaaliya.

Maalintani waa astaan qaran oo xambaarsan xusuusta halgankii, naf-hurnimadii iyo midnimadii lagu hanaday xorriyadda iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, TASS oo la aasaasay sanadkii 1992, muddo ku dhow 35 sanona ka shaqaynaysay adeegga bulshada, gargaarka bani’aadannimo, waxbarashada, caafimaadka iyo horumarinta bulshada, waxay ku celinaysaa ballanqaadkeeda ku aaddan u adeegidda bulshada Soomaaliyeed.

Waxaan Alle ka baryaynaa inuu dalkeenna ku manneysto nabad, midnimo, xasillooni iyo horumar waara.

16/06/2026

سنة هجرية جديدة كل عام وأنتم إلى الله أقرب.
Sanad Hirji Cusub, Amni iyo Barwaaqo idinka Ilaahay.

Photos from ‎Tadamun Social Society جمعية التضامن الاجتماعي‎'s post 07/06/2026

Mashruuca Guryeynta ee KSRelief ka Maalgelisay Kismaayo Oo Galay Marxaladda Dhammaystirka

Kismaayo, Soomaaliya – 5 Juun 2026 – Mashruuca dhismaha 200 guri iyo adeegyada bulshada ee loogu talagalay qoysaska ay saameeyeen fatahaadaha oo laga fulinayo deegaan Luglow ee magaalada Kismaayo, ayaa gaaray heer muhiim ah, kadib markii la bilaabay shaqooyinka salaaxmada gudaha iyo dibadda ee guryaha iyo xarumaha adeegyada bulshada.

Mashruucan oo ay maalgelinayso Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada (KSrelief), ayna fulinayso hay’adda Tadamun Social Society جمعية التضامن الاجتماعي, ayaa si aan kala go’ lahayn u socda waxaana la soo gabagabeeyey qayb weyn oo ka mid ah shaqooyinka dhismaha (structure). Bilowga salaaxmada ayaa muujinaya in mashruucu galay marxaladdii dhammaystirka.

Mashruucan ayaa ujeedkiisu yahay hirgelinta xalka waara, iyadoo qoysaska ay fatahaaduhu saameeyeen loo dhisayo guryo, xarumo caafimaad, waxbarasho iyo adeegyo kale oo muhiim ah si kor loogu qaado nolosha bulshada.

Mashruucan wuxuu door muhiim ah ka qaadan doonaa dib-u-soo kabashada iyo xasilloonida bulshada ku barakacday magaalada Kismaayo.

29/05/2026

Ardayda imtixaanka shahaadiga galaysa barito ee fasallada 8aad iyo 12aad waxaay urajanaynaa guul.

Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Puntland, Dalladda Waxbarashada Puntland iyo bahda Waxbarashada oo dhan waan ku bogaadinaynaa inay iska kaashadeen qaadista imtixaanka.

Guul

Want your school to be the top-listed School/college in Bosaso?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Village Hotel Road, Baalade
Bosaso
252

Opening Hours

Monday 09:00 - 16:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 00:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00