Haji Mire School Bosaso

Haji Mire School Bosaso

Share

Xaaji-Mire waa dugsiga ugu faca weyn magaaladda Boosaaso. Waxa la'aas aasay sanadkii 1953.

29/05/2025

TACSI:

ALLAAH HA U NAXARIISTO GEN MAXAMED SICIID XIRSI MORGAN OO KA MID AHAA ARDAYDII KA BAXDAY DUGSIGA XAAJI-MIRE.

Eebbe ha u naxariisto oo janadii ha geeyo Gen. Maxamed Siciid Xirsi Morgan oo shalay galab ku geeriyooday Nairobi, waa geeri naxdin leh waxaana dadka Soomaaliyeed ka baxay nin weyn oo waxbadan kasoo shaqeeyay Amniga dalka iyo dadka, wuxuu ahaa Masuul xilal kala duwan kasoo qabtay Soomaalia iyo sidoo kale aasasayaashi Puntland.

Geeridiisa waxaan uga tacsiyadeynaynaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Puntland, Ciidamada qalabka sidda, eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday.

-DHAMMAAD-

(XAFIISKA NASHAADKA IYO WARBAAHINTA DUGSIGA XAAJI-MIRE)

07/10/2024

DUGSIGA XAAJI MIRE WAXAA LAGU SOO KORDHIYAY WAXBARASHADA DADKA WAA WEYN. WAANA LACAG LA'AAN (FREE)

WAXAA LA DHIGANAYAA HABEENKII BACDAL MAQRIB ILAA CISHAHA.

MAHADSANIDIIN.

27/08/2024



DHAMMAAN MACALLIMIINTA, ARDAYDA IYO WAALIDIINTA WAXAA LAGU WARGELINAYAA INUU DUGSIGA FURMAYO SANAD DUGSIYEEDKA 2024/2025 MAALINTA AXADA AY TAARIIKHDU TAHAY 01/09/2024.

sidaa iyo la socod wanaagsan.

Mahadsanidiin.

27/08/2024

Dhammaan macalimiinta, ardayda iyo waalidiinta waxaa laga codsanayaa iney ilaaliyaan waqtiga dugsiga la furi doono waa 01/09/2024.

Mahadsanidiin

Photos from Haji Mire School Bosaso's post 28/05/2024

Talaado : 28/05/2024
Dhammaadka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8aad ee Dugsiga dhexe.
------------------------------------
Waxaa maanta oo Talaado ah 28/05/2024 soo dhamaaday imtixaanka shaahadiga ah ee fasalka 8aad oo afartii maalin ee u dambeysay si toosa noogu socday, sanadka waxaa imtixaanka dheeraad ku ahaa inaan Break-Time jirin, duruufo jira awgood.

Imtixaanku wuxuu ku soo dhamaaday si nabadgelyo ah iyo jawi degan.

Ugu danbayn; marka h**e waxaa mahad iska leh Eebbe, mar xigtana dhammaan hawl wadeenadii imtixaanka ee xarunta imtixaanka lagu gelayey iyo dhammaan maamulayaashi dugsiyadda ee ka qayb qaatay in imtixaanku ku soo dhammaado si nabad gelyo ah, sidoo kale waxaa u rajaynaynaa dhammaan ardayda reer puntland ee imtixaanku u soo dhammaaday maanta Guul iyo Horumar insha allah.

---- Dhammaad ----

(Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiga Xaaji-Mire Boosaaso)

Photos from Haji Mire School Bosaso's post 17/05/2024

Jimce: 17-05-2024,
Xafladda Xiritaanka Tartanka Kubbada Cagta Dugsiga Xaaji Mire "Safarka Nabada"
---------------------------------------------------------------------
Waxaa galabta lagu qabtay xarunta Dugsiga Xaaji-Mire xafladda Xiritaanka Tartanka kubada cagta Dugsiga oo loogu magac daray " Safarka Nabada".

Tartanka marxaladiisa k**a dambaysta ah waxa isku wajahay labada kooxood ee Xaaji-Mire vs Xiddigaha.

Ciyaartu waxay ahayd mid xiiso badan oo ismari waayeen labada kooxood, ugu dambayntiina gool-ku laad ayey guushu ku raacday Kooxda Xiddigaha.

Ugu dambayn wuxuu maamulka dugsigu u hambalyeynayaa kooxda koobka ku guuleystay iyo sidoo kale kooxdii tartanka ka gashay kaalinta labaad.

Maamulka dugsigu wuxuu si gaara ugu mahadcelinaya guddoomiyihii tartanka kubbada cagta ee dugsiga Ustaad Haaruun Maxamed Geele oo waqti dheer tartankan soo waday iyo Guddoomiyaha dhalinyarada Xaafada Shiikh Sakariye Abokor oo nagala qayb qaatay xafladda Xiritaanka tartanka.

---‐---------Dhammaad-------------

(Xafiiska Nashaadka iyo Warbaahinta Dugsiga Xaaji-Mire Boosaaso)

Photos from Haji Mire School Bosaso's post 03/01/2024

Arabco: 03/01/2024
Gunaanadka Tartanka Aqooneedka "Barasho iyo Baratan" iyo Abaal Marinta Ardaydii ku Guulaysatay.
-------------------------------------------------------------------
Waxaa maanta oo arbaco ah 03/01/2024 la soo gaba-gabeeyey tartan aqooneedka "Barasho iyo Baratan" oo ardayda dugsigu ku tartamaan teeramka-1aad.

Tartanka waxaa isugu soo haray maraxaladiisa k**a dambaysta ah laba Kooxood oo ka socday fasalada 5aad iyo 6aad.
Xaawo Taako (F5aad) Vs Sayid Maxamed (F6aad).

Tartanku wuxuu ahaa mid xiiso badan oo loolankiisu sareeyey si adagna u dhex-maray labada kooxood, inkastoo markii dambe ay guulaysatay kooxda Xaawo Taako ee Fasalka 5aad.

Ugu dambayn wuxuu Maamulka dugsigu u hambalyeynayaa ardayda ku guulaysatay tartanka iyo sidoo kale ardaydii la tartamaysay ee daadaashay, sidoo kale maamulka dugsigu wuxuu umahadcelinaya guddoomiyihii tartanka iyo macallimiintii la shaqeysay.

---------Dhammaad---------

Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiga Xaaji-Mire Boosaaso.

21/11/2023

Talaada: 21-ka Nofeembar, 2023.
Xuska Maalinta Macallinka Soomaaliyeed.
-----‐---------------‐----------------------------------------

Maamulka Dugsiga Xaaji Mire waxa uu hambalyo udirayaa dhammaan macallimiinta Soomaaliyeed gaar ahaan macallimiinta Dugsiga XaajiMire munaasabada maalinta macallinka Soomaaliyeed awgeed.

Macallinku waa baraha iyo hagaha Ummadda kaas oo ka saara bulshadiisa jahliga iyo si xun u fikirka. Macallimiintu waa kuwa gudbiya ama ku faafiya waxbarashada adduunka oo dhan.

Macallinku wuxuu xushmad iyo karaamo ku dhex leeyahay bulshadiisa maadaama uu soo saarayo ubaxa iyo aayaha bulshadiisaas, waa tusayalayaal fiican iyo dad ku dayasho leh ama lagu faano oo bulsho kastaa leedahay.

Diinta islaamkuna waxay gaarsiisay macallimiinta martabad aad u saraysa oo maamuus iyo qadarin ah.

Qeyta Hoose ee commentiga ugu mahad celi macallimiintaada adigoo ku mention gareynaaya.

-----------Dhammaad------------

(Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiga Xaaji-Mire Boosaaso)

26/08/2023

Sabti, 26/08/2023
Diiwaan galinta ardayda cusub ee sannad dugsiyeedka 2023 - 2024.
---------------------

Dugsiga Xaaji-Mire Boosaaso oo looga bartay waxbarasho tayeysan kuna qaabeysan halbeega casriga ah ee tacliinta iyo goob ku haboon waxbarashada, kana mid ah dugsiyada ugu faca weyn Puntland ee la asaasay 1953, ayna ka qalin jabiyeen 31 dufcadood intii dib loo furay dugsiga 1993, waxa uu bilaabaya dugsigu diiwangelinta ardayda cusub saaka oo sabti ah taariikhduna ku astaysantahay 26/08/2023.

F.G: Waxbarashadu ama xiisaduhu waxay toos u bilaaban doonaan Sabti 02/09/2023 insha'allaah.

Mahadsanidiin.

(Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiga Xaaji Mire Boosaaso)

Photos from Haji Mire School Bosaso's post 13/06/2023

Talaado : 13/06/2023
Dhammaadka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8aad ee Dugsiga dhexe.
------------------------------------
Waxa maanta oo Talaado ah 13/06/2023 soo dhamaaday imtixaanka shaahadiga ah ee fasalka 8aad oo afartii maalin ee ugu dambeysay si toosa uga socday xarunta dhexe ee Dugsiga XAAJI-MIRE.

Imtixaanku wuxuu ku soo dhamaaday si nabadgelyo ah iyo jawi degan.

Waxa xarunta dhexe ee dugsiga Xaaji mire ku gelayay imtixaanka ilaa sagaal dugsi oo hoostaga magaaladda Boosaaso iyo nawaaxigeeda.
1- Laag
2- Karin
3- Yalho
4- Kalabayr
5- Qaw
6- Daaru-Sacaada "Boosaaso"
7- Xaaji-Mire "Boosaaso"
8- Buruc
9- Dibir " Murcanyo-Garadafuu"

Ugu danbayn; marka h**e waxaa mahad iska leh Eebbe, mar xigtana dhammaan hawl wadeenadii imtixaanka ee ka howlgalayey xarunta dugsiga xaaji mire iyo dhammaan maamulayaashi dugsiyadda ee ka qayb qaatay in imtixaanku ku soo dhammaado si nabad gelyo ah, sidoo kale waxaa u rajaynaynaa dhammaan ardayda reer puntland ee imtixaanku u soo dhammaaday maanta Guul iyo Horumar insha allah.

---- Dhammaad ----

(Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiga Xaaji-Mire Boosaaso)

30/05/2023

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ee fasalka 8aad ee Dugsiyadda dhexe ee Puntland 2022/2023, ee Wasaardda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland.
Waa Jadwalka Imtuxaanka Fasalka 8aad.
Allah idin fududeeyo
Nasiib wacan

20/01/2023

Jimce, 20/01/2023
BILOWGA TEERAMKA 2AAD SANAD DUGSIYEEDKA 2022-2023
------------------------------
Maamulka dugsiga Xaaji-Mire waxa uu ogaysiinayaa dhammaan Macallimiinta, ardayda, iyo waalidiinta sharafta leh in dugsiga dib loogu soo noqonayo berri oo sabti ah 21/01/2023. Sidoo kale waxa lagu wargelinaya ardayda iyo waalidiintu inay dhowraan waqtiga iskuulka la imaanayo.

Mahadsanidiin

(Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiga Xaaji-Mire)

Want your school to be the top-listed School/college in Bosaso?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address


Bosaso