Mamulka Dugsiga Hoose Dhexe ee Shibiin primary and intermediate school bosaso waxa ay Fariin duco ah u dirayaan Dhammaan ardayda dugsiyada sare iyo dhexe ee iskuulada puntland,
Una fariisanayasa imtixaan ka shahaadiga ah ee Fasalka 8aad iyo Fasalka 12aad Maalinta biri ah oo ay taariikhdu ku beegantahay SABTI 10/6/2023 Gaar ahaan ardayda fasalka 8aad ee Shibiin
Waxaan kula dardarmaynaa inay daganaan muujiyaan kana miro dhaliyaan aqoontii lasso baray
Waxaan alle uga baryaynaa in Allaah ha u fududeeyo dhamaantoodana ay kuwada guulaystaan.
--------------------------------------------------------------
Xafiiska Nashadadka Dugsiga Hoose Dhexe ee SHIBIIN.
Shibiin primary and intermediate school bosaso
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Shibiin primary and intermediate school bosaso, School, Bosaso.
14/11/2022
Imtixaankii shahriga ahaa oo maalintii sadaxaad sitoos ah ugu socda ardada iskuulka
12/11/2022
Maanta oo ay tahay sabti 12/11/2022
Waxaa ardada shibiin primary school u bilowday imtixaankii shahriga ama bilaha ahaa kaas oo ardada lagu qiimeeyo labadii bilood ee ay ardada daraasada u socotay
TARTAN IYO TACLIIN
Waxaa saaka wada tartamay fasalka 6aad iyo fasalka 4aad
Waxa si rasmi ah u bilowday tartan u dhexeeya dhammaan fasalada iskuulka shibiin waxaana saaka lagu bilaabay fasalka 8aad iyo fasalka 7aad
Classkastana wuxuu soo bandhigay tartan aad u qurux badan
Gabagabadiina waxaa ku guulaystay fasalka 7aaf iyagoo helay 15 dhibcood halka ay heleen 8aadku 12 dhibcood
13/10/2022
Ardada class eight oo ufadhiya imtixaankii usbuuclahaa kaas oo ardayda lagu dhiso laguna tijaabiyo
HAWL K**A DAALEE WELI WAA HOGADII
12/10/2022
12/10/2022
Xuska maaalinta calanka ayaa lagu qabtay dugsiga hoose dhexe ee shibiin oo ay maanta ku beegnayd
Ardada ayaa daabuurka iskuulka kusoo bandhigay heeso,gabayo,geeraaro ay ku waynaynayaan maalinta calanka
Sidoo kle waxa daabuurka ardada kala hadlay maamulka iskuulka isagoo ardada ku dhiirigaliyey muhiimada ay leedahy maalintani
12 octobar 1954 ayey ahyd markii carro soomaliyeed laga taagay calan ay iyadu leedahay
Dhaabuurka waa xiisada koowaad uu Ardayga uu galo,waana xiisadda lagu wacyi-galiyo, waana zaadka waxbarasha maalintaas.
Waa Mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee lagu dhisi awooda hadal iyo waxqabad ee ardayga.
Daabuurka waa xiisad kamid ah xisadaha ugu muhiimsan ee ka baxa iskuulka .
waxaan ardeyda ku dhiirigelinaa in aysan ka caajisin Barnaamijyada Iskuulka.
Maanta Oo axae ah Taariikhduna Ku beegneyd 25-09-2022 Barnaamijka Daabuurka oo Subax Kasta Ka baxa Iskuulka shibiin ay soo jeediyaan Arday Iskuulka Maanta Waxaa ku qornaa Fasalka 7aad ee dugsiga dhexe Waxaana Si wadajir ah uga qeybgalay qaar ka mid ah Gabdhaha Fasalka iyo wiilashaba waxayna soo diyaariyeen Barnaamij Aad u xiiso badan.
Waalid ku dhiirigeli ardeydaada in ay ka qeeybgalaan Daabuurka.
Bahda iskuulka shibiin primary oo Isku duuban Oo idiin leh Waxbarta Aan Barwaaqo gaarnee Hormar wacan
Daabuurku wuxuu ka qeyb qaataa jiheynta waxbarashada iyo fagaara ka hadalka ardayda.
In Ubadka Si wanaagsan loo tarbiyeeyo, waxa ay sahlaysaa in mustaqbalkoodu hagaago, Maamulka Iyo Barayaasha Iskuulka shibiin waxay mar waliba u taagan yahiin wacyigelinta, taageerida, la talinta, tababarida, waxbarida Ardayda Soomaliyeed,
"Waxbarashadu waa furaha Nolosha"
MAHADSANIDIIN.
.
Allow Ubadka noo Hagaaji 🤲
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Telephone
Website
Address
Bosaso