06/12/2025
Naadiga Qalinjebiyayasha Jamacada wuxu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhamaan ardayda ka qalinjabisey dufcadda 14aad ee jaamacadda Badda Cas (Red Sea University) Boosaaso waxaan idiin rajaynaynaa mustaqbal wanaagsan.
02/12/2025
Waxaa caawa magaalada Boosaaso ka dhacay shir ay soo qaban qaabisay Hay'adda Cilmibaarista iyo Horumarinta Bariga Afrika ee (DAD) kaas oo lagu falanqeeyay kaalinta ay waxbarashadu ku leedahay dhismaha mustaqbalka bulshada Soomaaliyeed.
.
01/12/2025
Hal maalin ayaa ka hadhay, shirweynaha "Kaalinta ay Waxbarashadu ku Leedahay Dhismaha Mustaqbalka Bulshada Soomaaliyeed".
.
30/11/2025
Professor . Dr. Cali Sheekh Axmed oo ah waayo-arag door muhiim ah ku leh dhismaha waxbarashada dalka, door muhiim ahna ka qaatay dib u dhiska waxbarashada sare ee dalka , kana mid ahaa asaasayaasii Jaamacadda Muqdishu, haddana ah Agaasimaha Guud ee Hay'adda Cilmibaarista iyo horumarinta Bariga Africa ee (DAD) ayaa ka mid ah aqoon-yahanka ka qaybgalaya shirka loo madlanyahay in uu ka dhaco Bosaaso, 2 bisha december, 2025 ee ciwaankiisu yahay: “Kaalinta ay Waxbarashadu Ku Leedahay Dhismaha Mustaqbalka Bulshada Soomaaliyeed.”
29/11/2025
Hay'adda Cilmibaarista iyo Horumarinta Bariga Afrika ee (DAD) oo kaashanaysa Jaamacadaha magaalada Boosaaso ayaa 2-da bisha December, 2025 ku qabanaysa Hotel Jaabir Plaza shirweyne cinwaankiisu yahay "Kaalinta ay Waxbarashadu ku Leedahay Dhismaha Mustaqbalka Bulshada Soomaaliyeed"
Taariikh : 2/12/2025.
Waqtiga : 6:00Pm Bacdal Maqrib
Goobta : Jaabir Plaza Hotel.
.
30/09/2023
Bahda jaamacadda Badda Cas waxay u tacsiyayanayaan guddoomiyaha jaamacadda Prof. Cabdullaahi Sh Xasan Cabdisalaan oo hooyadii ku geeriyootay magaalada Gaalkacyo.
Samir iyo iimaan Alle haka siiyo dhammaan ehelkeeda iyo asxaabteeda.
19/01/2023
W/Q Yusuf Dhoola Yare.
الحمدلله على كل حال
Warbixin kooban, xaaladayda Caafimaad.
"""""""""" """""" """ """""" """ """"" """ """ "" """ """
14-01-2023 Waxaa laygu sameeyey Qaliin kaasoo noociisu yahay " Surgical Urinary bladder traumatic and urethra" qaliinkaan waxaa ka horeeyey qaliin kale oo aan kusoo maray Muqdisho 2021 dii Cusbitaalka Shaafi, balse sida ay cadeeyeen dhakhaatiirtu ma aheyn qaliin sax ahaa ama lagu guulaystay balse waxay ii geysteen dhaawac ka daran midkii aan qabay oo halis badan, waxaa gabi ahaanba dhaawac culus ay u geysteen bladder-ka sidoo kalena waxaa xiran tuubada urethra-ha iyo xidido kale oo soo gala kaadi haysta, Waxaa infection daran ayaguna dareemaya kalida righta-ka iyo Prostate-ka raganimada.
Dhakhaatiirtu waxay sheegeen inaan u baahanahay laba qaliin mid in Dalka lagu sameynkaro, midka kalena inaan Dalka waxba lagaga qaban karin gabi ahaanba. xaaladayduna tahay mid aad u daran, laakiin hada ay ii sameeyeen in kaadi haysta gumaarka looga dhaco oo catheter la sudho, sidaasna kaadida kalyaha ku laabanaysa ay halis galin karto inay gabi ahaanba kalyuhu joojiyaan shaqada. waxayna ku taliyeen in si deg deg ah Hindiya la iigu qaado, balse awooda iyo tabarta qoyska oo xadidan iyo dhaqaale aan horay ugu sii tabaabushaystay midna ma haysan, waxaan codsanayaa cid kasta oo xaaladayda Caafimaad igu taageeri karta inay garab istaag ii muujiso!!
Dhaqaalaha lagu qiyaasay inuu ku baxayo qaliinkan waa lacag dhan $8000 oo aysan ku jirin Visaha iyo baxnaada kale ee caafimaad.
Mudada visaha lagu helayo oo ayaduna mid Emergency ah ayaa u baahatay laaluush in wadooyin badan oo adag loo maro dhaqaalo farabadana ku baxayo, qiyaastii lacag dhan $5000, dhakhaatiirtu waxay sheegeen in shan bari gudahood laygu geeyo hindiya balse Visaha Hindiya ayaa qaadanaysa wax ka badan 15 bari mana aha mid aan sugi karo!
Cid kasta oo naga caawin karta in waqtiga lasoo gaabiyo waan u baahanahay!
La xidhiidha fadlan gudida hawsha gacanta ku haysa oo wata nambarada kala ah: 7787496-- 7705820 --7741232-- 7787427--7759505...0612760033.
Ugu dambeyn ducada iyo faataxada igu soo kaba.
Waad mahadsantihiin🙏
Yusuf Dhoolayare Wuxu ka mid yahay Ardayda ka qalinjebisay Jamacada Bada cas.
15/07/2022
Red Sea University in collaboration with United Nations World Food Program (WFP) will offer career development workshop for the final year students and the RSU Alumni. The workshop will be facilitated by experts from Human resources department , WPF Somalia Office. If you are interested in this workshop, please register using this link. The deadline for the registration is Tuesday; 19th July, 20222.
To register click on this link
https://docs.google.com/forms/d/1tjTCdI_HOs-Ogt6nAXrV6tt1CshHwqfSbhhusJ45pyE/edit