Bander siyaada secondary school-Qaw

Bander siyaada secondary school-Qaw

Share

Welcome to with open hands

Photos from Ba**er siyaada secondary school-Qaw's post 30/05/2024

Khamiis, 30/Maarso/2024

DUCO IYO DARDAARAN

Maamulaha dugsiga H/dhexe iyo Sare ee Ba**er siyaada secondary school-Qaw wuxuu marka kowaad dareenka farxada leh laqaybsanayaa dhamaan ardayda rer puntland ee usoo dhamaaday imtixaankii shahaadiga ahaa ee sanad-dugsiyeedka 2023-2024 maanta oo khamiis ah 30/5/2024 , waxana u rajaynayaa in alle lakulansiiyo iyaga, waalidkood, macalimiintoodaba natiijo ay kuwada farxaan intuba.

Maamulka dugsigu wuxuu si gaar ah ugu ducaynayaa ardayda Dugsiga ba**ersiyaada ee sanadkan gashay imtixaanka shahaadiga ah ee 8aadka iyo 12aadka, in alle (swt) aanu ka khasaarin dedaalkoodii ay soo wadeen mudada maalmaha, asbuucyada, bilaha iyo sanadahaba ah. Ayna lakulmaan dhibco sarreeya ee ka farxiya.

Ugu damayntii maamulka dugsiga iyo macalimiintu waxay halkan hambalyo khaas ah uga dirayaan ardayda 12aadka ee dugsiga sare oo maanta xaqiijiyey mid kamid ah himilooyinkoodii waxbarasho ee ahaa inay Mar uun ugudbaan heer jaamacadeed, waa alle mahadiis.


Guul wacan

Photos from Ba**er siyaada secondary school-Qaw's post 19/05/2024

Sabti/ 18 may / 2024

Sodhowayn .

Malintii sabtida 18 bisha may waxa Dugsiga Ba**er siyaada secondary school-Qaw booqasho ku miyid maamulka cusub ee degaanka ba**er siyaada ( qaw) dhowan yeeshay .

Gudoomiyaha cusub ee degaanka badersiyaad ( qaw ) siciid maxamed abdiqadir
Gudoomiye ku xigeen cabdikhyr ali farax
Xildhiban goloha degaan bosaso maxamed cabdisamad , xubno ka mid ah maamulka degaanka ba**ersiyaada iyo waalidin ayaa ardayda daaburka gala qayb galy una jeedidayey ardayda dardaaran iyo dhiiri gelin ku sababsan wax waxbarashada sidoo kale maamulka ayaa ardayda baahiyahooda dhegaystay una samayey balanqaadyo .

maamulka cusub ayaa mahadcelin balaaran ujeediyey maamulkii h**e ee degaanka una qirey waxqabadka baaxada leh ay dhanka waxbarashada ka qabteen .

Sidoo kale maamulka ayaa macaliminta kulan kala xog qadasho iyo iswaraysi ah layeeshay lana soo xirey imtixaankii teeramkii 2aad ( finall exam 2023_2024 )

Photos from Ba**er siyaada secondary school-Qaw's post 15/05/2024

, 15/may/ 2024.
Imtixaanka Teeramka 2aad 2023/2024.

Waxaa Maalintii 5aad kasocda Dugsiga Sare ee Ba**er siyaada secondary school-Qaw , Imtixaanka Teeramka 2aad ee Sanad dugsiyeedka 2023/2024.
Imtixaankan ayaa Socondoona ilaa 18/05/ 2024.

Photos from Ba**er siyaada secondary school-Qaw's post 07/03/2024
Photos from Ba**er siyaada secondary school-Qaw's post 07/03/2024

Khamis /7/mar/ 2024

Waxa soo dhamaday tartan aqoon ka socday iskuulka bilihi ugu damayey, tartankan ayaa looga golahaa , aqoon kororsi iyo aqoon iswaydaarsi ardayda dhexdooda ah , tartankan ayaa waxa ku tarmayey fasalada ( class) iyada oo ugu damayn ay isu soo hareen fasalka 12aad dugsiga sare ( FORM FOUR ) iyo fasalka 7aad dugsiga dhexe ( grade seven ) , manta oo khamist waxa qabsoomay tartankii k**a damaysta ahaa ( final ) oo u dhexayey 12aad iyo 7aad ( form four vs seven ) guulaystayaasha tartanka ayaa noqday fasalka 7aad oo ka badiyey fasalka 12aad .

Maamulka iskuulka ayaa markii tartanka dhamadey u banbalyey fasalka guushu raacday iyo fasaladii aqoontoda soo bandhigay ee nasiibka iyo calafka ku harey , ugu damayn maamulka ayaa balan qaaday abaalmarin heerkeedu sarayyo inuu ku abaal marinayo 7aad .

Photos from Ba**er siyaada secondary school-Qaw's post 25/02/2024

Soo dhowayn

Wafti balaaran oo ka kala socday , jaaliyada deeganka, culimo awdiinka , aqoonyahanka deeganka , saraakiil ciidan iyo ganacsatada deegaanka ayaan iskuulka booqasho ku yimid , maamulaha iskuulka maxamed omar ayaa soo dhawayey waftiga , booqashada waftigan iskuulka ayaa ujeedkeedu ahaa u kuurgalka waxbarashada degaanka .

Photos from Ba**er siyaada secondary school-Qaw's post 23/02/2024

Khamis/22/ feb/ 2024

Xaflad doorasho

Waxa iskuulka ka qabsoontey xaflad ay ardaydu ay ku dooranaysay gudoomiyaha iyo ku xigeenka ururka midowga ardayda Ba**er siyaada secondary school-Qaw xafladan waxa soo qaban qaabiyey , ururka ardayda iyo macalinta .

Waxa gudoomiyaha ururka midowga ardayda loodortey
1 . Farxiya maxamed abdi

Halka gudoomiye kuxigeen loodortey
2. Mumtaas axmed

Maamulaha iskuulka maxamed omar ayaa u hanbalyey ardayda ladoortey kuna amaanay in ay yihiin shaqsiyaadkii iskuulka ugu firfircoona .

Photos from Ba**er siyaada secondary school-Qaw's post 09/01/2024

Talado , 09/01/2024.
Bilowga Imtixaanka Teeramka 1aad 2023/2024.

Waxaa ay manta u ahayd ardayda , macalinta iyo dhamaan shaqaalaha Ba**er siyaada secondary school-Qaw maalintii 1aad ee Imtixaanka Teeramka 1aad ee Sanad dugsiyeedka 2023/2024.
Imtixaankan ayaa Socondoona ilaa 15/01/2024 hadii rabi qadaro , guul iyo natiijo wanagsan ayaan u rajaynaa ardayda dhaman .

21/12/2023
24/09/2023

Sabti 23/sep/23

Maamulaha schoolka Ba**er siyaada secondary school-Qaw Dr maxamed omar , ayaa ardayda kala qayb qalay daabuurka isaga òo ku wacyigeliyey muhiimada ay leedahy dhireyta gudaha dhismaha schoolka iyo daryeelka dhirta schoolka .

Want your school to be the top-listed School/college in Bosaso?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address


Qaw Bosaaso
Bosaso
252

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00