30/05/2024
Khamiis, 30/Maarso/2024
DUCO IYO DARDAARAN
Maamulaha dugsiga H/dhexe iyo Sare ee Ba**er siyaada secondary school-Qaw wuxuu marka kowaad dareenka farxada leh laqaybsanayaa dhamaan ardayda rer puntland ee usoo dhamaaday imtixaankii shahaadiga ahaa ee sanad-dugsiyeedka 2023-2024 maanta oo khamiis ah 30/5/2024 , waxana u rajaynayaa in alle lakulansiiyo iyaga, waalidkood, macalimiintoodaba natiijo ay kuwada farxaan intuba.
Maamulka dugsigu wuxuu si gaar ah ugu ducaynayaa ardayda Dugsiga ba**ersiyaada ee sanadkan gashay imtixaanka shahaadiga ah ee 8aadka iyo 12aadka, in alle (swt) aanu ka khasaarin dedaalkoodii ay soo wadeen mudada maalmaha, asbuucyada, bilaha iyo sanadahaba ah. Ayna lakulmaan dhibco sarreeya ee ka farxiya.
Ugu damayntii maamulka dugsiga iyo macalimiintu waxay halkan hambalyo khaas ah uga dirayaan ardayda 12aadka ee dugsiga sare oo maanta xaqiijiyey mid kamid ah himilooyinkoodii waxbarasho ee ahaa inay Mar uun ugudbaan heer jaamacadeed, waa alle mahadiis.
Guul wacan