إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ
Maamulka, Macallimiinta iyo guud ahaan Ardayda Dugsiga Daaru Khaliil Primary School – Boosaaso waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, ehelka iyo qaraabadii uu ka baxay Alle ha u naxariistee Xudeyfi C/fataax Daad, oo ka mid ahaa ardayda dhigata Dugsiga Daaru Khaliil, gaar ahaan Fasalka 7aad.
Wuxuu ahaa arday fir-fircoon, edeb badan, isla markaana ku wanaagsan waxbarashada.
Geeridiisu waxay murugo iyo tiiraanyo ku reebtay maamulka, macallimiinta iyo ardayda dugsiga.
Waxaan Alle uga baryeynaa inuu Janatul Firdowsa ka waraabiyo, dambigiisana dhaafo, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa, macallimiintiisa iyo dhammaan ardayda dugsiga.
Ilaahay baa naga jeclaaday. Sabir iyo iimaan Alle ha inaga wada siiyo.
Daaru Khaliil Primary School Bosaso
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Daaru Khaliil Primary School Bosaso, Education, Bosaso.
18/02/2026
Xafladda abaalmarinta iyo Dhiirigelinta ardayda kaalmaha h**e ka galay imtixaanka teeramka koowaad ee Dugsiga Hoose Dhexe Daarul Khaliil.
29/08/2025
Maa'iido iyo Mushtaaq waa mataano waxayna dhigtaan Fasalka labaad ee dugsiga hoose waxay nashiido ka soo jeediyeen xafladda sogootinta dufaacadii 3aad ee ardada Daarul Khaliil.
Mohamed Ali Mohamed oo ah Xoghayaha Dalladda waxbarashada Puntland ahna Xildhibaan golaha Deegaanka Degmada Boosaaso ayaa u hambaliyo iyo bogaadin udirey ardada ka qalli badalaneysa Daarul Khaliil.
Maamulaha Dugisga Sare Imamu Shafici Maamule Farxaan oo dhiirigeliyey ardada Darul Khaliil, ballan qaadna u sameeyey.
Muuqaal Xafladda Qallinjabinta Dufaacadii 3aad ee Fasalka 8aad.
13/05/2024
بسم الله الرحمن الرحيم
Khamiistii oo ku beegneyd 09/05/2024 waxaa inoo qabsoomay xafladda sogootinta dufacadii saddexaad oo ka qallin badaleta Dugsiga Daaru Khaliil Primary School Bosaso.
17/03/2024
Ugu h**eyn Alle swt ayey mahad oo dhan u sugnaatey mahad Alle kadib Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa guud ahaa ardeyda Daaru Khaliil Primary School Bosaso gaar ahaan ardeyda kaalmaha h**e ka galey imtixaankii termka 1aad ee sannad dugsiyeedka 2023-2024, waxaan leeyahay hambalyo hambalyo guuleysta mar walba sidoo kale waxaan u hambalyeyneyaa ardeyda fasalka 8aad oo ah dufcadii 3aad ee ka qallin-bedelata Daarul Khaliil waxaan Alle uga rajeyneyaa inay ku guuleystaan hadafkooda waxbarasho.
Waxaan sidookale mahad Ballaaran aan u soo jeedineyaa waalidiinta iyo macallimiinta oo mar walba u taagan garabna nagu siiya sidii aan u soo wada saari lahayn arday tayeysan oo dhan walba ka dhisan iyagana waxaan leeyahay miisaankiina aakhiro rabbi ha idinku kabo aamiin amiin.
-----Dhamaad-------
05/05/2023
انالله واناالیه راجعون
Geeri xanuun badan
Maamuaalka, Macallimiinta iyo guud ahaan ardeyda Dugsiga Daaru Khaliil waxay tacsi u dirayaan Qoyska iyo qaraabadii uu baxay
Alle ha u naxariistee C/qaadir Abshir Gurxan oo ka mid ahaa Ardada dhigata Dugisga Daaru Khaliil Primary School Bosaso gaar ahaan Fasalka 5aad.
C/qaadir saaka ayaa la soo aasay Dugsigana shalay kaliya ayuu ka maqanaa ilaahay ha u naxaristo wuxuu ahaa arday aad u fir-fircoon oo waxbarashada ku wanaagsan kaalmaha h**ena ka gala imtixaanka. ilaahay baa naga jeclaaday. Sabur iyo iimaan Alle ha inaga wada siiyo
23/03/2023
Ugu h**eyn Alle swt ayey mahad oo dhan u sugnaatey mahad Alle kadib Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa guud ahaa ardeyda Daaru Khaliil Primary School Bosaso gaar ahaan ardeyda kaalmaha h**e ka galey imtixaankii termka 1aad ee sannad dugsiyeedka 2022-2023, waxaan leeyahay hambalyo hambalyo guuleysta mar walba sidoo kale waxaan u hambalyeyneyaa ardeyda fasalka 8aad oo ah dufcadii 2aad ee ka qallin-bedelata Daarul Khaliil waxaan Alle uga rajeyneyaa inay ku guuleystaan hadafkooda waxbarasho.
Waxaan sidookale mahad Ballaaran aan u soo jeedineyaa waalidiinta iyo macallimiinta oo mar walba u taagan garabna nagu siiya sidii aan u soo wada saari lahayn arday tayeysan oo dhan walba ka dhisan iyagana waxaan leeyahay miisaankiina aakhiro rabbi ha idinku kabo aamiin amiin.
-----Dhamaad-------
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the school
Telephone
Website
Address
Bosaso