Midowga Ardayda Bosaso Public

Midowga Ardayda Bosaso Public

Share

Kusoo dhawaw Midowga Ardayda Bosaso Public ( Bosaso Public Students Union)

Photos from Midowga Ardayda Bosaso Public's post 12/10/2020

Isniin 12/October/2020
《Xuska Sanadguuradii 66aad ee Calanka Somali 1954》
Waxaa Saaka xaflad Quruxbadan oo Masuuliyeenta Gobolka Bari Kasoo Qaybgaleen Lagu Qabtay Iskuulka Bosaso Public Secondary. Xafladaas Oo lagu waynaynayey xuska calanka. Masuuliyiinta kasoo qaybgalay waxaa kamid ah
1.gudomiye ku xigenka Gobolka Ahmed Ali Abdullahi (Ciro)
2.Abdisalan Bashir Abdisalan Duqa Degmada Bosaso
3.G/Sare Husien Ali Mohamud Taliyaha Qaybta Gobolka Bari
4. Abdullahi Hasan Abshir Gudomiyaha Waxbarashada Degmada Bosaso, Waxaan ku soo dhowayey Schoolka Maamulaha Iskuulka bosaso Public Secondary Mohamud Nor Jamac (Geedi).
Maanta oo ku beeggan sannad guuraddii 66aad ee ka soo wareegtay maalintii ugu horaysay oo la soo bandhigo naqshadda Calanka Soomaaliya ,taariikhdu markay ahayd 12kii Oktober 1954tii, waxaana Calankaan aan ku faano hal abuuray Ilaahay ha u naxriistee Maxamed Cawaale Liibaan.
Maamulaha Iskuulka Bosaso Public Secondary School Ayaa soogaba gabayey xaflada Oo ka sheekayey taarikhdii uh Soomaray Calanka Somalia iyo mudnaanta uu u leeyahay dhalinyarada in looga sheekayyo marxaladihii kala duwanaa ee uu Soomaray Calanka Soomalia
Bosaso public Secondary
Office of Students Affairs

23/05/2020

Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi wabarakaatu.

Ciid wanaagsan. عيد المبارك 🌻🌻🌻 كل عام وانتم بخير

Hadaan nahay bahda Ardayda Waxaan ugu hambalyeynayaa dhammaan ummadda islaamka ah gaar ahaan ummada Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga. Alle ha inaga aqbalo soonkii iyo cibaadadii wanaagsanayd ee aynu gudannay intii lagu jiray bishii Barakaysnayd ee Ramadaan.

Munaasabaddan Ciidul Fidriga awgeed waxaan ku boorrinayaa Dhamaan Aradayda somaaliyeed gaar ahaan ardayda in ay dadaal dheeraad ah bixiyaan oo ay nafsad ahaantooda ay wax is baraaan madama manta dunida la daalaadhacayso xanuun muusibada ah ee suurta gal ahayn in Ay suurto gasho in la helo goob wax lagu barto oo la iskugu yimaado . Waxaan kalo idiin ku boorinaya inan bulshadena iyo qoyskeena ilaalino oo aan raacno talooyinka cafimaadka mahadsanidiin

Photos from Midowga Ardayda Bosaso Public's post 04/04/2020

Sabti 4/4/2020
Kulan Wadatashi oo ka qabsoomay Iskuulka Bosaso Public secondary ayna isugu yimaadeen Maamulka iyo Macalimiinta Iskuulka waxay ka wada tashanayeen sidii Loogarsiin Lahaa casharada kadhiman Ardayda Form fourka iyadoo la Raacayo Wareegtadii kasoo baxday wasaarada waxbarshada iyo Tacliinta Sare ee dawlada Puntland.
Ardayda form 1 form2 iyo form 3 iyaguna waxay usoo diyaar garoobayaan imtixaanka finalka 18 April 2020, dhamaan macaliminta Iskuulka waxay joogayaan Iskuulka si ay ugu diyaariyaan imtixaanka finalka iyo casharada form fourka ka Dhiman iyagoo ardayda casharada u garsiinya Hab Casri ah oo ardayda casharada lagu gaarsiinayo iyagoo guryohooda jooga.
Ardayda form 1 form 2 form 3 waxaa la ogaysiinayaa In lagu imtixaamaayo inta chapter oo ay qaateen ama dhigteen maada walba Insha allahu 18 April 2020 wixii faafaahin imtixaanka la xiriira waxaa lagu soodhejinayaa derbiga isluulka.
Jadwalka imtixaanka waxaa ka helaysaa derbiga iskuulka insha allaahu


Mahadsanidin

Office of students Affiars

Photos from Midowga Ardayda Bosaso Public's post 20/03/2020

Ogaysiis Tr: 20 march 2020
KA: MAAMULAHA DUGSIGA SARE EE BOSASO PUBLIC ( MAXAMUUD NUUR JAAMAC GEED
OG: GUDIGA ARDAYDA
KU: DHAMAAN ARADAYDA DUGSIGA
KU:DHAMAAN MACALAMIINTA IYO WAALIDIINTA DUGSIGA

Maamulka Dugsiga Sare ee Boosaaso iyaga oo tixgelinaya warqaddii kasoo baxday wasaaradda waxbarashada Puntland, waxa ay ogeysiinayaan ardayda, macallimiinta iyo Waalidiinta in Dugsigu fasax yahay muddo Laba isbuuc ah laga bilaabo Malinta sabtida ah 21/march/2020 madaama wasaarada waxbarashada iyo Tacliinta Sare Puntland ay soo sartay bayaan ku aadan in la fasaxo goobaha waxbarashada Puntland.

Mahadsanidiin

Photos from Midowga Ardayda Bosaso Public's post 15/02/2020

▪Sabti 15/2/2020

Waxay ahayd madal bilan oo boqran
Ururka Midowga Ardayda Bosaso Public ayaa sanadkii labaad oo xiriir ah qabanaya barnaamjika Bandhiga hidaha iyo dhaqanka iyo Tartan sugaaneedka Aradayda Bosaso Public. barnaamijkan ayaa ah mid taxane ah oo sanad walba uu ururku qabto.

Ujeedooyinka ugu waa wayn ee looga gol leeyahay tartankan ayaa ah in lasoo saaro abwaano da'yar oo hibo leh iyo in kor loo qaado Tayadada afka somaaliga lanna adkeeyo cududa dhaqankeena suuban.

Hal ku dhiga Tartanka ee sanadkaan ayaa ahaa
" Haybso Dhaqankaaga Hooyo"

Tartanka ka dib waxaa meesha hadalo kala duwan ooo wax ku ool ah ka soo jeedshay,
▪maamulaha iskuulka MUDANE : MAXAMUUD NUUR JAAMAC (GEEDI) IYO qaybo kamid ah Macalimiinta Dugsiga. sidoo kale waxaa kalmad Bogaadin iyo maanso Dhaqanka ku saabsan ka soo jeediyay bandhiga Gudoomiyaha Ururka Midowga Ardayda Bosaso Public : MAXAMED CISMAAN YUUSUF ( QOSLAAYE)

Guntii iyo gabagabadii barnamaijka
Ugu dambeyn Wuxuy inoogu soo dhamaaday Jawi farxadeed.

Balanteenu waa " Haybso Dhaqankaaga Hooyo"

13/02/2020

✔URURKA MIDOWGA ARADAYDA BOSASO PUBLIC
Ayaa daah furaya wajiga Labaad ee Bandhiga Hidaha iyo dhaqanka Iyo tartan suuganedka ardayda Bosaso publc. Subaxa sabtida ah tariikhduna tahay 15/2/2020 insha allah .

▪Hal ku dhiga bandhiga iyo tartanka ayaa sanadkan loogu magac daray 《Haybso Dhaqankaaga Hooyo》

▪Ujeedooyinka ugu waa wayn ee looga gol leeyahay Bandhigan ayaa ah in lasoo saaro abwaano da'yar oo hibo leh iyo in kor loo qaado Tayadada afka somaaliga

Photos from Midowga Ardayda Bosaso Public's post 26/12/2019

KULAN - WADIIQO & WAANADEYD
Maalinimo Khamiis ah
Tariikhduna tahay 26-Dec-2019

Dhalinyarada Ururka Midowga Ardayda Bosaso Public oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Ururka Iyo xubna kale oo
Booqasho ku tagay Dugsiga Hoose Dhexe Ee Bosaso Public Primary School

Waxaa dugsiga si habsami leh inoogu soo dhaweeyay Maamulka , Macalimiinta iyo dhamaan aradayda Bosaso Public Primary School

xubnaha booqashada Saakay ku tagay dugsiga Hoose ee Bosaso Public Primary Ayaa kala ahaa :-
1. Maxamed Cismaan yusuuf( Qoslaaye) Gudoomiyaha Ururka
2.Asmaa maxamuud Cilmi
Gudoomiye Kuxigeenka ururka
3.Abdiqani Aadan diirad
Gudoomiyaha G.Boorka
4.Maryan Fu'ad warsame
Gudoomiyaha X.khilaafaadka
5.C/xakiin Fuaad Maxamuud
Afhayeenka - ururka
6.Kowsar Kooshin Yaasiin
xubin- Golaha Boorka

Dhalinyarada Ururka Midowga Ardayda Bosaso Public oo ah dhalinyaro si iskood ah isku xilqaamay ayaa u taagan doorka Wacyegelinta Ardayda Iyo Horumarinta Iskuulkooda

Af-Soomaali - Naxwe 25/12/2019

Naxawaha Afsomaaliga Hadaad Taqaan Tijaabi kadibna natiijada Hoos inoogu reeeb Mahadsanid

Af-Soomaali - Naxwe

Photos from Midowga Ardayda Bosaso Public's post 25/12/2019



Maamuus hadii ruux la siin magacna loo yeeli
Mansab iyo hadday darajo sare cidi mulkiyahayso
Qofka mudan milge loo taxoo lagu mafsuudsiiyo
Inuu yahay midkii macalinaan muran ka taagnayne

Miisaanka wuu weyn yahoo maragna loo noqoye
Maankiyo wuxuu korinayaa maskaxaa ugube
Malaayiin qof buu soo baxshaa oo muraayad ahe
Barbaatuu halkii midho leh ee mankuna buuxo
Geedaha magoolaaya dajin una miciinaaye
Masagadu waxay quud u tahay muruqa waax yaha e
Aqoontana naftaa maasha oo lagu macsuumaaye
Cilmi baa ka soo maaxda oo lagu majeertaaye
Misbax weeye nuur faafiyoo cidi ma moogana e
Madxdiyo raggan talo qabtee xilalka loo meersho
Isagaa duruustii macaan h**e u muudsiiyay

Waa maayad biyihii macaan miida daadisa e
Maandeeq sideedii ayuu maqasha koriyaaye
Martidiisa wuu soorayaa waa markhaati la’e
Inu maganta daadihin yaqaan uunku wada maqalye
Maamiyo adoogeen kadib mudanka weeyaane
Madadaaliyuu noo yahoo waa murtina daadshe
Abaalkuu mutaystaan marnaba cidi maleyn karine
Waa lagama maarmaan bulshadu ay u muhataaye
Markab weeye lagu haafo bado mawjadaa kaca e

Kolka mayaygu meel uu ka da’o ama mahiigaanku
Macaluul kuwii liitaybaakhayr muquursama e
Casharada markuu bare marshaa uu madiixinayo
Madaw iyo qofkii jaahilnimo meel mugdiya joogay
Marin iyo dariiq buu u furi uu mashxaradaaye
Masaalkiisu waa shamac baxoo madhiya ruuxdiisa
Dadka kalena wax u muujiyoo moosay baahiyo e
Masuuliyad laxaad laa ku raran maamul iyo hawle
Mushahaarka maal badan ma rabo moodhar yaal jariye
Masaakiin bilaash buu ku siin midho aqooneede
Manfaciisa kuma koobi karo meerisyadan gabaye
Ardayahay bal malabkaas jaqoo mariya dhuuntiina

Maalmihiisa kii daayacay murugo jaaraane
Mukhawigu dharaar buu gartaa marin habboonaaye

Wakhtigaagu yuu madhan ado mooggan idilkiise
Yaraantiisa ruuxii mintida miriradaas daala
Waynida inuu mahadiyaa waa muwaafaqade
Mirikaad dhalaan tahay ka bogo miir laguu dhigayo
Minankaa wax lagu daalacdaa milay habeenka ahe
Darsi shalaysto uu ku marshuu manta ku su’aalo
Inaad wada micneysaa habboon adon ka maagayne
Maskuunbaa ninkii dayn malgoon mici ka dhawrayne
Misigtuu ka jabayaa ninkaan macalin xeerine
Yooyootankaa mur ku ah iyo masaabiire
Muran iyo adoon buuq la iman muuji sida fiican
Meelmari dhawaaquu ku faro maanku yuu jabine

Majiiraha u jexiyo ogoow mara halkuu leeyay
Macaasidu intaad haysay bay kaa masaxaysaaye
Mawlaha ilaahay ka baqa Muxamadkii raaca

Midowga ardayda Bosaso public

Photos from Midowga Ardayda Bosaso Public's post 29/11/2019

XUSUUS 12/2/2019 Goobta : Bosaso Public

▪ waxay ahayd madal bilan oo boqoran madal milkaheedu aad usareeyo maalin aan la iwaali karin ayay ahayd Goobta: BOSASO PUBLIC SECONDARY SCHOOL Subaxnimo arbaco ah BARNAAMIJKA BANDHIGA HIDAHA IYO DHAQANKA SOMALIYEED Barnaamijka ayaa ahaa barnamij aad u xamasaad badan barmaaij misaan iyo Mug weyn leh barnaamij quruxbdan oo lagu soo mujiiyay Hidahena hodanka wa malin qoran . Waxaa malinta fagaaraha Iskuulka lagu soo bandhigay agab somaaliga qaybihiisa kala duwan iyo Sugaanta Noocyadeeda Kala duwan. Waxa barnaamijka uu ahaa mid Dhaxal gal ah . Barnaamijka ayaa Ahaa mid laku bixiyay waqti iyo juhdi badan madama ay muhiim tahay in dhaqankeena aan kor uqaadno Oo aan Milgihiisa iyo sharaftiisa so bandhigno.
SIDA SAWIRADA HOOSE KU ARAGTAAN WAA ARDAYDII BARNAAMIJKA HAL KU DHIG U AHAA IYO ARADY KALE OO KA MAQANBA.

Photos from Midowga Ardayda Bosaso Public's post 22/11/2019

Maamuus hadii ruux la siin magacna loo yeeli
Mansab iyo hadday darajo sare cidi mulkinayso
Qofka mudan milge loo taxoo lagu maqsuudsiiyo
Inuu yahay midkii macalinaan muran ka taagnayne

Miisaanka wuu weyn yahoo maragna loo noqoye
Maankiyo wuxuu korinayaa maskaxaa ugube
Malaayiin qof buu soo baxshaa oo muraayad ahe.

Photos from Midowga Ardayda Bosaso Public's post 09/11/2019

SABTI 11/ NOV/ 2019
Waxaa Maanta Booqasho Nooguyimi Sh.Osman Mohamud Haji iyo Sh.Ahmed Yusuf Daad oo Kamid ah guddiga Gurmadka Fataahadaha Beledweyne Si loogu wareejiyo Lacag ay Ardayda, Macalinta iyo Maamulku ugu Tabaruceen Walaalahood Reer Beledweyne.
DHaqaalaha lagu wareegiyey Gudiga wuxuu Ahaa Mid Ay Ardayda iyo Macalintu Isu Xilqaameen ka Qaybqaadasha Fatahaadaha Webega Shabeelle iyo Jubba,
Lacagta Maamuluhu ku Wareejiyey Xubnaha Guddiga Kamid ah waxay Ahayd Lacag dhan $1260. Oo Asbuucii lasoodhaafay ama 5 beri Guduhood Ku Ururiyeen Ardayda iyo Macaliminta Bosaso Public si Wadajir ah.
Waxay Gudigu Aad ugu Amaaneen Maamulka,Macaliminta Iyo Ardayda Bosaso Public Sida Mugga Leh Oo Ay Uga Qayb Qaateen Gurmadka Walaalahood Reer Beledweyne.
Shiekh Ahmed Yusuf Daad Oo Ardayda Lahadlay Wuxuu Caddayey In Iskuulka Bosaso Public Yahay Hurmuudka Waxbarsha Puntland Tayo Ahaan Iyo Nidaam Ahaanba iyo Sida Ay Maamulka, Macalinta Iyo Ardaydu Isugu Xiranyihin oo Isugu Duubanyihiin,
Sidookale sh.Osman Mohamud Haji Dirir Ayaa isna Ardayda Duco Iyo Bogaadin Usoo Jeediyey .
Intaa Kadib Mamulaha Ayaa Ardayda Hortooda Ku Wareejiyey Lacagtii Gudiga Fatahaadaha Webiyada Jubba Iyo Shabeele.
BOSASO PUBLIC SECONDARY
OFFICE OF STUDENTS AFFIRS
https://www.facebook.com/631633283587976/posts/2476412349110051/

Want your school to be the top-listed School/college in Bosaso?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address


Bosaso