Dr. Ahmed Hajji Abdirahman Institute-Bosaso

Dr. Ahmed Hajji Abdirahman Institute-Bosaso

Share

Mac-hadku wuxu bixiyaa waxbarasho aasaasi ah oo tayo sare leh, kana kooban Dugsi Hoose ilaa mid Sare [1-aad ilaa 12-aad].

Taas oo sanadkii labo fasal la-isku qaato. Wixii Faah-faahin ah oo intaa dheer waxa aad kala xiriiri kartaa
[ +252907790751 , +252907766098, +252907622526 ].

16/12/2025
Photos from Dr. Ahmed Hajji Abdirahman Institute-Bosaso's post 16/12/2025

Machadka Waxbarashada Dr Axmed 16/12/2025
Maanta oo ah Talaado waxaa si habsami leh noogu qabsoomay diiwaangelinta ardayda Fasalka 8aad ee Dugsiga Dhexe iyo Fasalka 4aad ee Dugsiga Sare ee Sannad Dugsiyeedka 2025-2026.
Diiwaangelintaas oo ay samayso Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland sannad dugsiyeed walba.

Dhamaad

Photos from Dr. Ahmed Hajji Abdirahman Institute-Bosaso's post 13/11/2025

Maanta oo ay taariikhdu tahay 13/11/2025 waxaa noo soo dhamaaday imtixaanka dhexe (Fasalka h**e ) ee sannad dugsiyeedka 2025-2026.
Maamulka iyo macalimiinta Machadka Dr Axmed waxay guul u rajaynayaan ardayda imtixaanka u soo dhamaaday

.........................................Guul wacan......................................................

Photos from Dr. Ahmed Hajji Abdirahman Institute-Bosaso's post 10/11/2025

Booqasho Waxbarasho

Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 10/11/2025 Machadka Dr. Axmed Bosaso booqasho ku yimid madax ka socota jaamacadda Bariga Afrika oo ay u hogaaminayeen:
 Prof C/salan Ciise Salwe ( Gudoomiye ku xigeenka jamaacada Bariga Afrika)
 Mr: C/rahman Ibraahim Diiriye ( Gudoomiye ku xigeenka jaamacada bariga afrika faraca Garoowe )
Waxay si wadajir ula hadleen ardayda Machadka iyagoo ku boogaadiyey fursadda waxbarasho ay ka faa’iidaysteen kuna dhiirigaliyay waxbarashada inay sii wataan.
Maamulka Machadka Dr. Ahmed Bosaso ayay masuuliyiintaas kulan gaar ah la qaateen waxayna Maamulka Machadku uga xog warameen habsami u socodka howlaha waxbarasho ee ka socda Machadka iyo fursadaha qaaliga ah ee machadku u hayo bulshada .

25/08/2025

OGAYSIIS, OGAYSIIS, OGAYSIIS

Maamulka machadka Dr. Ahmed Hajji Abdirahman Institute-Bosaso waxa uu bulshada Magaalada Boosaaso ku wargelinayaa in uu dib u furmayo sannad-dugsiyeedka cusub ee 2025-2026.

Diiwaangelintu waxay bilaabanaysaa 26-08-2025.

Casharaduna waxa ay bilaabanayaan 01-09-2025

Photos from Dr. Ahmed Hajji Abdirahman Institute-Bosaso's post 29/05/2025

Hambalyo dhammaan ardayda dugsiyada sare ee Puntland ee maanta imtixaanku u dhammaaday.

Si gaar ah waxaan ugu hambalyeyneynaa ardayda form Four-ka ee DR. AHMED BOOSAASO ee uu maanta u soo dhammaaday imtixaankii fasalka 4aad ee dugsiga sare.

Ilaahey haydinka yeelo kuwii horay u socda, nolol qurxoon samaysta, dhiggoodna u sarreeya.

Photos from Dr. Ahmed Hajji Abdirahman Institute-Bosaso's post 27/05/2025

Hambalyo iyo Bogaadin.
Maamulka, macallimiinta iyo dhammaan Bahda Machadka Waxbarashada Dadka Waaweyn ee Dr. Ahmed Hajji Abdirahman-Boosaaso waxa ay hambalyo, bogaadin iyo ducaba u dirayaan ardayda fasalka 8aad ee Dr. Ahmed Hajji Abdirahman kuwaas oo uu maanta u soo gebageboobay imtixaanka shahaadiga ah ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland.

"Adduunyada tacliin iyo clmaa lagu tanaadaaye
Kuwa samada tegey waa aqoon waxay ku tookhaane
Tartan bay ku gaareen halkaa Kuna tisqaadeene"

Waxaan idiin rajeynaynaa in aad hayaankiinna waxbarasho sii wadataan, kana gaadhaan meesha ugu sarraysa

Hambalyo mar kale

10/03/2024

Taariikhdii Allah ha u raxmadee Sh/ Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan

Magaciisu waa Dr. Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan Maxamed Xirsi. 1958-dii ayuu magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ku dhashay. Yaraannimadiisa iyo waxbarashadiisa dugsiga Quraanka iyo dugsiga hoose waxa uu ku qaatay isla Gaalkacyo. Wuxuu se tii dhexe iyo tii sare ku qaatay una wareegay magaalada Muqdisho iyo Iskuulka Jamaal Cabdinaasir.

Sheekhu waxa uu ka soo jeeday qoys maammuus ku dhex lahaa magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug. Aabbihii waxa uu kamid ahaa Odayaasha deegaanka iyo nin ehlu diin ah. Awoowgiisa hooyo Cismaan Yuusuf waxa uu ahaa nin aftahan ah oo gabyaa ah oo suugaanyahan ah oo halganka gobannimadoonka Soomaaliya qayb ka ahaa.

Sheekha marka uu dhammeeyay dugsi sare waxa uu 1976-dii galay kulliyadda Military-ga oo ay Dawladda Soomaaliya u dirtay. Magaalada Moosil ee Ciraaq ayuu afar sano ku maqnaa, waxa uuna soo laabtay isaga oo Sarkaal Military ah oo hal xiddigle ah, tii labaadne la siinayo. Sababka uu tababbarka u soo qaatay ayaa ahaa inuu ku jiray ururkii Islaamiga ahaa ee Al-Ahli, deedna isaga iyo rag kale ayaa lagu khasbay inuu dhinaca Military-ga ee Dawladda galo si mustaqbalka uu Islaamka wax ugu qabto.

1980-kii kolka uu Soomaaliya ku soo laabtay Sheekha oo dantii laga lahaa laga gaaray tababbarka ayuu Sarkaalnimadii iyo ciidankii iska ruqseeyay oo uu waxbarasho u aaday dalka Sucuudiga. Jaamacadda Ummul Quraa ee Maka Almukarramah ayuu ka galay Kulliyadda Dacwada iyo Usuusha Diinta, gaar ahaan Kitaabka iyo Sunnada. Halkaas ayuuna heerarkiisa waxbarasho ee diinta ku qaatay illaa 1999-kii lagu guddoonsiiyay shahaadada PHD ama DR. Sheekh Axmed isaga oo la lee yahay magaalada barakaysan ee Maka macallin jaamacadeed ka noqo oo deg ayuu ka doorbiday inuu Soomaaliya oo burbursan ku laabto oo wixii uu soo bartay ummaddiisa kula laabto.

Markii uu ku soo laabtay Puntiland ayuu Boosaaso ka asaasay Jaamacadda Bariga Afrika isaga oo macallin iyo maamulba ka noqday. Halkaas ayuuna duruusta diiniga ah ku bixin jiray oo uu ku noolaa illaa subax kamida bisha December ee 2011-kii la DILAY!

Maalinkii la duugayay waxaa qabrigiisa ka wada hadlay qaar kamida Culamadii iyo iyo qayb kamida madaxda Puntiland. Waxay halkaas ka wada sheegeen in dilka Diktoor Sheekh Axmed ay ka dambeeyaan ururka Alshabaab (AS).

Kolka ay Maxaakiimtii burburtay ee Culamadii iyo jilba-culustii ku dhawaqday in hubka la dhigo oo fursad la siiyo dawladda kumeel-gaarka ah ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa ku gacansayray koox dhalinyaro ah oo uu horboodayo Axmed Godane oo markiiba ku dhawaaqday urur la magacbaxay Alshabaab (AS). Waxayna halkoodii ka sii wadeen qoriga iyo qaraxa. Kolka laga tago dagaalka tooska ah ee AS ay dawladda kula jireen waxaa kale oo socday dagaal dadban oo ay Culimada ku bilaabeen illaa ay toos markii dambe u caddaysteen. Mareegaha internetka iyo warbaahinta waxaa ka billowday ol’ole ka dhan ah Culimada oo soo maray marxaladooyin kala duwan.

Waxaa lagu sheegaa in ol’olahan ay AS uga dan lahaayeen inay culays ku saaraan Culimada, si ay safkooda u soo galaan. Bilowga ol’olaha iyo marxaladdii koowaad waxa uu ahaa “Culimadu Jihaadka si buuxda ha u taageeraan.” Waxaa xigay “Culimadu Jihaadkii bay hagradeen”. Waxaa soo baxday Culimo ka digaysa ku biirista AS iyo ficilladooda. Dhanka kale, AS waxa ay u gudbeen marxaladdii saddexaad ee ol’olaha oo ahayd; “Culimadu jihaadka ha taageeraan ama haka aamusaan.” Kolkii ay soo bateen dhaliilaha iyo qayladhaanta Culimada ayaa marxaladdii kalaguurka loo gudbay iyada oo ol’olaha markani laga ilaaliyay magaca Culimo oo ay AS ugu yeertay; “Wadaadxumayaasha ama Jihaad-diidayaasha.”

Mudo yar markii ol’olahaas iyo ciwaannadaas la naaxnaaxiyey si loogu gogol xaadho marxaladda shanaad ayaa waxaa billaabantay marxaladii u dambaysay ee shanaad ee duulaanka qaawan iyo luuqadii ahayd; inaga ama iyaga, taasoo ah in cid walba oo aragtidooda aan la qabin in lagu riixo safka cidda ay is hayaan ee ay cadowga u yaqaanaan. Waxaana markani ay AS billowday ugaarsiga Culimada iyo waxgaradka Bulshada. Sheekh Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan Maxamed waxa uu kamid ahaa Culimada aadka uga hadashay bahalnimada AS, uga digtay bulshada inay ku biiraan oo ay u arkayeen inay caqabad iyaga ku yihiin. Haddaba sidee loo dilay Sheekha?

Waa 5-ta December ee 2011-kii. Waa aroor isniinaad oo aysan badi soo kicin reer Boosaaso, kolka laga tago in kooban oo Ilaahay dartii dhanka masjidka u luudaysay. Qaar kamida luuqyada xaafada Carriga ee Boosaaso waxaa si dhiirran mugdiyadooda uga dhex dusayay 53-jir lixdii shawaal maalinteeda shanaad sooman. Waa Dr/Sheekh Axmed oo salaadda subax u socday. Masaajidka iyo gurigiisa waxaa u dhexeeyay dhawr guri oo kaliya. Waxa uu soo lixaadsadayba waxa uu soo galay Masaajidka Xasan Binu Cali. Kolka uu sidaa gudihiisa u eegay waxa uu ku arkay dhawr oday oo qaarkood qufacayay iyo saddex dhalinyaro oo mid kamida uu safka koowaad fadhiyay. Intuu ku farxay barbaarta aadaanka soo ajiibtay, halka asaagooda ay hurdaan ayuu kabaha iska siibay oo dhanka safka koowaad soo aaday.

Waxa uu labadii rakcadood ee sunnada ahaa ee salaadda subax ka horreeyay ee dunida iyo wixii dulsaaran ka fadli badnayd ku garab tukaday barbaarkii safka koowaad fadhiyay. Kolkii uu ka baxay daqiiqado kadib waxaa la galay salaaddii subax. Markii iyadii laga baxayna waxa uu Sheekha galay adkaar iyo dambi-dhaaf dalbasho. Malaha waxa uu ogaa in daqiiqado uun wakhtigiisa ka dhiman yihiin!

Saddexdii barbaar mid kamida ayaa baxay, halka labadii kalena ay ku nagaadeen masaajidka. Axmed Maxamed Cali oo kooxda AS looga yaqaano Abuu Mustafa ayaa ahaa midka bannaanka u baxay. Waxa uu qaabilsanaa sahanka iyo xog ururinta. Isaga ayaana soo sheegay halka uu sheekha degenaa, luuqyada iyo waddooyinka uu marayay, halka uu fadhiisan jiray iyo guud ahaan xogtiisa oo dhan. Abuu Mustafa waxa uu markaa u baxay inuu hubiyo xaalka iyo jawiga bannaanka oo ay ugu horraysay askarta joogta saldhig u dhawaa masjidka. Daqiiqado kadib waxaa uu Abuu Mustaf soo wacay barbaarkii safka koowaad fadhiyay ee uu Sheekha ku ag tukanayay. Waa Cabdiraxmaan Axmed Sheekh Cumar (Abuu Ayaanle). Waxa uu Abuu Mustafa sheegay inay wax walba diyaar yihiin oo sidii loogu tala galay yihiin. Markiiba Abuu Ayaanle iyo barbaarkii kale ayaa bannaanka u soo baxay iyaga oo qaaday luuq ay xogtiisa hayeen oo ah ka uu soo mari doono Sheekha.

Qiyaastii daqiiqado kolka ay socdeen oo ay dhaafeen afar guri ayay istaageen oo ay isku nabeen gidaar mugdi iyo qashin badnaa. Waa sida uu u qorsheeyay Abuu Mustafa oo isagane taagnaa gidaarka guriga Sheekha oo goobta ka dhawaa. Sheekh Axmed oo aad moodo inuuba qayb ka yahay qorshaha dilkiisa ayaa soo baxay goor ay si wanaagsan isu diyaariyeen qolyihii khaarijin lahaa. Dadka qaar ayaa sheega inuu nin la socday Sheekha, halka qaarna ay dhahaan dhexda ayay isaga soo dhaceen.

Si kastaba, kolka uu soo gaaray luuq dhammaadkiisu uu yahay isla dhammaadka nolosha Sheekha ayaa waxaa dhinaca midig uga soo booday Cabdiraxmaan Axmed Sheekh Cumar (Abuu Ayaanle) oo inta bistooladdiisa la soo baxay afar xabadood wajiga iyo laabta kaga dhuftay. Sheekh Axmed si culus oo dhabar dhabar ah ayaa uu u dhacay, waxaana halkii ka cararay saddexdii barbaar. Mar walba oo ay sii fogaanaysay shanqarta kabahooda waxaa sii fogaanaysay suurtagalnimada nolosha iyo neefsiga Sheekha illa ay isku mar go’een shanqarta kabahoodii iyo naftii Sheekha Alle ha ka raalli noqdee. Waxaana halkaa ku soo gebagebowday nolosha 53 sano oo waayo badan, waxbarasho badan, wacdi badan, waxqabad badan, wacyi badan, waano badan iyo wadaadnimo u soo joogtay oo ummadda kaalin ugu jirtay.

Marka laga tago saddexda barbaar ee fulisay dilka Sheekha, waxaa si guud iska kaashada khaarijinta diktoorka 12 nin iyo hal haweeeney ah oo ahayd Shabakada madax jabiska ee Boosaaso oo uu horjoogahoodu ahaa Xasan Surato (Abuu Ibraahim). Siday u dhan yihiin 2013-dii ayaa laga dabageeyay Sheekha Axmed. Amarka dilka Sheekha waxay toos uga timid Axmed Godane oo kolkaa ahaa Amiirka Kooxda AS Ibliis ha ka raalli noqdee.
Xigasho: Aw Dacar

01/12/2023

Rasuulku (SCW) wuxuu yiri: "Ilaahey iyo Malaa'igtiisuba iyo samooyinka iyo dhulka iyo xataa quraanjada godkeeda ku jirta iyo xuutkaba waxay ku sallinayaan qofka dadka khayrka bara".

Macallinku waa barbaariyaha ubadkeenna. Waa kobciyaha garaadkeenna. Waa toosiyaha bulashadeenna.

Haddaba innaga oo raacayna sunnada nebigeenna (SCW), waxaa laynaga doonayaa inaanu ixtiraamno macallinkeenna, xushmayno, weynayno oo qadarino.

Photos from Dr. Ahmed Hajji Abdirahman Institute-Bosaso's post 21/11/2023

Hambalyo dhammaan Barayaasha Soomaaliyeed.
Barbaariyaha ubadkeenna,
Koriyaha maankeenna,
Kobciyaha garashadeenna.

19/07/2022

HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO.

Maamulka iyo macallimiinta Machadka Horumarinta Bulshada ee Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan faraciisa Boosaaso waxay halkaan hambalyo iyo bogaadin uga dirayaan Maxamuud Cabdullaahi Ismaaciil oo kaalinta 5aad ka galay tobanka arday ee ugu sarraysa natiijada imtixaanka dugsiyada dhexe ee Puntland.

09/02/2022

Farriin waano iyo wax sheeg ugu filan jiilka nasiibka u yeeshay in ay dugsiyada aadaan, calaacal iyo uur ku taallana uga dhan ubadka danta iyo waayuhu u saamixi waayeen in ay waxbartaan.

Want your school to be the top-listed School/college in Bosaso?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


New-bosaso
Bosaso