Imaamu kisaa'i schools - Bosaaso

Imaamu kisaa'i schools - Bosaaso

Share

Hoyga aqoonta iyo akhlaaqda

15/02/2026

Muuqaal 2 : Munaasabadda abaal-marinta ardayda kaalmaha ka galay imtixaanka teeramka koowaad ee iskoolka Imaamu Kisaa'i - Qaybta Taqwa.

"HAL KU DHIGGEENNU WAA HORUMARINTA IYO TAYAYNTA ARDAYDA"

Photos from Imaamu kisaa'i schools - Bosaaso's post 14/02/2026

Hambalyo iyo bogaadin 🌟📚

Khamiis, oo ay taariikhdu ku beegnayd 12/2/2026, waxaa si heer sare ah u qabsoomay munaasabad lagu maamuusay laguna abaalmariyey ardaydii kaalmaha h**e ka galay imtixaanka teeramka koowaad ee uu qabtay Iskuulka Imaamu Kisaa'i - Qaybta Taqwa.

Munaasabaddan qiimaha badan waxay ahayd mid lagu dhiirrigelinayo dadaalka, kartida iyo anshaxa suubban ee ay muujiyeen ardaydeennu muddadii waxbarashada.

Abaalmarintani ma aha oo kaliya hadiyado la bixiyey, balse waa aqoonsi iyo qaddarin ku wajahan juhdiga iyo waqtiga ay geliyeen horumarkooda aqooneed.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa ardayda kaalmaha h**e gashay, annagoo ku boorrinayna inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda. Sidoo kale, dhammaan ardayda kale waxaan ku dhiirrigelinaynaa inay ka faa’iidaystaan tartankan aqooneed si ay mustaqbal ifaya u dhistaan.

Mahad gaar ah waxay u sugnaatay maamulka, macallimiinta iyo waalidiinta oo door weyn ka qaatay kobcinta iyo garab istaagga ardayda.
Guushu waa mid wadajir lagu gaaro.

Ugu dambayn, Iskuulka Imaamu Kisaa’i wuxuu mar walba u taagan yahay dhiirrigelinta tacliinta, tayeynta waxbarashada iyo soo saarista arday leh akhlaaq iyo aqoon isku dhafan.

Hambalyo mar kale dhammaan ardayda guulaystay.

Guul iyo gobannimo waxbarasho!

28/01/2026

Mudane waalid si aad ula socoto imtixaanka dugsiga billaha mid teramka &finally examka fadlal guji linking hoose islamarkaana geli STD ID:- si aad uhesho natiijada ardayga.
https://imamukisai.com/showresult.aspx

02/09/2025

Kisaa,i school waa hoyga aqoonta iyo barbaarinta.

Photos from Imaamu kisaa'i schools - Bosaaso's post 01/09/2025

War-gelin:
Waxaa lagu wargelinayaa dhamaan waalidiinta iyo ardeyda dugsiga Imaamu kisaa'i schools - Bosaaso in dugsiga dib loo furay islamarkaana ay duruustu bilaabanayso 1/9/2025, hadaba waxaa laga codsanayaa dhammaan ardayda in ay soo xaadiraan dugsiga.

Sidoo kale dugsigu wuxuu qaadanayaa ardey cusub oo isugu jirta xadaano ilaa fasalka 8aad hadaba h**ey ugaar dugsiga Imaamu kisaa'i schools - Bosaaso .

21/04/2025

Mid ka mid ardayda wax ka barata dugsiga oo qudbad qiimo leh soo jeedisay.

19/04/2025

Dugsiga imaamu-kisaa'i bosaso ayaa shahaadooyin gudoonsiiyay arday baratay qur'aanka kariimka.

19/04/2025

67 arday oo dhameysatay quraanka kariimka & 53 arday oo ka gudbaysa fasalka 8aad ayaa xaflad loogu qabtay beerta rays ee bosaso.

25/01/2025

Mudane waalid si aad ula socoto imtixaanka dugsiga billaha mid teramka &finally exam fadlal guji linking hoose islamarkaana geli STD ID:- si aad uhesho natiijada ardayga.

School Management System

29/08/2024
29/08/2024

War-gelin:
Waxaa lagu wargelinayaa dhamaan waalidiinta iyo ardeyda dugsiga Imaamu kisaa'i schools - Bosaaso in dugsiga dib loo furayo islamarkaana ay duruustu bilaabanayso 1/9/2024, hadaba waxaa laga codsanayaa dhammaan ardayda in ay soo xaadiraan dugsiga.

Sidoo kale dugsigu wuxuu qaadanayaa ardey cusub oo isugu jirta xadaano ilaa fasalka 8aad hadaba h**ey ugaar dugsiga Imaamu kisaa'i schools - Bosaaso .

Fg: Dugsigu wuxuu leeyahay qayb u gaar ah barashada quraanka kariimka. taas oo ay ka faa,iideysan karaan dadka daneynaya barashada quraanka waqti kasta.

Want your school to be the top-listed School/college in Bosaso?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Bosaso