25/09/2025
Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan ardayda ka soo baxay dugsiyada sare ee dalka in ay bilaabatay is-qoristii Machadka Barashada Badmaaxida iyo Kaluumeysiga ee Somali Marine Academy (SMAFSI).
Machadkani waxa uu bixiyaa koorsooyin xirfadeed oo heer sare ah oo ku saabsan cilmiga badda iyo kalluumeysiga, kuwaas oo muhiim u ah mustaqbal shaqo iyo horumar aqooneed.
Koorsooyinka la bixiyo waxaa ka mid ah:
Navigation (Hagidda maraakiibta)
Fisheries Technology (Tiknoolajiyada kalluumeysiga)
Seamanship / Sea Survival (Xirfadaha badmaaxnimo & badbaadada badda)
Marine Environment (Deegaanka badda)
Boat Building (Dhismaha doonyaha)
Marine Engineering (Injineeriyada badda)
Swimming (Sabbeynta)
Net Mending (Dayactirka shabaagyada kalluumeysiga)
Rope Working (Xirfadaha xargaha badda)
Fisheries Management (Maareynta kalluumeysiga)
๐ Muddada waxbarashada: 2 sano
๐ป Habka waxbarashada: Machadku waxa uu soo kordhiyay barashada Online-ka si uu ardayda ugu fududeeyo helitaanka aqoon tayo sare leh meel kasta oo ay joogaan.
๐ Goobta Machadka:
Bosaso, Puntland โ Agagaarka Geedka Qabriga, Daarta dheer ee reer Xareed.
๐ Wixii faahfaahin ah iyo is-diiwaangelin ah kala xiriir:
Tel: 0907726316
08/05/2025
๐๐จ๐ฌ๐๐ฌ๐จ: ๐๐.๐๐๐ฒ.๐๐๐๐
Machadka Culuumta Badda ee SMAFSI (Somali Marine Academy Fishiriea Science Institute) ayaa tababar xirfadeed oo socday muddo todobaadyo ah si rasmi ah ugu soo xiray magaalada Boosaaso.
Tababarkaan oo ay ka faaโiideysteen 100 arday ayaa diiradda lagu saaray xirfadaha la xiriira cilmiga badda, kaaluumaysiga casriga ah, ilaalinta deegaanka badeedka, iyo hababka maaraynta kheyraadka badda.
Ujeedada tababarku waxay ahayd in la kobciyo aqoonta dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku saabsan badda, taasoo muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha bulshooyinka xeebaha deggan iyo xoojinta ka faaโiideysiga kheyraadka dabiiciga ah ee baddeena hodanka ah.
Machadka SMAFSI wuxuu sii wadi doonaa dadaallada kor loogu qaadayo tayada xirfadeed ee dhalinyarada, si ay uga qayb qaataan koboca dhaqaale iyo ilaalinta deegaanka badda.
Hambalyo dhammaan ardayda tababarka dhamaystay!
Badda waa noloshaada โ baro, badbaadi, ka faaโiideyso.
More info Contact us +252907726316
25/02/2025
๐๐จ๐ฌ๐๐ฌ๐จ: ๐๐.๐๐.๐๐๐๐
Qeyb ka mid ah Ardayda Machadka barashada Culuumta Badda ee Somali Marine Academy ( SMAFSI ) oo dhamaystay qeybo ka mid ah tababarad Pratical-ka ah ee uu Machadku bixiyo.
Inta tababarku socday Ardaydu waxay qaateen casharada dabaasha, Kaxeynta doonyaha, Seamandhip, Sea survival iyo jilaabashada kaluunka.
Machadku waxa uu mar walba u taaganyahay in uu soo saaro jiil diyaarsan oo ka faaโidaysta kheyraadka Dalkooda.
Wixii faahfaahin ah nagala soo xiriir Number-ka Maamulka Machadka 0907726316
25/01/2025
๐๐๐๐ญ๐ข: ๐๐ ๐๐๐ง๐ฎ๐๐ซ๐ฒ ๐๐๐๐. Maamulaha machadka Somali Marine Academy ( SMAFSI ) Eng Maxamed Maxamuud Quluxiye ayaa ka qeyb galay xafladda daah-fura kuliyadda Kaluumaysiga ee jaamacada Citycot Bosaso.
Maamulaha ayaa goobta ka jeediyay Kalmad dheerigalin ah oo ku saabsan in la helo Jaamacado iyo macaahid lagu barto cilmiga Kaluumaysiga iyo Badaha. maadaama Soomaaliya ay leedahay Xeebta ugu dheer Africa, si gaar ahna Puntland ay leedahay Xeebaha ugu dheer guud ahaan Soomaaliya.
06/10/2024
๐๐จ๐ฌ๐๐ฌ๐จ ๐.๐๐๐ญ๐จ๐๐๐ซ.๐๐๐๐
Maamulaha Machadka barashada Cilmiga Badda ee ( SMAFSI ) ๐๐ง๐ : ๐๐จ๐ก๐๐ฆ๐๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฎ๐ฑ๐ข๐ฒ๐ iyo Madaxweynaha Dowladda Puntland ๐๐ฎ๐๐๐ง๐ ๐๐ข๐๐ข๐ข๐ ๐๐๐๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐๐๐ก๐ข ๐๐๐ง๐ข, ayaa maanta xariga ka jaray Deeq Waxbarasho oo ay Dowladdu bixisay iyadoo kaashanaysa Jaamacadda Bariga Africa iyo Machadka Somali Marine Academy , taasi oo in ka badan 30 Arday lagu barayo Cilmiga Badda iyo Kalluumeysiga.
20/09/2024
Dhammaan ardeyda ka soo qalin jabisay dugsiyada sare ee dalka, waxaa lagu war gelinayaa in ay bilaabatay isqoristii Machadka barashada badmaaxida iyo kaluumeysiga (SMAFSI).
Machadku wuxa uu bixinayaa koorsooyinka hoosta ku qoran:
Navigation
fisheries technology
seamanship/sea survival
marine environment
boat biulding
marine engineering
swimming
net mending
rope working
fisheries management
Barashada koorsooyinkaas waa 2 sano.
Machadku wuxa uu ku yaala Bosaaso Puntland, geedka qabriga, daarta dheer ee reer Xareed.
Wixii faah faahin ah Kala xiriir.
7710780, 7726316, 7218195
28/08/2024
Machadka barashada Bad-maaxida iyo kaluumeysiga Soomaliyeed ee Somali Marine Academy (SMAFSI) waxa uu dib u furayaa sannad dugsiyeedka 2024-2025.
Haddaba ciddii danaynaysa waxa lagu wargelinayaa in is qoristu socoto.
Wixii faah-faahin ah na gala soo xiriir Number-ka Maamulka +252 90 7726316.
14/01/2024
Machadka Somali Fisheries Science Institute (SMAFSI) oo qaadanaya Arday cusub, Machadka waxaa lagu bartaa koorsooyinka hoos ku qoran :
Navigation, Fisheries Technology, Fisheries Management, Seamanship,/ Seasurvival, Marine Environment, Boat building
Practical on hand (swimming, Net repairing, Rope tying, Mechanical engineering & Fire fighting).
wixii faah faahin ah na gala so xiriir tell Number 0907726316
23/09/2023
Machadka Somali Fisheries Science Institute (SMAFSI) oo qaadanaya Dufcad cusub, Machadka waxaa lagu bartaa koorsooyinka hoos ku qoran :
Navigation, Fisheries Technology, Fisheries Management, Seamanship,/ Seasurvival, Marine Environment, Boat building
Practical on hand (swimming, Net repairing, Rope tying, Mechanical engineering & Fire fighting).
wixii faah faahin ah na gala so xiriir tell Number 0907726316
22/12/2022
Machadka barashada Kalluumaysiga&Cilmiga Badda Soomaaliyeed ee SMAFSI waxa uu uga mahad-celinayaa Shirkadda Hillaac Computers ooku wareejisay Ardayda Machadka Buugga Sooyaalka Kalluumaysiga Soomaaliyeed ee uu qoray AUN Axmed Maxamed Goobbe.
Machadka SMAFSI oo ah Machadkii u horreeyay noociisa ee laga hir-geliyo Soomaaliya tan iyo burburkii Dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1992 waxa uu u taagan yahay soo saaridda Jiil aqoon durugsan u leh kheyraadka ku jira Badda hodanka ah ee Soomaaliyeed iyo ka faaidaysigeed.
22/10/2022
Captain C/samad Aadan Cali Abdisamad Dhaanto waxa uu ahaa Kabtanka markabkii ugu horreeyay ee Dekedda Garacad kusoo xirta 28/11/2021.
C/samad waxa uu maanta ka mid yahay martida sida gaar ah(VIP) loogu casumey Xafladda Xarigjarka Dekedda Garacad.
Guul & Horumar ballaaran baan u rajeeneynaa Captain C/samad.
Dekedda waa Guul usoo hoyatey Ummadda Soomaaliyeed oo idil.
C/samad wuxuu ka mid yahay miraha Ardeyda wax ka baratay Somali Marine Academy sidoo kale waxa uu ka mid yahay barayaasha wax ka dhiga machadkeenna.