Bari oo Sabti ah iyo Axad (06 ilaa 07 bisha Disember dugsigu waa Fasax waxaynu qiimeyndoinaa Xaalada labadaa cisho insha Allah.
Daarul Huda primary & Secondary school
Our vision is to every child known, Safe, inspired challenged, empowered.
17/09/2025
Maanta oo taariikhdu ahayd 17/September/2025 Waxa dugsiga DAARUL HUDA ka qabsoomay tababar heerkiisu sareeyo oo ay soo agaasimeen Xafiiska Waxbarashada ee Ha'ada AL HUDA ORG oo uu hogaaminayay gudoomiya xafiiska Waxbarashada Sh Ciise Yuusuf, madaxa dabagalka tayada waxbarashada Cabdiraxman Caydiid (Caawiye) iyo madaxa maaliyada Ha'ada Al Huda Ahmed Siciid Kheyre (Ahmed Daliil)
Tababarka ayaa taabanayay
1. Classroom Management
2. How to set the scheme of work and lesson plan.
3. La jaanqaadista technology yada casriga ah.
Tababarkan oo ay ka faa'iidayteen dugsiyada iyo Macaahida Al Huda org ee magaalada Borama sida
1. Dugsiga H/DH iyo Sare ee Daarul Huda
2. Dugsiga H/Dhexe ee Sh. xuseen Abrar
3. Mac-hadka Al huda.
Gabagabadii wuxuu tababarku ku soo dhamaaday ka shaqaynta soo saarista arday ka dhisan akhlaaq ahaan, aqoon ahaan iyo xirfad ahaan ba.
03/09/2025
Dugsiga Daarul Huda primary & Secondary school ee ku yaala magaalada Borama, Xaafada Saanbeeriya.
Waxa ka banaan Hal Macalin oo maadada Carabiga ah, gaar ahaa qaybta Hoose/Dhexe.
Shuruudaha looga bahanyahay:-
1. Waa in uu yahay Macalin ku Sifaysan Akhlaaq Wanaagsan.
2. Waa in uu khibrad u leeyahay Maadada uu dhigayo, isla markaana uu ku soo Shaqeeyay.
3. Waa inuu yahay qof lab (Rag) ah
FIIRO GAARA :
Waxa lugu Soo Dirayaa CV-yada Numberka hoos ku qoran, isla markaana Wixii Faahfaahin Dheeraad ah waxa aad kala soo xidhiidhaysaan Numberkan;- 063-4515525
Deadline: 06/9/2025 habeenka Axada.
Inaalilaahi Wa inaa ilayhi Raajicuun
Bahda Dugsiga Daarul Huda primary & Secondary school waxay tacsi tiiranyo leh u dirayaan Qoyska reer Cali Ducaale Shirdoon (reer Cali Xaashlaawe) iyo sigaar ah maamule khadar Ali Duale oo aabahood Cali Ducaale ku geeriyooday magaalada Borama.
Alle ha ka waraabiyo Janatul Fardawsa
Waxa lagu aasi doona xabaalaha agagaarka dugsiga Turkiga ee Waqooyiga magaalada Borama.
Daarul Huda primary & Secondary school Our vision is to every child known, Safe, inspired challenged, empowered.
14/08/2025
Maamulka iyo macalimiinta Dugsiga Daarul Huda primary & secondary school waxay hambalyo u dirayaa ardeyda kaalmaha ka soo galay imtixaankii sand dugsiyeedka 2024-2026.
Xafladan ayaa ahayd mid kulminaysay xidhitaankii sanad dugsiyeedka 2024-2025 iyo furitaanka Sanad dugsiyeedka cusub ee 2025-2026.
Coming soon!! Tomorrow
Daarul Huda primary & Secondary school Our vision is to every child known, Safe, inspired challenged, empowered.
01/08/2025
Back to School
Waxan ku wargalinaynaa dhamaan walidiinta iyo ardeyda dugsiga Daarul Huda in dib loo furidoono dugsiga maalinta Sabti da 2/Aug/2025.
Isqoristu waxay ka socotaa xarunta Dugsiga ee ha moogaanina.
Wargelin Muhiim ah
Bari oo ku beegan 06/04/2025 Dugsigu waa Fasax Salaada Roob doonta ahna waxa lagu tukanayaa Garoonka Kheyriyada ee saldhiga dhexe.
13/02/2025
Olole nadaafadeed
30/01/2025
Waxa maalintii shalay oo ku beegneyd 29/01/2025 ka qabsoomay barxada dugsiga Daarul Huda primary & Secondary school xaflad lagu abaal marinayay ardeydii kaalmaha h**e ka gashay imtixaankii kalka koowaad ee sanad dugsiyeed 2024-2025.
Xaflada waxa ka soo qayb galay xubno ka mid ah gudoonka Wasaarada waxbarada ee gobalka Awdal uu ugu h**eeyo madaxa kormeerka Md Mohamed Yusuf iyo Md Cismaan Abdi Nuur. Sidoo kale waxa ka soo qayb galay waalidiinta ardeyda la abaal marinayay.
Guntii iyo gabo gabadii waxa ardeyda la siiyay dardaaran, Duco iyo dadaal.
22/01/2025
22/01/2025
Shaqo Banaan
Wargelin Muhiim ah.
Waxan ku wargelinaynaa cid kasta oo danaynaysa macalinimo in dugsiga Daarul Huda primary & Secondary school oo ku yaal magaalada Borama, Xaafada Saanbeeriya uu qaadanayo macalimiin kala duwan.
Shuruudaha looga bahanyahay:-
1. Waa in uu yahay Macalin ku Sifaysan Akhlaaq Wanaagsan.
2. Waa in uu khibrad u leeyahay Maadada uu dhigayo, isla markaana uu ku soo Shaqeeyay.
FIIRO GAARA :
Waxa lugu Soo Dirayaa CV-yada Numberka hoos ku qoran, isla markaana Wixii Faahfaahin Dheeraad ah waxa aad kala soo xidhiidhaysaan Numberkan;- 063-4515525
Deadline/ ugu dambeyn: 26/01/2025
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the school
Telephone
Website
Address
Borame
Opening Hours
| Monday | 07:00 - 12:00 |
| Tuesday | 07:00 - 12:00 |
| Wednesday | 07:00 - 12:00 |
| Saturday | 07:00 - 12:00 |
| Sunday | 07:00 - 12:00 |