15/04/2025
🎉 War Farxad Leh oo ku Socda Ardayda Galaysa Imtixaanka GCSE ee Wax Ka Barata ama Danaynaysa OODROGE! 🎉
Oodroge (www.oodroge.com) waa madal waxbarasho (E-learning) oo ay gacanta ku hayaan aqoonyahanno iyo macallimiin (Software Developers and Senior Lecturers), kuwaas oo qaarkood wax ka dhiga jaamacadaha dalka, gaar ahaan Jaamacadda Camuud. Ilaa hadda waxaa iska diiwaan geliyay in ka badan 1000 (kun) arday, gaar ahaan ardayda dugsiyada sare ee Somaliland, meel kasta ama gobol kasta ha joogaan, iyagoo booqda website-ka oodroge.com.
Hadda waxaa ardayda u diyaarsan koorsooyin iyo imtixaano ay ka shaqeeyeen macallimiin tayo sare leh, kuwaas oo badankood haysta shahaadooyin Master ama Double Master, sidoo kale ka soo shaqeeyay hawlaha imtixaanka GCSE sida sixitaanka, ilaalinta, iyo kormeerrada.
Ujeeddada kooxda Oodroge waa inaan caawinno bahda waxbarashada anagoo adeegsanayna technology-ga casriga ah. Waxaa intaa dheer casharro duuban, waxaana jiri doona tababbaro toos ah oo lagugu barayo qaababka loo wajaho imtixaannada iyo farsamooyinka lagu guulaysto.
💥 War Wanaagsan!
Waxaan idiin soo gudbinaynaa in dhammaan koorsooyinka Oodroge aad hadda isku diiwaan gelin karto ama ku heli karto kaliya $2 (laba doolar)!
📚 Maxaa Sabab u ah Qiimahaas Hoose?
Waxaan aaminsanahay in waxbarashadu noqoto jaanis qof walba u furan oo uu awoodi karo.
Ujeeddadeennu waa inaan kugu dhiirrigelinno inaad wax barato si aad si fiican ugu baasdo imtixaanka GCSE.
Tani waxay muujinaysaa in aanu ahayn ganacsi ku saleysan faa’iido raadis, balse ay naga go’an tahay kordhinta aqoonta iyo horumarinta mustaqbalka ardayda.
Waxaanu sidoo kale tixgelinay codsiyo naga soo gaaray arday iyo waalidiin doonaya in carruurtoodu ka faa’iidaystaan barnaamijkan.
👉 Ka faa’iideyso fursaddan maanta — mustaqbalkaaga ku maal geli $2 oo kaliya!
Wixii faahfaahin dheeraad ah, nala soo xiriir:
📱 WhatsApp: https://wa.me/252634528142
🌐 Website: www.oodroge.com
📘 Facebook: Oodroge
🎵 TikTok: Oodroge