Amoud University

Amoud University Welcome to Amoud University(Jaamacada Camuud). Est. 1997 in Borama, we are Somaliland’s oldest public university. Join our community today!

As a "Vehicle for Peace & Development," we empower future leaders through academic excellence. Amoud University is a non-governmental, national University and open to all aspiring candidates who fulfill the admission requirements without discrimination based on sex, ethnic, origin, creed, color or religion. The idea of establishing Amoud University was conceived by four intellectuals working in the Gulf in 1994 and was formally proposed in a workshop held in Borama on August 6, 1996. The workshop agreed to the proposal and adopted a resolution for the establishment of the University by 1997. Amoud University started its first admission examination on September 1997 and selected 66 students to undergo a nine-month intensive English course. The University commenced its undergraduate program on 4 November 1998 and admitted the first freshman class, setting a landmark in the history of higher education in this country.

22/09/2026

: Shaqaalaha kala duwan ee Jaamacadda Camuud ayaa ka warbixiyay dareenkooda iyo aqoonta ay ka faa’iideen tababarkii labada maalmood socday, kaas oo diiradda lagu saaray hoggaaminta, maamulka iyo maaraynta, qaab-dhismeedka jaamacadda, xirfadaha hoggaamineed, Xaqiijinta Tayada (Quality Assurance), ilaalinta heerarka tayada iyo joogteyntooda.

22/09/2026

: Jaamacadda Camuud ayaa soo xidhay tababar socday muddo labo maalmood ah, kaas oo diiradda lagu saaray kobcinta aqoonta la xidhiidha Hagidda, Maamulka, Maaraynta , Qaab dhismeedka, xirfadda hogaamineed Xaqiijinta Tayada (Quality Assurance), iyo Ilaalinta Heerarka tayada iyo Joogteyntooda.

MAALINTA 2 AAD:  Fahamka Tayada iyo Ilaalinta Heerarka TayadaJaamacadda Camuud ayaa sii wadday maalintii labaad ee tabab...
22/09/2026

MAALINTA 2 AAD: Fahamka Tayada iyo Ilaalinta Heerarka Tayada

Jaamacadda Camuud ayaa sii wadday maalintii labaad ee tababar socday muddo laba maalmood ah, kaas oo maanta diiradda lagu saaray Xaqiijinta Tayada (Quality Assurance), Ilaalinta Heerarka iyo Joogteyntooda.

Maalintan, waxaa si gaar ah diirada loogu saaray fahamka tayada, heerarka iyo habraacyada jaamacadeed, qiimaynta tayada, iyo horumarinta joogtada ah ee adeegyada iyo waxqabadka Jaamacadda.

Tababarka waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin iyo shaqaale ka kala socday qaybaha kala duwan ee Jaamacadda, kuwaas oo ka qaybqaatay doodaha iyo is-dhaafsiga aqoonta iyo waayo-aragnimada ku saabsan tayada iyo heerarka tacliimeed.

Tababarku waxa uu xoojiyay fahamka ka qaybgalayaasha ee doorka hubinta tayada iyo ilaalinta heerarku ku leeyihiin tayaynta waxbarashada iyo horumarinta joogtada ah ee Jaamacadda Camuud.

 Booqashada Amoud Foundation ee Jaamacadda Camuud.Wafti ka socday Hay’adda Samafalka ee Amoud Foundation ayaa maanta boo...
22/09/2026


Booqashada Amoud Foundation ee Jaamacadda Camuud.

Wafti ka socday Hay’adda Samafalka ee Amoud Foundation ayaa maanta booqasho ku yimid Jaamacadda Camuud, iyagoo kulan iyo is-dhaafsi xogeed la yeeshay masuuliyiinta Jaamacadda.

Booqashadu waxay qayb ka tahay xoojinta wada-shaqaynta iyo iskaashiga u dhexeeya labada dhinac.

Office of Protocol and Events, Amoud University

21/09/2026

: 𝐓𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐋𝐚𝐛𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐦𝐨𝐨𝐝 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐒𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐇𝐚𝐠𝐢𝐝𝐝𝐚, 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥-𝐰𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠𝐠𝐚, 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚.

Xafiiska Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud, Prof. Dr. Mohamed Muse Jibril, ayaa soo qabanqaabiyay tababar laba maalmood ah oo diiradda lagu saarayo maamul-wanaagga, maareynta iyo maamulka jaamacadda.
Tababarka waxaa loo qabtay Agaasimayaasha Xafiisyada, Hormuudada Kulliyadaha iyo Ku-xigeennada Hormuudada Kulliyadaha, iyadoo lagu xoojinayo fahamka qaab-dhismeedka jaamacadda, hoggaaminta, wada-shaqaynta iyo hufnaanta maamulka.

 Tababar Laba Maalmood ah oo ku Saabsan Hagidda,  Maamul-wanaagga, Maareynta iyo Maamulka JaamacaddaXafiiska Guddoomiyah...
21/09/2026


Tababar Laba Maalmood ah oo ku Saabsan Hagidda, Maamul-wanaagga, Maareynta iyo Maamulka Jaamacadda

Xafiiska Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud, Prof. Dr. Mohamed Muse Jibril, ayaa soo qabanqaabiyay tababar laba maalmood ah oo diiradda lagu saarayo maamul-wanaagga, maareynta iyo maamulka jaamacadda.
Tababarka waxaa loo qabtay Agaasimayaasha Xafiisyada, Hormuudada Kulliyadaha iyo Ku-xigeennada Hormuudada Kulliyadaha, iyadoo lagu xoojinayo fahamka qaab-dhismeedka jaamacadda, hoggaaminta, wada-shaqaynta iyo hufnaanta maamulka.

Ujeeddada tababarku waa kobcinta aqoonta iyo xirfadaha hoggaamineed, iyo xoojinta nidaam maamul oo ku dhisan hufnaan, isla-xisaabtan, wada-shaqayn iyo tayo.

Jaamacadda Camuud waxay si joogto ah uga shaqaysaa xoojinta hoggaaminta iyo horumarinta nidaamyada maamulka, si ay ugaadho himiladeeda waxbarasho iyo horumarineed una bixiso adeeg aqooneed oo tayo leh.

Jaamacad xooggan waxay ku dhisan tahay hoggaan wanaagsan iyo maamul hufan .


 Maalintii Labaad: Kobcinta Aqoonta iyo Xirfadaha CilmibaadhistaDugsiga Daraasaadka Sare iyo Cilmibaadhista ee Jaamacadd...
20/09/2026


Maalintii Labaad: Kobcinta Aqoonta iyo Xirfadaha Cilmibaadhista

Dugsiga Daraasaadka Sare iyo Cilmibaadhista ee Jaamacadda Camuud ayaa soo gabagabeeyey tababar socday muddo laba maalmood ah oo ku saabsanaa “Designing National Surveys: From Data Collection to Survey Design.”

Maalintii labaad ee tababarka ayaa si qoto dheer diiradda loogu saaray naqshadaynta sahannada qaranka, hababka xog-ururinta iyo maaraynta xogta, hubinta tayada xogta, iyo falanqaynteeda. Ardaydu waxa ay heleen aqoon iyo xirfado wax-ku-ool ah oo ka caawinaya in ay si cilmiyeed u qorsheeyaan sahanno, u ururiyaan xog sax ah, una maareeyaan oo u falanqeeyaan si waafaqsan hab-raacyada cilmibaadhista.

Tababarku waxa kale oo uu ardayda ku dhiirrigeliyey fahamka muhiimadda ay leedahay xog tayo leh oo lagu saleeyo cilmibaadhis iyo go’aan-qaadasho ku dhisan caddayn. Waxa ay ka faa’iidaysteen casharro iyo tusaalooyin la xidhiidha habka xogta loogu beddelo aqoon, caddayn iyo natiijooyin wax-ku-ool ah.

Ugu dambayntii, tababarkani waxa uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Jaamacadda Camuud ay ku horumarinayso awoodda cilmibaadhiseed ee ardayda, kuna dhisayso jiil aqoonyahanno ah oo leh xirfado casri ah, fikir cilmiyeed iyo awood ay xogta ugu adeegsadaan fahamka iyo xallinta caqabadaha bulshada.

Office of Protocol and Events, Amoud University






 : Kobcinta Xirfadaha  Qalin jabiyeyaasha : Guusha Shaqo Doonka Dugsiga Caafimaadka Guud iyo Nafaqada ee Jaamacadda Camu...
20/09/2026

:
Kobcinta Xirfadaha Qalin jabiyeyaasha : Guusha Shaqo Doonka

Dugsiga Caafimaadka Guud iyo Nafaqada ee Jaamacadda Camuud ayaa qabtay tababar ku saabsan horumarinta xirfadda iyo diyaar-garowga shaqada, kaas oo loogu talagalay ardaydii ka qalin-jabisay qaybaha Caafimaadka Guud iyo Nafaqada ee Dufcaddii 25 aad ee 2026.

Tababarka waxaa diiradda lagu saaray xeeladaha shaqo-doonka, diyaarinta CV-ga, iyo xirfadaha lagama maarmaanka u ah diyaar-garowga shaqada, iyadoo qalin-jabiyeyaasha la siiyey aqoon iyo talooyin wax-ku-ool ah oo ka caawinaya inay si wanaagsan ugu gudbaan suuqa shaqada.

Dugsiga Caafimaadka Guud iyo Nafaqadu wuxuu marwalba diyaar u yahey taageerida qalin-jabiyeyaashiisa xitaa marka ay ka baxaan jaamacadda, isagoo u diyaarinaya inay helaan fursado xirfadeed, aqoontoodana ugu adeegaan horumarinta caafimaadka bulshadooda.

Office of Protocol and Events, Amoud University



The Amoud University Research and Innovation Center is immensely proud to extend its warmest congratulations to Mr. Abdi...
20/09/2026

The Amoud University Research and Innovation Center is immensely proud to extend its warmest congratulations to Mr. Abdirashid Dahir Aye and his esteemed co-authors on the publication of their important clinical study, “Accelerated Conservative Management of Severe Congenital Knee Hyperextension in a Low-Resource Setting: A Case Report,” in the International Medical Case Reports Journal
This valuable case report presents the successful management of a rare and severe congenital knee hyperextension in a one-day-old newborn using an accelerated 14-day two-stage serial casting protocol followed by focused physiotherapy. The treatment achieved complete correction and full functional recovery within three weeks, with stable joint function confirmed at three months.
The study is especially significant because it demonstrates how carefully designed, low-cost, non-surgical treatment can achieve excellent outcomes in a resource-limited setting. It offers an important practical contribution to neonatal orthopedics and highlights the potential for locally delivered, evidence-based care to address complex clinical problems without immediate reliance on advanced surgical resources.
Key Highlights of the Study:

1. Accelerated Conservative Treatment: The case used a two-stage serial casting protocol completed within 14 days, considerably shorter than prolonged conservative approaches commonly described in the literature.

2. Successful Functional Recovery: Following casting and seven days of structured physiotherapy, the newborn achieved complete correction, full knee movement, and stable functional recovery.

3. Relevance for Low-Resource Settings: The study demonstrates that early, carefully monitored conservative treatment can provide a feasible and cost-effective alternative to prolonged immobilization or surgery in appropriately selected cases.
We celebrate Mr. Abdirashid Dahir Aye not only for this publication, but also for contributing to the growing visibility of Amoud University research in the international scientific community.
Read the full study: [https://doi.org/10.2147/IMCRJ.S608712]

Amoud University Research and Innovation Center [Advancing Knowledge, Transforming Lives]

19/09/2026

𝐌𝐮𝐮𝐪𝐚𝐚𝐥 : Dugsiga Daraasaadka Sare iyo Cilmibaadhista ee Jaamacadda Camuud ayaa ardayda u qabtay tababar soconaya muddo laba maalmood ah, kaas oo ku saabsan “Designing National Surveys: From Data Collection to Survey Design.”

Warbixinta ku saabsan tababarka, ka daawo muuqaalka hoose.

Address

Amoud University
Borama

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Amoud University posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The School

Send a message to Amoud University:

Shortcuts

Share