08/12/2025
OGEYSIIS MUHIIM AH
Maamulka iyo Macallimiinta Dugsiga Hoose/Dhexe ee Ardaale
waxay bulshada, waalidiinta iyo ardaydaba ku wargelinayaan in:
Maalinta bari oo taariikhdu tahay 9/12/2025
laga furayo iskuulka, isla markaana ardaydu ay fadhiisan doonaan imtixaanka qorshaysnaa.
Waxaan ka codsaneynaa waalidiinta iyo ardayda in ay si wanaagsan isu diyaariyaan, una soo xaadiraan waqtiga loogu talagalay.
Guul iyo hormar baan u rajaynaynaa dhammaan ardayda.
Maamulka Dugsiga Hoose/Dhexe Ardaale