15/01/2024
Asalaamu calaykum dhamaan asxaabta igu xidhan maanta maqaalkeenan waxaan ku eegi doonaa insha Allah muhiimada ay leedahay inaad barato kuliyado kala duwan sanadka 2024 ama noloshaadaba.
Run ahaantii waxaa muhiim ah hadii uu qofku awoodayo muuqaal ahaan iyo dhaqaale ahaanba (physically and economically) inuu ka faaiidaysto wakhtigiisa isagoo ku isticmaalaya wax noloshiisa anfacaya kana dhigaya mid wax badan fahansan oo aqoon u leh labadaba diin iyo maadibaa.
Run ahaantii hadii aan nidhaahno qora faaiidada ay leedahay inaad wax badan barato ma koobi karayno sidaas awgeed waxaan isku dayaynaa inaan soo koobno inagoo si guud u eegayna insha Allah.
Halkan waxaa ku soo koobay shan faaido waxaana ka mida;
1.Increase your future opportunity, waxay ku u qaadaysaa fursadahaaga mustaqbalka insha Allah.
2.Improve your experience, waxay kor u qaadaysaa khibradaada aqooneed taasina waa mid kuu saacidaysa insha Allah wax badan noloshaada.
3.Develop your income capacity, waxay horumarisaa awoodada dhaqaale run ahaantii waxaa muhiim ah inaad badiso aqoontaada si aad dhaqaale kugu filan ad u hesho insha Allah.
4. Emphasize your personal skills, waxay awoodaysaa xirfadahaaga qofkeed, run ahaantii manta samankan aan joogno xirfaduhu waa waxa ugu muhiimsan ee qofka lagu qiimeeyo xiliga shaqo doonka.
5. Improve your personal communication, waxay kor u qaadaa xidhiidhkaga qofeed, runtii communication ku waa muhiim marka aad doonayso inaad badasho noloshaada sidooklena aad horumariso fursadahaga nololeed.
Hadaba tusaale guud oo kuu sharaxaya fikirka guud ee maqaalkan.
Tusaale; waxaan bartay kuliyada cuntada iyo nafaqada (1st Degree) sidooklena waxan bartay kuliyada ict ( 2nd Degree) ugu danbayna waxaan ku daray laba master oo kala ah (Master in HUN iyo Master in ICT ) kawrn fursad intee le'eg ayan helayaa noloshayda bal adigu qiimee!!!!!!!.
Note: marka aad rabto inaad barato aqoon kala duwan kaliya maaha machaneedu inaad classkii xaadirto ee kaliya waa inay adiga ka go'anthy oo aad rabto inaad shaygan barato imikana waxaan hysanaaba TECHNOLOGY horumarsan.
By Mohamed Mahdi Hussein