Naadiga akhriska ee Buug-maal.

Naadiga akhriska ee Buug-maal.

Share

AKHRISTAHA MAANTU, WAA HOGAAMIYAHA BARRI.

27/12/2025

BUUGA: SIDEE BAY DADKA GUULAYSATAY U FIKIRAAN?
QORAAGA: JOHN C. MAXWELL
TURJUMAAGA: DR. FAARAX MAXAMED(DOOGLE)

Waxaan darasayen dadka guulaystay mudo afartan sannadooda. Inkasta oo kala duwanaanshaha aad ka dhex helayso uu yahay mid yaab leh. Waxaan ogaaday inay dhamaantood ka siman yihiin siday u fikiraaan! Taasi waa halka shay ee dadka guulaystay ay kaga duwan yihiin dadka aan guulaysan. Sida dadka guulaysta u fikiraan wa la Baran karaa. Fakareyaasha iyo hal-abuureyaashu waxay xalliyaan mashaakilada, waligood ma waayaan fikiraddo miro dhal ah, waxayna kobciyaan hannaanka fakar wanaaga waxayna hantaan oo xukumi karaan naftooda, xitaa markay ku hoos-nool yihiin taliye dulmi badan ah.

- hab fikir wanaagsan: wuxuu kuu horseedi karaa horumarinta aqoontaada, fikradahaaga iyo xirfadahaaga. Marka aad qaadato wakhti aad ku barato sida loo badalo fikradahaaga loona noqdo mufakir iyo hal-abuure wanaagsan, waxaad maal gashanaysaa naftaada. Suuqyada saamigu waa ay burburaan, maalgashiga hantida ma guurtada ahi waa lagu guuldaraysan karaa lakiin maskaxda aadanaha ee leh awood ay si fiican ugu fikirto waa sida God dheeman ah oo aan dhamaanin. Maskaxda aadanaha ee ku xardhan habfikirka wanaagsani waa wax aan qiimaheeda la goyn karin.
- Noqo mufakir iyo hal-abuure wanaagsan: u bandhig naftaada quudinta wanagsan una yeel ilo quudineed oo wanagsan sida akhrinta buugagta, u bandhiga naftaada mufakiriinta iyo hal abuurada wanagsan, hadii aad rabto inaad noqoto mufakir iyo hal-abuure guulaystay, agjoog dadka guulaystay ee wax afeeya, fikraduhu waxay leeyihiin nolol gaaban fikirkaaga qaabeey kuna dhaqaaq waxaanad ka dhigtaa dareenkagu inuu abuuro fikir kale oo wanaagsan, Si aad u noqoto qof dahab badan qodan kara, waa inaad ilaalisaa joogtaynta hannaanka fikradaha wanaagsan, oo waa inaad yeelataa goob aad ku fikirto, marka aad hesho meel aad ku fikirto, baad adiga iyo fikiradahaaga is helaysan.

Henri-louis bergson oo ahaa faylasuuf faransiisa ah, oo ku guuleytay abaalmarinta Nobel prize ee suugaanta 1927, ayaa sheegay "qofku wa inuu u fikiraa sida inuu yahay ninka hawsha darawalka ka ah ( maamulka fikirka) "

- Markasta oo ay sii weynaato mushkiladdu, waxaa sii badanaya wakhtiga diirad saarida fikirka lagama maarmaanka u ah in la xaliyo. Fikrada wanaagsani waxay noqon kartaa fikrad wayn marka la siiyo wakhtik khaas ah. Ku bilaw inaad diirada saarto meelaha aad ku fiicantahay, samee waxa aad ku raaxaysato, oo u samee sida ugu fiican, u fiirso meelaha iyo goobaha miro-dhalka leh.

- Ma awoodo inaan fahmo qof walba ma awoodo inaan sameeyo wax walba ma awoodo inaan aado meel walba ma awoodo inaan noqdo qof si buuxda u horummarsan nolosha, hadii aadan hal-abuurin sidaad jeclaan lahayd inaad noqoto, si fudud waxaad bedeli kartaa hab-fikirkaaga.

sifooyinka hal abuuradu leeyihiin waa: hal-abuurnimadu waxa ay ku saabsan tahay waa in la yeesho fikrado. Waxaad fikrado yeelan doonta kaliya hadii aad qiimeyso fikradaha. Dabcan wax walba marka qiimahooda la garto ayaa lagu dadaalaa.

- hindisuhu waa u muhiim hal-abuurka . Sida uu Albert Einstein u yidhi "hindisuhu wuxuu aad uga muhiim San yahay aqoonta" abuuritaanka fikrado dheeraad ah waxay la mid tahay *ka fikirid+ ururin + abuurid + saxid + xiriirin.

Mar hadaad xalkan nala soo gaadhay akhriste hammbalyo, wixii faalo ahna hoos noogu reeb, lasocona buuga xiga.
by: Ugbaad Abdirahmaan.

29/11/2025

Reading furnishes the mind only with materials of knowledge. it is thinking makes what we read ours.🧠

21/11/2025

Dhiganaha la magac baxay;
“Aabbe Hodan ah, Aabbe Sabool ah”

Qoraaga: RobertT.Kiyosaki

Wuxuu Dhashay: 8 April 1947, Hilo, Hawaii – USA.
Waa ganacsade, maalgaliye iyo qoraa caalami ah.
Buuggiisa ugu caansan waa “Rich Dad Poor Dad” oo markii ugu horreysay la daabacay 1997.
Waxa uu baray malaayiin qof oo caalamka ah in fikradda ah in hodantinimadu aysan ku xirnayn mushahar, balse ay ku xirantahay sida lacagta loo fahmo, looga shaqaysiiyo, loona maalgashado.

Turjumaaha: Dr. Jaamac Sahal
Waa aqoonyahan Soomaaliyeed oo turjuma buugaag qiimo leh.
Isaga ayaa af-Soomaali ku turjumay buuggan “Aabbe Hodan ah, Aabbe Sabool ah.”
Ujeeddadiisu waxay ahayd in bulshada Soomaaliyeed gaarto aqoon maaliyadeed iyo casharrada nolosha ee buuggu xanbaarsan yahay.

1: Laba Aabbe
Qoraagu wuxuu lahaa laba aabbe oo kala fikir duwan:
Aabbe Sabool: ]aabihiis dhabta ah], wuxuu ahaa mid aqoon iyo shaqo fiican leh, balse dhaqaale ahaan tabar daran. Wuxuu aaminsanaa in guushu ku jirto shaqo fiican iyo mushahar joogto ah.

Aabbe Hodan: [aabbaha saaxiibkiis] nin ganacsade ah, waxbarasho caadi ah leh, balse dhaqaalaha si fiican u fahmay. Wuxuu aaminsanaa in guushu ku jirto in lacagta loo shaqaysiiyo oo hanti la dhisto.
Casharka ugu weyn ee bugani bixinayo waa: farqiga fikirka hodanka iyo kan saboolka.

2: Sababta Aan U Baahanahay Maaliyad-Barasho
Dugsiyada iyo jaamacaduhu waxay baraan xirfado shaqo, laakiin ma baraan sida lacagta loo maareeyo.
Taasi waa sababta dad badan shaqo fiican u hayaan, mushahar fiican u qaataan, haddana ay weli dayn iyo dhibaato dhaqaale ku jiraan.
Waxbarashada dhaqaale waxay kaa caawinaysaa inaad fahanto waxa hanti dhab ah tahay iyo sida loo abuuro dakhli joogto ah.

3: Hanti iyo Deyn
Hanti: wax kasta oo lacag kuu soo celinaya (ganacsi, saamiyo, guri kirada ah).
Deyn: wax kasta oo lacag kaa qaadaya (baabuur cusub, alaab raaxo, deymo).
Saboolku waxay inta badan iibsadaan waxyaabo ay moodaan hanti, balse dhab ahaantii waa deymaha burburiya dhaqaalahooda.
Hodanku waxay xoogga saaraan dhisidda hanti.

4: Baro Inaad Lacagta ka Shaqaysiiso
Saboolku wuxuu u shageyaa lacagta, hodankuna lacag bay shaqo u diraan.
Tani micnaheedu waa in qofka hodanka ahi abuuro maalgashi iyo hanti ku siinaya dakhli joogto ah, halkii uu mushahar keliya ku tiirsanaan lahaa.
Lacagtu waa addoon wanaagsan haddii aad maamusho, balse waa sayid xun haddii ay adiga ku maamusho.

5: Ka Shaqaynta Waxbarasho, Ma aha Mushahar
Shaqadu waa meel lagu barto xirfado, laguna tababarto maamulka.
Mushaharka oo keliya laguma tiirsanaado, waayo mushahar walba waa ku meel gaar.
Hodanku shaqada waxay ugu adeegsadaan inay wax ku bartaan, si ay mustaqbalka u yeeshaan hanti iyo maalgashi madax-bannaan.

6: Fursadaha iyo Halista
Dadka caadiga ah waxay arkaan caqabad marka ay fursad arkaan.
Hodanku waxay arkaan fursad marka ay caqabad arkaan.
Si aad ugu guulaysato dhaqaale ahaan, waa inaad yeeltaaa geesinimo aad ku qaadato tijaabo, kana faa’iidaysato fursadaha yar yar ee nolosha.

7: Caadooyinka Hodanka iyo Saboolka
Saboolku lacag bay helaan kadibna waxay ku bixiyaan raaxo degdeg ah (baabuur, alaab).
Hodanku marka ay lacag helaan, waxay marka h**e u diraan inay soo celiso lacag kale (maalgashi, hanti).
Caadooyinka nolosha iyo go’aamada yaryar maalin kasta ayaa kala saara hodanka iyo saboolka.

8: Caqabadaha Dadka Ka Hor Istaaga Hodantinimada.
Qoraagu wuxuu xusay shan caqabad oo waaweyn:
Cabsi – dadka intooda badan waxay ka baqaan khasaaraha.
Shaki – qofku wuxuu ku shakisan yahay kartidiisa.
Caajisnimo – rabitaan la’aan iyo dib u dhigid.
Faan iyo Kibir – dadka qaar waxay ka xishoodaan inay wax bartaan ama qaldamaan.
Rabitaan Degdeg ah – dadka qaar waxay rabaan inay lacag ku helaan si dhaqso ah, taasoo fashiliso qorshayaasha fog.

9: Maalgashiga iyo Aqoonta Dhaqaale.
Maalgashigu khatar wuu leeyahay, balse khibrad iyo aqoon ayaa ka dhigta mid la xakameyn karo.
Hodanku waxay bartaan sida loo kala saaro khatar iyo fursad.
Khatar waa marka aad ku gasho meel aanad aqoon, aanad qorshe u hayn, khasaaruhuna uu ka badan yahay faa’iidada.
Fursad waa marka aad si fiican u barato, u qorshayso, khasaaruhu yar yahay, faa’iidada joogtadana ay muuqato.
Mushahar keliya kugu filan ma aha, waayo wuxuu ku hayaa meel hal meel ah, laakiin maalgashigu wuxuu kuu abuuraa xorriyad dhaqaale.

10: Waxbarashada Joogtada ah.
Hodanku waligood ma joojiyaan barashada: waxay akhriyaan buugaag, qaataan tababaro, waxayna la kulmaan dad ka aqoon badan.
Saboolku waxay ku qanacsan yihiin waxa ay yaqaanaan, sidaas darteed ma horumaraan.
Xorriyadda dhabta ahi waxay timaadaa marka qofku mar kasta maskax furan yeesho oo wax cusub barto.

Gunaanad
Buuggu wuxuu ku barayaa in:
Hodantinimadu aysan ku xirnayn mushahar ama shaqo fiican, balse ku xirantahay fikirka aad ka qabto lacagta.
Waa in aad barato maaliyad, kala saarto hanti iyo deyn, lacagta u shaqaysiiso, kana gudubto cabsi iyo caqabadaha hor taagan.
Waxbarashada joogtada ah iyo fikir furan ayaa ah sirta guusha dhaqaale.

By Asma Barkhad Tallen

06/06/2025

عيد الأضحى المبارك..

Dhammaan Ummadaha Muslimiinta ah gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyeyneynaa farxadda 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐮𝐥 𝐀𝐝𝐱𝐚𝐚.

Si gaar ah waxaa hambalyo ugu diraynaa asxaabta nagu xeran.

29/03/2025

EPISODE 2️⃣ 7️⃣

26/03/2025

EPISODE 2️⃣ 5️⃣

26/03/2025

EPISODE 2️⃣ 4️⃣

23/03/2025

EPISODE 2️⃣ 3️⃣

23/03/2025

EPISODE 2️⃣ 2️⃣

22/03/2025

EPISODE 2️⃣1️⃣

20/03/2025

EPISODE 2️⃣0️⃣

Want your school to be the top-listed School/college in Borama?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Bile Raod
Borama