Tageer wallaha ka yar yar
Warsan development training and consulting services
Qof walba waxa uu leeyahay rajo balse waxa lagu kala duwan yahay sida loo kala doono
🥇❤
30/09/2022
Bani aadamka waxaa uu yaqanaa biyaha sidda ay ku sameysmaan, Elementiyada biyaha ay ka kooban yihiin, Sidda Molecule ay ku noqdaan (H₂O) . Laakiin haddii dadka dhulka saaran oo dhan ay isku tagaan suurtagal ma aha biyo nadiif oo la cabi karo in ay sameyaan, Way yaqaaniin qaabka falgalka iyo maadooyinka biyaha uu ka sameysmo, Laakiin daciifnimada bani aadamka heerka ay la egtahay, Wax uu yaqaano sidda ay ku sameysmaan xitaa haddii uu u dhimanaayo ma awoodo in uu sameysto. İsku day xitaa bani aadamka haddii uu sameeyo siddii uu u sameysan lahaa biyo uu cabo waxaa uu ku qasban yahay (Biyaha uu heli doono X1000 jibaarkeedii Energy ah in uu bixiyo) Haddii xitaa malaayintaa dolar energygaasi bixiyo xitaa, Halis kale oo qarax Nukliyeer ah ayuu bani aadamka la kulmi karaaa, İsaga oo raadinaayo hal liitar oo biya ah ayuu ku dhiman karaa qaraxaasi. Siddii dhacdadii 1937 Hindenburg Mareykanka.
Bani aadamku marnaba faraha lama geli karo elementiyada si uu isugu dhajiyo caksigeedii qarax ayuu kala kulmayaa, Waxaase cajiib ah iyada oo maanta bani aadamka hawada sare qalab uu u diraayo, Haddana wax kale ka sokow biyihii uu cabi la'haa xitaa ma awoodo in uu sameysto. Maanta haddii dhulka oo dhan biyaha ku jiro ay qalalaan, Majirto dunida hal shirkad ama hal qof oo dhihi kara BİYO ayaan sameysan karnaa. ''Dadow waxaad tihiin fuqaro Alle u baahan, Allena waa mid taajir ah oo amaanan'' (Quraanka kariimka Faatir 15). Bani aadamku in uu yahay faqiir Alle u baahan halka ugu dhaw uu ee uu ka ogaan karo waa cuntada uu cuno in isaga uusan lahayn, Biyaha uu cabana in isaga uusan lahayn. Laakiin maanta dadka badankoodii maba fahamsano biyaha ay cabaan in Alle xaggiisa ay uga imaadaan, Qof kasto Tubada ayuu iska furayaa si free ah biyo ka qulqulaayo ayuu arkayaa, Laakiin ceelka laftirkiisu biyaha xaggee ayuu ka keeenaa isma waydinayaan dadka? Dhulka hoostiisa waa kuma cidda gelisay biyaha?
Dadka badankoodii in aysan fekerin waxaa ugu wacan maanta systemka nolasha ay ku socoto iyo technology-yada. Allena waxaa uu dadka uu leeyahay; ''Maka fekerteen biyaha aad cabeysaaan, Ma adinka ayaa samada kasoo dajiyey? Mise Annaga ayaa kasoo dajinay, Haddii aan doono biyaha waxaan ka dhigi karnaa kuwo qadhaadh ah oo aanan la cabi karin ee maad Alle u mahadcelisaan'' (Waaqicah 56; 68-70). Laakiin dadka way aqriyaan aayadahani xitaa isbuucii kuwo ayaa dhowr jeer aqriya. Laakiin dadka si dhab ah u fahmaya Aayadu waxaa ay waydisay aad ayey u yaryihiin. Badankoodii waa kuwo hurdaya Boobsiis ayey Aayadahani ku maraan. İyaga oo gaflad ku dhex jiro.
Haddaba bani aadamka isaga oo aanan sameysan karin cuntadii uu cuni lahaa iyo biyihii uu cabi lahaa haddii Alle sokadiisa İllaah kale uu caabudo, Ama uu dhaho ''İllaahay majiro''. Ama cid İllaahay sokadiisa ah haddii uu wax waydisto isaga oo galabtiina Arzaaqada Alle cunaayo, Majirtaa qofkaasi cid ka dulmi badan. Dardaarankii Luqmaan wiilkiisa uu kula darmaaray Quraanka markii uu inoo sheegaye waxaa kamid ahayd ''Wiilkeygiyow Alle wax hala wadaajinin, Shirkigu waa dulmi wayn''. (Quraan Luqmaan 13). İn Shirkigu dulmi wayn uu yahay qof kasto ayaa fahmi karo ee si dhab ah Aayadaha Kowniga ee Alle aqriyo. (Allena marnaba qof uma cafinaayo shirki, Laakiin dembiyadii kasoo hara shirki qofkii Alle uu rabbo wuu u cafinayaa'' (Suurah Nisa 116). Shirkigu maanta sidda uu u kala noocyo badan yahay weliba aanan lo fahmi karin waxaa kamid ah xitaa in qofku aamino (Biyaha qaab dabiici ah oo keliya in ay ku sameysmaan Allena wax door ah in uusan ku lahayn).
Quraanka kariimka waxaa uu dad hanuunsan oo nabadgalyo helaayo uu ku sheegay kuwa İimaankoodii shirki aanan ku qasin. ''Kuwa Alle rumeeyey, Ee imaankoodii dulmi (Shirki) Aanan ku qasin, Amni ayey ku noolanayaan, Waana kuwo hanuunsan'' (Surah Ancaam 82).
Ugu dambeyn: Bani aadamka waxaa looga baahan yahay wax weliba ka hor in uu fiiriyo waxa uu cunaayo halka ay ka imaadeen (فلينظر الإنسان إلى طعامه) Miyuusan bani aadamka cuntadiisii uusan fiirineynin? Marka uu arko bani aadamka waxa uu cunaayo ama uu cabaayo cid dhulka saaran oo sheegan karta in aysan jirin, Xitaa cid sameyn karta cunto iyo biyo in aysan jirin marka uu arko waxaa uu dareemayaa in Rabbigiisii uu arzaaqo. Haddii uu mahadceliyana way u khayr badan tahay waxaa uu ku helayaa Ziyaado. Aakhirana Nabadyalyo. Laakiin haddii isaga oo Arzaaqada Alle cunaayo dulmi uu sii raacsiyo (Dembi aanan cafis lahayn ayuu faraha uu lagalayaa).
Waabari garoowe
Raxmadii eebe
20/09/2022
Reading is always successful no matter how fast or slow it is
Eng khaliif aw farah
Dhabtii wa muqaaal samayn leh
Xaqiiq👁
14/09/2022
Wadada cusub ee Xaafada Waabari ee Dagmada Garoowe
Insha allah waxan ku beeran doona dhir aad uqux badan
Anagoo wadajirna
Dhammaan bulshada xafada
09/09/2022
Waxa i waheliya dariskyaghSaacid Ahmed Boqol .
Karaamo
Hambalyo dhammaan aradayda soomliyeed ee malinka bari ah ka qalin badalan doonta jamacada Camuud
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the school
Telephone
Website
Address
Borama