10/07/2026
Dalxiis Waxbarasho iyo Aqoon Korodhsi ah oo ay ka Qayb Galeen Ardayda Fasalka 8-aad iyo Macallimiintooda
Iyadoo laga duulayo muhiimadda ay leedahay in waxbarashadu aysan ku koobnaan fasalka dhexdiisa oo keliya, maamulka Dugsiga Darasalaam Primary School ayaa u qabtay ardayda dhamaysatay fasalka 8-aad iyo macallimiintooda dalxiis waxbarasho iyo aqoon korodhsi isugu jira, kaas oo lagu booqday goobo taariikheed, waxbarasho iyo dalxiis oo ku yaalla gobollada Awdal iyo Gabiley.
Dalxiiskani wuxuu ujeeddadiisu ahayd in ardaydu helaan waayo-aragnimo cusub, kor u qaadaan aqoontooda, isla markaana ay si toos ah u bartaan deegaanka, taariikhda, dhaqanka iyo goobaha muhiimka ah ee dalkooda.
Safarka intii uu socday, ardayda iyo macallimiintu waxay booqdeen Magaalada Arabsiyo, halkaas oo ay ku soo indho-indheeyeen beeraha quruxda badan ee dalxiiska, kana barteen muhiimadda beeraha, deegaanka iyo doorka ay ka qaataan horumarinta bulshada.
Sidoo kale waxay booqdeen Gabiley National Library ee magaalada Gabilay, halkaas oo ardayda lagu baray muhiimadda maktabadaha, akhriska, cilmi-baadhista iyo kaydinta aqoonta. Booqashadani waxay dhiirrigelin u ahayd ardayda si ay u xoojiyaan dhaqanka akhriska iyo raadinta aqoonta.
Goobaha kale ee la booqday waxaa ka mid ahaa Dhagaxa Misinle, oo ka mid ah goobaha caanka ku ah taariikhda iyo quruxda dabiiciga ah. Ardaydu waxay halkaas ku barteen xog la xidhiidha deegaanka, juqraafiga iyo qiimaha ay leedahay ilaalinta goobaha dabiiciga ah.
Intaa waxaa dheer, waxaa la booqday goobo kale oo badan oo ku kala yaalla gobollada Awdal iyo Gabiley, kuwaas oo si weyn u kobciyey fahamka ardayda ee taariikhda, deegaanka iyo ilaha kala duwan ee dalkooda.
Dalxiiskan waxbarasho wuxuu ahaa mid si weyn u xoojiyey wadajirka ardayda iyo macallimiinta, isla markaana u noqday xusuus qiimo badan oo ay la qaadan doonaan noloshooda. Waxa uu sidoo kale ka qayb qaatay kobcinta xirfadaha bulshada, isdhexgalka, wada shaqaynta iyo jacaylka ay u qabaan dalkooda iyo waxbarashada.
Ugu dambayn, maamulka dugsigu wuxuu u mahadcelinayaa dhammaan macallimiintii, waalidiintii iyo cid kasta oo gacan ka geysatay hirgelinta dalxiiskan qiimaha badan. Waxaan rajaynaynaa in ardayda fasalka 8-aad ay aqoonta iyo waayo-aragnimada ay ka korodhsadeen safarkan uga faa’iidaysan doonaan marxaladaha waxbarasho ee ay mustaqbalka u gudbayaan.
“Waxbarashadu ma aha oo keliya waxa lagu barto fasalka, balse waa waayo-aragnimada laga helo nolosha iyo deegaanka kugu xeeran.”