03/04/2026
KULAN SABOOTIN IYO SAFAR SALAAMAYN.
Waxaa ay mu'asasadu u qabatay kulan duco iyo sabootin ah MUSTAFE DAAHIR ABDI (MUSTAFE AWLIYO) oo ah arday quraanka barashadiisa uga soo rixlaystay dalka Djibouti isaga oo dib ugu laaban doona dalkiisii kadib markii uu qur'aanka xifdiyey kana mid ahaa ardaydii sanadkan qalin jabisay.
Maamulka, macalimiinta iyo ardayduba, waxay ugu ducaynayaan in alle dadaalkiisii ka abaaliyo kana yeelo mid dalkiisa iyo dadkiisaba ku anfaca insha allah..
18/03/2026
AFFUR WADAREED KULMIYEY QAAR KAMIDA ARDAYDII KALA DUWANAA EE KA TAKHARUJAY MARKAZKA 2010 ILAA 2025.
Maanta oo ay taariikhdu tahay 28-09-1447H, Waxa kulan afur wadareed ah iskugu imid Ardaydi kala duwanayd ee ka aflaxday markaska Luqmaan Al-xakiim.
Waxa uu ahaa Kulan qiimo badan oo uu hormuud u ahaa sheekh Abdirahman Daahir jiilaal, oo ay gacantisa ku aflaxeen arday badan oo daafaha dunida kala joogta.
Kulanku waxa uu u badnaa duco iyo is Xaal waraysi waxana uu kulmiyay akhyaar badan oo nolosha qaybaheeda kala duwan ku kala jira
18/03/2026
AFFUR WADAREED KULMIYEY QAAR KA MIDA ARDAYDII KALA DUWANAA EE KA TAKHARUJAY MARKAZKA 2010 ILAA 2025.
Maanta oo ay taariikhdu tahay 28-09-1447H, Waxa kulan afur wadareed ah iskugu imid Ardaydi kala duwanayd ee ka aflaxday markaska Luqmaan Al-xakiim.
Waxa uu ahaa Kulan qiimo badan oo uu hormuud u ahaa sheekh Abdirahman Daahir jiilaal, oo ay gacantisa ku aflaxeen arday badan oo daafaha dunida kala joogta.
Kulanku waxa uu u badnaa duco iyo is Xaal waraysi waxana uu kulmiyay akhyaar badan oo nolosha qaybaheeda kala duwan ku kala jira
14/03/2026
HAMBALYO. HAMBALYO.
Maamulka iyo macalimiinta markazkuba waxa ay hambalyo la wadaagayaan labada arday ee guusha kasoo hooyey tartanta quraanka kariimka ee ay qabatay جمعية الهدى لمراكز القرآن الكريم بورما .
المرتبة الأولي: معاد جمال نور
المرتبة الثالثة: فاطمة عبد الفتاح احمد
21/02/2026
Waxaa lagu wargalinayaa Dhamaan waalidiinta iyo Ardayda dhigata markazka in maalinta beri oo ah uu FASAX YAHAY markazku labada galinba. Salaada roob doonta awgeed.
18/02/2026
حفل إستقبال شهر رمضان.
رمضان مبارك ، رمضان مبارك.
Xaflada soo dhawaynta bisha barakaysan ee ramadaan .
14/02/2026
Barnaamijka wacyi galinta goobaha waxbarasha oo uu soo qabanqaabiyey Ururka Bil-Khayr ayaa ka qabsoomay مراكز لقمان الحكيم لتحفيظ القرآن الكريم مع التَّجويد maalinkii arbacada.
08/12/2025
السلام عليكم ورحمة الله وبركاته.
Dhamaan waalidiinta iyo ardayda dhigata markazka waxaan ku war gelinaynaa in beri oo salaasa ah dib loo bilaabi doono wax barashada insha allah.
05/12/2025
OGAYSIIS OGAYSIIS
Waxaa lagu wargalinayaa Dhamaan waalidiinta iyo Ardayda dhigata markazka in maalinta beri ah ( sabtida) uu FASAX YAHAY markazku labada galinba Xaalada jirta awgeed.