Safi Medical College Borama

Safi Medical College Borama

Share

Education

12/12/2023

Job Vacancy

11/12/2023

Ogaysiis Ogaysiis muhiim ah.
Waxa xadhiga laga jaray College noociisu ku cusub yahay wadanka kaasi oo u gaar ah culuumta caafimaadka. Waxana bulshada diyaar u ah dhamaan qalabkii, manhajkii iyo macalimiintii waxbarashaduna waxay sitoosa u bilaabmi doontaa 15/12/2023. Diiwaan galintuna way furan tahay. Goobtuna waa dabaqa sare ee xarunta Borama Suit House ama kasoo horjeedka pharmacy ga Gahayr. Fadlan wixii faahfaahina kala xiriir WhatsApp 0634514331/0634590959

09/12/2023

Ogaysiis Ogaysiis muhiim ah.
Waxa maalinta bari oo ku beegan 10/12/2023 xadhiga laga jari doonaa College noociisu ku cusub yahay wadanka kaasi oo u gaar ah culuumta caafimaadka. Waxana bulshada diyaar u ah dhamaan qalabkii, manhajkii iyo macalimiintii waxbarashaduna waxay sitoosa u bilaabmi doontaa 15/12/2023. Diiwaan galintuna way furan tahay. Goobtuna waa dabaqa sare ee xarunta Borama Suit House ama kasoo horjeedka pharmacy ga Gahayr. Fadlan wixii faahfaahina kala xiriir WhatsApp 0634514331/0634590959

04/06/2023

اطلبوا العلم من المهد الي اللحد .
Cilmiga Raadiya inta u dhaxaysa dharabta iyo laxadka ama qabriga .

Micnha Inta Noloshaada U Dhaxeysa Marka Aad Dhalatid Ilaa Inta Qabriga Ka Galeysid Cilmiga Raadi oo marna ha joojin .

01/06/2023

AQOONTA
---

Bulsho kasta aqoonta waxa ay u qaadataa laba qaab midkood:

1. Qaab muuqaaleed : qaabkaan hannaanka tacliimeed waa maqaarsaar, waxa ayna ka dhigan tahay aqoontu maadooyin la xifdiyo ama la dhegaysto uun, wax muhiimad ahna lama siiyo in aqoontaas lagu xiro yoolal lagu gaarayo xaqiiqooyinka ama loogu dhowaanayo. Aqoontani waxba kuma darsato baahiyaha bulshada, iyo ka faa’iideysiga uunkaba. Kaalinteeduna waxa ay noqotaa xunbo aan waxba doorin. Aqoontani waxa ay diiradda saartaa hanashada shahaadooyinka, si kastaba ha loo helee. Sidoo kale, helitaanka waraaqaha caddaynaya in qofku nidaam waxbarasho uun soo maray ayaa ka muhiimsan aqoonta laftigeeda, hilinka tacliineed, iyo hab-fekerka mandiqa iyo manhajka ku dhisan.

2. Qaab qotadheer: habkaan ayaa ka dhigan in tacliinta loo arko agab iyo hannaan lala falgalayo si ardaygu u hanto macnaha qotadadheer ee akhriska, cilmibaarista iyo aragtiyaha, isla maarkaana waxa uu baranayo lagu larayo waaqica. Si uu dabeecadda iyo arrimaha bulshada ugu baaro xeeldheeri isaga oo ka dabqaadanaya ifafaalayaasha iyo baaritaannada cilmiyeed, kala saarista fikradaha iyo muujintooda, kolkaana waa in la iska ilaaliyo in la galo khaladaad mandiq ku dhisan iyo kuwo lagu ilduufo.
Aqoonta dhabta ahi waa ta qofka u sahlaysa in uu naftiisa ka fikiro, oo ku kalsoonaado, si joogto ahna uu u baaro manhajka waxbarashada, maadaama uu yahay wax-soo-saar bini’aadam oo u baahan baaritaan joogto ah. Aqoontu waa mashruuc aan gunaanad lahayn, oo aan dhammaanayn, haddii uu xagal kasoo xirmona, doc kale ayaa falsafadda cilmigu ka furtaa, taasina waxa ay daaha ka qaaddaa fagaag cusub iyo marxalad horumareed.

Xaqiiqda dhabta ah ee jirta ayaa ah in aragtida aqoonta iyo saqaafadeedu ay la ildaran yihiin in ciriiri la geliyay, oo noloshii bulshada laga fogeeyay, isla markaana la curyaamiyay wadadii loo mari lahaa. Xiriirka aan la leennahay cilmiga waa inta warqadda imtixaanka ku qoran, intaas oo ugu dambayntana aynu ku xiranno khaanadaha guryaha innoo yaal, ama aynu ka laadlaadinno derbiyada iyagoo shahaadooyin ah. Ta ugu xanuunka badanna waa in aan ku celcelinno marar badan: aragtidaan waxa ay ka xadeen (gaaladu) buunigii muslimka ahaa ee hebel, ama App-kaan waxa ay ka qaateen muslimiinta ku dhaqan gobol hebel. Tani waxay la mid tahay baroordiiqda lagaga nefiso xanuunka geerida ku timaadda qofka, waana garowshiyo qotadheer oo aynu ka bixinayno dib-u-dhaceenna, laakiin ereyadan waxaynu ka dhiganaynaa qalbi qaboojin iyo isa-sabirsiin, taas oo in yar ina maaweelinaysa, balse dhab ahaantii waa arrimo inna xujaynaya.

Balse dhabbo kale ayaa jirta taas oo ah dhabbaha nolosha, waxaa jidkaas ka buuxa odoros, cilmibaaris, tijaabooyinkii h**e oo lala falgalo, waxna laga barto, iyo in lagu dadaalo in wax cusub la daahfuro, la gorfeeyo, lana naqdiyo. Waddadaas ayaa ka dhigan horumarinta fikradaha iyo mashaariicda iyaga oo aan la qofayn. Nuxurka dhabbahaasi waa in la yeesho waxsoosaar ballaaran oo aqooneed, iyada oo dadka dariiqaas maraya ay garwaaqsan yihiin in cilmigu maanta yahay waxa bulsho ay dhiggeeda kaga saramari karto, una horseedi kara aakhirka in bulshadu ay noqoto mid go’aannadeeda iyo aayaheeda u madaxbannaan, oo xukumi doona masiirka jiritaankeeda, horumarkeeda iyo xasilloonideeda.

DHARDHAARRADA QOONTA:

Waxaa jira saddex dhardhaar oo dhaqaajiya aqoonta, waana:

1. Wax-is-weydiinta:

Dhardhaarka koowaad waa weydiinta, waxa ayna kulansanaysaa laba tiir oo muhiim ah: weydiin joogta ah iyo shaki-aqooneed kuwaas oo si wadajir ah ugu taagan nuxurka aqoonta iyo maxsuulka kasoo baxa waxsoosaarka aadanaha. Weydiinta joogtada oo lagu laray aqoontu waxa ay horseedaysaa joogtayn, tuhun-aqooneedka/shaki-aqooneedka aynu jeednaa se waa ka duwan yahay shaki-nafsiyeedka xanuunka ah. Shaki-aqooneedku wuxuu oggol yahay horumarinta manjah cilmibaariseed oo oggolaanaya in halbeeg la saaro marinka la marayo iyo natiijada uu soo saaro cilmi-baare kasta ee dunida guudkeeda jooga. Balse shaki-nafsiyeedku, isla isaga ayaa isku wareeganaya, iyada oo aan la hayn manhajiyad looga baxo wareegga shakiga, sidaa awgeedna waxba k**a duwana shakigaasi hannaanka loo yaqaan Islaqummanaanta (Dogmatism-ka) oo loola jeedo jawaabaha sida joogtada ah loo bixiyo ee ka tarjumaya yaqiin/ hubanti aan cilmi ku dhisnayn, taas oo qofku uu ku dheggan yahay aragtidiisa oo keliya, halka uusan aqbali karin in lagu sameeyo fikirkiisa kala-haadinta cilmiyeed.

Cilmiga iyo horumarintiisa waxaa sees u ah curinta weydiimo joogta ah, bulshooyinka ka cabsada wax-is-weydiinta ama diida waxa ay isku xukumeen burbur. Carruurtu waxay ku dhashaan sifada su'aalaha joogtada ah, guriga iyo dugsiguna waxay leeyihiin laba ikhtiyaar midkood: In ay xoojiyaan tilmaantaas cuddoon, ama in ay hagaasiyaan ilaa ay ka dilaan.

Sida guriga iyo dugsiguba ay arrinka u go’aamiyaan, ayaa sidoo kale mawqifka bulshooyinka ee ku aaddan aqoontu wuxuu noqdaa laba mid uun; sheegasho aan afka dhaafsiisnayn, iyada oo bulshadaasi taas lidkeeda la nooshahay, oo ay - dhabtii – ka baqayso wax-is-weydiinta iyo natiijooyinka aqooneed ee soo baxaya, waayo waxaa laga yaabaa in ay su’aal geliyaan nidaamyadoodii duugoobay, oo waxay asalkaba ka baqayaan in wax cusub uu soo baxo, mana doonayaan in la kala shaandheeyo waxa u huursan. Ama bulshadu waxay ka run sheegtaa beeritaanka dhaqaajiyayaasha aqoonta, mowqifkaasina wuxuu ka muuqdaa horumarinta ay ku sameeyaan manhajkooda, macallinka, warbaahinta, qoyska, iyo sida ay aqoonta ugu adeegsadaan arrimahooda nololeed, waxsoosaarkooda tacliineedna ugu kobciyaan xarumahooda daraasaadka, habdhaqankooda, iyo warshadahooda hadba si u dhiganta awooddooda cilmiyeed, sidoo kale, waxaa laga dheehan karaa mowqifka bulshada sida uu ugu tiirsan yahay mashruucooda qaran waxsoosaarka tacliineed; si ay u xaqiijiyaan madax-bannaanidooda iyo isku-filnaanshahooda iyada oo la eegayo duruufaha dal kasta. Tilmaamahani, waxay ka marag kacayaan mowqifka bulshadaas iyo ka go’naanshaheeda , hawlgalka tacliineedna wuxuu helayaa qiimihiisa.

2. Naqdinta:

Bulshooyinku waxay ku noolaadaan, kuna horumaraan natiijada ka dhalata naqdinta cilmiyeed, maqdintu waa burinta culuumtii h**e ee aan caddaynta ku dhisnayn. Sida dadaal kasta oo cilmiyeed uu waxsoosaar dhab ah u soo kordhinayo, ayuu haddana dhabtii wuxuu tilmaamayaa gaabis ku jiray wixii ka horreeyay, waa arrin xaqiiqo ah oo bulshooyinka dib-u-dhacay aysan arkayn, maaddaama aysan garan karin in horumarka noloshu uu yahay natiijadii naqdinta. Dhanka kale, waxaa jira xiriir aan kala maarmin oo ka dhexeeya ka cabsiga naqdinta iyo dib-u-dhaca. Bulshooyinka iyo hay’adaha aqooneed ee ka cabsada naqdinta ee xasaasiyadda ka qaba, waxa ay isku xukumeen baaba’, gabbalkooduna waxa uu dhacaa iyaga oo aan isdareensanayn.

Waxaa inna huran in aan si dhab ah isu weydiinno xaaladda aadanuhu ku sugnaan lahaa, haddii ay ku hakan lahaayeen waxsoosaarkii qarnigii tegay? Waxaa xusid mudan in dunidaan mawjadaha isbaddelku isrogrogayaan ciddii moognaan kaga sugnaata dhowr sano ay u muuqanayaan kuwo dibadda ka jooga loollanka. Sidaas darteed, u diyaarinta caqliga bulshada in uu xaqiiqdaas cad la noolaado ayaa ah tilmaan muujinaysa bedqabka iyo dammaanad-qaadka horumarka joogtada ah, taas oo aan looga maarmin xaalad kasta oo bulsheed iyo mid cilmiyeed.

3. Waxsoosaar aqooneed:
Waxsoosaarka aqoontu waa miraha kasoo go’a wax-is-waydiinta iyo naqdinta, marka ay bulshadu ku baraarugto muhiimadda tilmaanta waxsoosaarka aqooneed, kuma qancayso aqoonta leh qaab muuqaaleedka ee aan dhaafsiisnayn qalin-jabiyayaasha, shahaadooyinka, iyo cilmi-baarisyada, balse waxay u baahan tahay in ay gurato miraha ka dhasha arrimahaas oo dhan oo ay xaqiijiso waxsoosaar cilmiyeed, hal’abuurro cusub, isla markaana ay ka qayb qaadato horumarinta aqoonta heer caalami.

---

Buugga: التصورات الكبرى والتقدم الاجتماعي - bogagga (36-40)
W/Q: Dr. Jaasim Suldaan
W/T: Madasha Hoobaan

31/05/2023

AKHRISKA NOLOL MAALMEED KA DHIGO

Aroor kasta waad soo kacdaa,waxaad cuntaa cunno kala duwan, waxaad cabtaa biyo, waad socotaa, waad neefsataa, waad hadashaa, oo waad nooshahay, ka waran haddii dhowr maalmood oo xiriir ah aadan wax cunin waxna cabin, dabcan waad tabardarsanaysaa, oo Xaalad adag baad galaysaa.

Sidaa si lamida, haddii aad leedahay aqoon waxaad u baahantahay inaad maalin kasta cusboonaysiin ku samayso, inaad maalin kasta wax akhrido waxay ka dhigantahay inaad maalin kasta wax cusub baranayso.

AKHRISKA NOLOL MAALMEED KA DHIGO

For more Follow us 👉👉 Hormari Noloshada



28/05/2023

Asalaamu caleykum bulsho,soo dhawaada oo ku soo Dhawaada wax-barasho tayo leh

Want your school to be the top-listed School/college in Borama?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Near Hemma Books Borama
Borama