20/08/2020
Sanad wacan oo wanagsan dhamman umada Islaamka Alle ha inagu gaadhsiiyo nabad qab Sanadkaa Sanadkiisa......
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Askar Academic, Education, Borama.
20/08/2020
Sanad wacan oo wanagsan dhamman umada Islaamka Alle ha inagu gaadhsiiyo nabad qab Sanadkaa Sanadkiisa......
15/07/2020
Sideed u dajin lahayd Hadaf kaaga.
Dajinta hadafkaagu waa inaad qorshe iyo aragti ka yeelato sida aad doonaysoinaad noqoto mustaqbalkaaga. Si aad u dajiso haddaf ama qorshayaal waa inaad marka h**e yeelataa riyo ama aad heshaa waxaad aad ugu jeelan tahay.Riyadani waxay noqon kartaa waxay doonto sida inaad noqoto caalim diinta ku xeeldheer, nin lacag leh, inaad iibsato guri wayn iyo gaadhi amase aad noqoto madaxweynaha wadanka aad ku nooshahay.Talaabada ugu h**eysa ee dajinta hadafkaagaWaxa ugu h**eeya eed u baahan tahay inaad qabato si aad u dajiso hadafkaaga si sax ah waa inaad go’aansato waxaad dhab u doonayso. Waa maxay waxa haddii aad hesho badali lahaa noloshaada? Xaqiiqdii maxaad u baahan tahay? Waa maxay waxa haddii aad gaadhi lahayd kuu horseedi lahaa farxad.Sawirashadu waxay kaa caawin kartaa inaad ogaato waxa aad doonayso. Waxaad fadhiisataa goob nafis ah oo aanad kala kulmayn wax ku qasa dabeeto ka fikir himiladaada mustaqbalka. Kadib marka aad sawirato himiladaada waa in hadafyada aa dajinaysaa noqdaan qaar ujeedkoodu yahay una shaqaynaya inaad ku gaadho himiladaada amase riyadaada.
Xikmado Xul iyo Xaqiiq ah
1. Geedka waxaa lagu qiimeeyaa miraha ama harka uu bixiyo, bini’aadanka waxaa lagu qiimeeyaa ficilada ay sameeyaan. Camalka wanaagsan marnaba ma khasaaro; Qofka beerta aadaab & hab dhaqan wanaagsan wuxuu gurtaa miraha xushmada iyo jaceylka dadka u hayaan
2. Ka fogow Xanaaqa, adiga keliya ayay ku dhaawacaysaa. Maxaad la caroonaysaa? Hadii aad saxsan tahay looma baahna in aad carooto, hadii aad qaldan tahay xaqba uma lihid in aad xanaaqdo
3. Qaladka ugu weyn dadku sameeyo inta badan waa; waxay dhageystaan kala bar, waxay fahmaan rubuc, waxay sheegaan laba jibbaar wixi ay maqleen ama dhacay
4. Caqabaduhu kuma joojin karaan, Dhibaatada kuma joojin karto, Dad wax kaa sheegay kuma joojin karaan, adiga keliya ayaa naftaada joojin kara oo dib u dhigi kara
5. Dad qaarkii waxay isku dayaan in ay banaanka soo dhigaan wixi kaa qaldan, sababtoo ah ma xamili karaan mana aqbali karaan wanaaga iyo waxa saxda ah ee aad sameynayso
6. Marnaba aad ha uga fakirin wixi tagay, waxay kuu keenaysaa murugo. Aad ha uga fakirin mustaqbalka, waxay kuu keenaysaa welwel iyo cabsi. Ugu noolow Maantadan adigoo dhoolacadeynaya, waxay kuu keenaysaa Farxad iyo Rayn-rayn
7. Goortii Maskaxda iyo jirka qofku daciif yahay, xaalad kasta waxay ku noqotaa dhibaato, Goortii maskaxda iyo muuqaalka jismiga qofku xoogan yahay, xaalad kasta waxay u noqotaa fursad
8. Maseyr yar waa u caafimaad xiriirka.. way wanaagsan tahay had iyo jeer in aad ogaato in qof ka baqayo in uu ku waayo
La Wadaag Asxaabtaada